Saturday, 14 September 2013

WAXYIGII QALINKA

Gudcur magan gooyo ah oo gudgudude miray arlada, ayaan xalay ku go’doomay gabiyo hoostood. Ilays la’aanta iyo dugsiga aan waayay waxa igaga ba’naa wehel la’aanta iyo  dhegtayda oo cabsidu u soo dhawaysay dhawaqa cida bahalaha dad qaadka ah.

Waxan galluubnaado gabi hoostiiba, goor danbe oo naftaydu rajada uga dhawdahay quus ayaan arkay ilays ka ifaya meel daaqsin geel ii jirta. Goorta ay naftu hubsiimaha ilawdaa waa marka ay quusta weheshatee, iyadoon garaadkii la shawrin bay hinqatay oo isku sii daysay halkii ilaysku uga hillaacay. U qaadan waaga qawaaniinta nolosha ama quruxdeedba ku sheegoo, waxa isla markiiba hogaan u noqday nafta rajadii ay daqiiqado ka hor dhigtay ee ay quusta ka door bidday. Dugaag iyo halaq hooseba waxay uga gabboon wayday waa shucaaca ay aragtay ee wehel ay wiil u dhashay ah mooday.

Qadar markaan sii qarda jeexay dhul qodax leh oo qarfo ah ayaan ku soo dhawaaday ilayskii oo kaahiisu dhulka simay, oo soo wada saaray quruxdii degaanka iyo farshaxannimada awoodda Alle ee qawl abwaan iyo qalinba qeexi kari waayeen. Nolol aanan garanayn goor aan nacay baa jacaylkeedii dib iigu unkamay, gartayse inaan ku ballan furay markii aan gudcurka iyo gabiga ku hoos jiray.

Markaan soo gaadhay halkii naftu u soo hilawday ayaan maqlay cod qaro leh oo quwadiisa ay ka wayntahay haybadiisu oo i leh “ Kabaha saar oo goroda laalaadi, waxaad soo gashay gole barakaysan oo ilayskiisu ka imanayo samaawaadka sare dushoodee. Goobtan barakaysani waa golihii qalinka amran ee loogu hor uumay abuurta Alle. Dhego laab u daloola ku dhuux garashada halkan taal qalbigaagana u fur fariimaha aad qaadi doonto” Cod qamuunyo leh oo aan qalbi dhiirrinayn baan ku idhi: magan baan ahay ilaysoow, mugdi iyo murugo mataanaysan baa igu raad joogee ha ii loogin, gobanimadana ha dhaawicin.

“Qof iyo dad midkeed tahay, mase taqaanaa Qalinka” ayaan maqlay hadana mar kale. Waxan is idhi bal u jeedso oo eeg xagga codkan haybada lihi ka imanayo waxase isla markiiba indhahayga iftiinkii kala tagay ilays aad u nuur badan oo aanan ifka ku arag isagoo kale. Gartay in aan joogo madal barakaysan oo ay reebantahay inaan  is idhaa ku xad il qoodha. Qof iyo dad anigu kala qaadi garan maayo, qalinkase waxaan u aqaan inuu yahay ka wax qora, ayaan ku jawaabay.

 Qosol aan ka dhadhansaday quudhsiga garasho la’aantayda  ka dib hadana waxaan la iigu daray “ Qalbigaagaa wasakhaysan, halkanna lagaama ogolee gudcurkaad eheltihiine kac oo xagiisa u baydh magan galyona maad mutaysan mar hadaad tahay kuwa qalinka ceebeeyay ee qoraa wada sheegtay!”  Maan jawaabine waxaan anigoo argagaxu  oogadayda u badalay harag wiyileed oo qolof adagi ka kacday madaxayga, aan u furay dhegahayga inaan dhagaysto bal dhaliishayda mar labaad waxa hadana igu hawaarsaday welwel cusub oo u marag kacay haybada  nuurka iyo codka aan maqlayo iyo madashan dahiran een eedaysane ku nabad galayn. Waxaa halkaa iiga bilaabmay eedahii inta aan qalinka karaamadiisa iyo qiimihiisa midna garanayn oo aan madashaa anigu ku matalayay, iyadoon wali la ii ogolaan inaan madaxa kor u qaado ayaa mar labaad codkii ila hadlay oo igu yidhi:

Qalinku maaha sidaad u qabtee waa dawaad lagu bilo waraaqaha cadcad ee iftiimiya quluubta aadanaha, qurus laguma doono lagumana qawlaysto qabaxdaad ku mamteena waa quud xaaraan ah. Qoraalku waa sirta qalinku ka soo qaado quluubta daahirka ah ee ay qoomeen garasho la’aanta iyo qabyaalada ragaadisay ummadoodu. Waa wadaanta ummada u soo dawlista sirta badbaadada ee ku duugan ceelasha xikmadda iyo taariikhda ee inta dubaaqa fayow ee dareenka naxariista lihi ugu deeqaan dadkooda.

Mar kale, qalinku waa riishad ku jirta gacanta farshaxan qalbi saafi ah leh oo dhadhansada quruxda abuurta Alle una turjuma dadka macnaha quruxda muuqata iyo midda daahan ee maanku dhadhansado. Waa dheemanka kala dhanbala dhadhaabaha waawayn ee ay dhex jiifto quruxda dadku aanay dhaadhin ee indhahooda soo hor dhiga.

Mar danbe oo ay naftaydu ku xasishay madashii oo weheshatay nuurkii qalinka ayaa la ii idmay inaan kor u qaado madaxayga, aniguna aan cod baryootamaya ku idhi: Inkastoo ilayskani indhaha nuurkii kala tagay oo aan garawsaday in dulucdeeda garashadu ka shishayso muuqaalka guud, galladaada sooryiyo garashaan marti u ahay!

“Waxan kugu galladay  iftiin haga garashadaada oo aan garka wadna kuu sudhay. Waxaanad ku heshay sida edebta leh ee aad ugu hogaansantay awooddan kaa sarraysa iyo haybadeeda aad isku dhiibtay” Waxa kale oo  la ii raaciyay fariintan oo qalinkii xadradiisii barakaysnayd iga soo faray
"Qaad, qor oo fariintan u gudbi inta is mooday ee iyagoo madhan isku qiray qoraa: Alaa lacnatul qalimi wal quraa’i calaa kulli man asaa’a ilaa aqdasil mihan li inqaadil umam.
Duco iyo habaar waa midkee baan cod hoose ku idhi. Amiin dheh adigu iyagaa garan hadii inuun damiir nooli ku jiree. Indhahaan taagayay malaha intuu gartay buu ii raaciyay “ Nacdasha qalinka bilan, qoraalka iyo ehelka akhristaaba ha ku dhacdo qofkasta oo isagoo madhan qalimaanta halabsada”

Gartay haatan in qalinkii, oo nuurkiisu ka soo fulayo maqaamka sare ee qalinka dhawrsan ee loo xilsaaray qaddarka kawnku, inuu xil culus i saaray!  Anigoo ku jira xaaladaa la yaabka leh oo isu dhiibay qalinka dahiran oo wali ku ashqaraarsan quruxda madasha, ayaan maqlay cod aad u macaan oo aad moodo kii ay culimada Quraanku odhan jireen LAXNAL SAMAA, oo akhriyaya “ NUUN  WAL  QALAMI  WAMAA  YASDURUUN”
Sawdkaa macaan iyo eedaankii subax oo kulamay baan ku baraarugay oo kaga soo naoqday riyadaydii waxyiga la igu soo faray.


No comments:

Post a Comment