Safarkii madaxwaynuhu
ugu baxay socdaalkii Shiinaha ayaa daaha ka rogay fadeexado la yaab leh oo in
muddo ah ku huursanaa xafiisyada saraakiisha madaxtooyada qaarkood iyo garasho
la’aanta in badan oo warbaahinta dalka ah.
Waxa la yaab ah
runtiina fadeexad ku ah qaran doonaya inuu dunida ka mid noqdo, waliba ay
haatan golahiisa xukuumada ku jiraan
aqoonyahannadii ugu badnaa ee marqudha wada shaqeeyaa, in ay illaa haatan garan
laayihiin inay hagaan saraakiisha iyo xafiisyada ay bulshada u mariyaan
warbixinaha loogu talo galay inay gaadhaan bulshada dalkan iyo guud ahaanba
dunida inteeda kale. Waxa kaloo nasiib darro ah in dalkan ay ka jiraan warbaahin
aad u tiro badan oo had iyo goor ku dooda inay yihiin xirfadleyaal madaxbanaan
oo ay muuqato in intooda badani aanay raadin karin xaqiiqo muuqata, iska daa
inay daah furaan wax inaga qarsoone.
Qormadani maaha
dhaleecayn, waase dhaliil gacaltooyo iyo muwaadin damqaday dareenkii, waana
afeef aan jeclahay in sideeda loo dareemo. Aan u dego fadeexadan iyo sidii ay
karaamada wadanka iyo sharafta madaxwaynaheenaba u dhaawacday waxay tahay iyo
inta ku eedaysan.
Dib u dhacii duulimaadka
diyaaradii qaaday madaxwaynuhu wuxu keenay in ay diyaaradaasi fadhiisato
magaalada Dire Dawa ee dalka Ethiopia goor danbe oo fiid ah, iyagoon waxba iska
waydiin sababta iyo sida ay arrintaasi ku dhacday ayaa in badan oo
warbaahinteena ahi, ay markiiba ku macneeyeen khilaaf ka dhex dhacay duuliyihii
diyaarada iyo waftigii uu qaadayay. Waxay ku dareen af lagaado fool xun oo ay
sharaftii qaranka erayo aad u fool xun ku dhaawaceen. Garoo hada waxay inna
leeyihiin waa xorriyad iyo warbaahin madaxbannaan waxayse muujiyeen sida ay uga
arradanyihiin wadaniyada iyo ixtiraamka ummadooda iyo garasho la’aanta ka
haysata raadinta xaqiiqo muuqata. Waxa kale oo ay intaa ku dareen faallooyin
aad u liita oo ay kaga dhigeen socdaalkii madaxwaynaha mid shakhsiyaad
maalqabeeno ah oo gaara loogu dan quminayo.
Eedda ugu wayn, hadaba,
waxa iska leh af-hayeenka madaxwaynaha oo muujiyay in aanu waxba badan dhaamin
yar yarkan qaladka ka fahmay macnaha warbaahinta madaxa bannaan. Sarkaalka
qabanaya shaqadani waa inuu ogaada in looga baahanyahay, garasho, xogogaalnimo,
deganaan, iyo xulashada erayo hufan. Waa markii labaad ee inta aan qof ahaan
xasuusto uu galay qalad aad u fool xun oo muujinaya sida aanu garasho badan ugu
lahayn xilkiisa iyo raadinta xogta oo ku yar. Garan maayo gudoomiyihii ururka
saxafiyiinta Somaliland iyo tifaftire wargaysna waa ahaan jiraye sida wax u hoos
mareen! Mise tolow markiisa horeba wuxu ahaa uun mid ka mid ah warfidiyeenkan
aan dhaliilayo!
Markii ay warbaahintan
aan dhaliilayaa la soo xidhiidheen ee ay waydiiyeen waxa keenay in diyaaradii
madaxwaynaha siday ugu baydho Dire Dawa ayaa af-hayeenku wuxu ugu jawaabay, waa
siday fidiyeen warbaahintuye, in hadii
gabalba dhaco aan diyaaraduhu fadhiisan airport-ka wayn ee magaalada Addis
Ababa oo aan waliba loo ogolayn diyaaradaha transit-ka ah!!! Isagoo is leh
marlabaad war ka bixi madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa wuxu intaa raaciyay in
madaxwaynaha la dejiyay huteel meeqaamkiisu sarreeyo, intaa wax macno leh oo
kale kuma darin.
Hadii uu af-hayeenku
waydiin lahaa saraakiisha duulimaadka ee wasaarada duulista hawada dalka waxa
xaqiiqo ah inuu heli lahaa xog faahfaahsan oo maangal ah oo uu dadka iyo
warbaahintaba u sheego: diyaarada madaxwaynaha qaaday waxay ahayd diyaarad yar
oo ah nooca ku duula jooga hoose oo lagu hago aragtida duuliyaha ama ay
yidhaahdaan waaxda duulista diyaaraduhu Vissual Flight Rules (VFR) taas oo
macnaheedu yahay in aanay diyaaradan yari duuli Karin marka gabbalku dhaco ee
madawgu daaho dunida, maadaama aanay lahayn qalabka lagu duulo ee lagaga maarmo
aragtida duuliyaha. Waxa kale oo jiray in madaxwaynuhu sidii qorshuhu ahaa dib
ugu dhacay shaqada uu qaranka u hayo darted taasina ay keentay inay diyaaradan
oo ku duusha joog hoose xawaaraheeduna koobanyahay aanay suurto gal u ahayn
inay sii wado duulimaadkeeda, waxa kale oo iyana uu duuliyuhu ku xisaabtamayay
cimilada iyo dhulka buuralayda sare ah ee ay ku taallo Addis Ababa iyo xogta uu
ka helayay xarutna hagidda duulimaadyada ee Ethiopia oo sida muuqata ku
wargalisay in aanay cimilada iyo xaalada markaa jirtay aanay saamaxay in xataa
uu isku soo biimeeyo garoonka Addis Ababa sidaa darteedna uu u weecdo magaalada
Dire Dawa oo aad ugu dhaw Hargaysa diyaaraduna gaadhi karaysay xilli iftiin ah.
Intaa kooban isagoo ka heli kara saraakiisha duulista hawada ee Somaliland,
ayuu af-hayeenku doortay inuu isku qaado oo ka warbixiyo wax aanu ka warhayn,
taas oo muujisay in xafiiska af-hayeenka madaxwaynuhu aanu ahayn mid gudbin
kara fariimaha madaxwaynaha, isla markaana ka arradan doonista xogta uu u
baahanyahay iyo halka laga heli karoba. Qasab maaha in aad wax walba garan
kartaa, waxase muhiim ah inaad garan karto sida aad ku kelayso xogta aad u
baahantahay, waa hadii aad tahay suxufi u laylyan mihnadan, amaba guud ahaan (
Public relations and communications)
Waxa kale oo iyana maalmo uun ka hor af-hayeenku galay gaf kale oo aad u fool xun waa markii uu ka warbixinayay waxqabadkii dawlada mudadii sanadka ahayd ee ay xilka haysay. Marka horeba, inuu isagu hawshaa isku qaado may ahayn maadaama uu yahay isagu af-hayeenka madaxwaynaha oo keli ah, hawshani waxay ku fiicnayd inay ka warbixiyaan wasiirka warfaafinta somaliland ama sarkaal ka tirsan wasaaradiisa oo uu u xilsaaro mar hadii ay xukuumadii oo dhami waxqabadkeeda soo bandhigayso. Taasi waa mid guud, waxase la yaab lahayd in saxafiga wayn ee af-hayeenka madaxwayna ahi sheegay waliba ku adkaysay arimahan: in markii u horraysay madaxwayne Somaliland la kulmay xoghaya guud ee qaramada midoobay 9 July 2011 markii madaxwayne Siilaanyo kula kulmay Jubba Ban Ki-moon; in markii ugu horraysay madaxwayne Somaliland la kulmay wasiir arrimo dibadeedka Britain oo ahayd markii madaxwayne Siilaanyo Addis Ababa kula kulmay William Hague iyo arrimo kaloo badan oo aad u qosol badnaa.
Waxa kale oo iyana maalmo uun ka hor af-hayeenku galay gaf kale oo aad u fool xun waa markii uu ka warbixinayay waxqabadkii dawlada mudadii sanadka ahayd ee ay xilka haysay. Marka horeba, inuu isagu hawshaa isku qaado may ahayn maadaama uu yahay isagu af-hayeenka madaxwaynaha oo keli ah, hawshani waxay ku fiicnayd inay ka warbixiyaan wasiirka warfaafinta somaliland ama sarkaal ka tirsan wasaaradiisa oo uu u xilsaaro mar hadii ay xukuumadii oo dhami waxqabadkeeda soo bandhigayso. Taasi waa mid guud, waxase la yaab lahayd in saxafiga wayn ee af-hayeenka madaxwayna ahi sheegay waliba ku adkaysay arimahan: in markii u horraysay madaxwayne Somaliland la kulmay xoghaya guud ee qaramada midoobay 9 July 2011 markii madaxwayne Siilaanyo kula kulmay Jubba Ban Ki-moon; in markii ugu horraysay madaxwayne Somaliland la kulmay wasiir arrimo dibadeedka Britain oo ahayd markii madaxwayne Siilaanyo Addis Ababa kula kulmay William Hague iyo arrimo kaloo badan oo aad u qosol badnaa.
Wariye ka mid ahaa
warfidiyeenkii warbixinta dhagaysanayay ayaa isagoo yaaban waydiiyay
af-hayeenka, si uu malaha u hubsado inay halmaan hadal ahayd iyo in kale, inuu
ka warqabo in aanay ahayn markii u horraysaye ay tahay kulan uu madaxwayne ka
mid ah madaxwaynayaashii Somaliland la yeeshay xoghayaha guud ee qaramada
midoobay iyo wasiiru arimo dibadeedka Britain, ayaa wuxu su’aalay sida la isku
waafajin karo hadalkii af-hayeenka ee maalintaa
iyo kulamadii muddo hore ay la yeesheen madaxwayneyaahsii Somaliland ee kala
danbeeyay: Madaxwayne Cigaal oo la kulmay xoghayahii guud ee hore Kofi Anan iyo
kulankii uu Madaxwayne Rayaale la yeeshay wasiir khaarajigii horee Britian
David Miliband. Af-hayeenku si kalsooni ah ayuu ugu jawaabay in aan waxaasi
dhicin oo aanay jirin waxa wariyahaasi sheegayayna ay tahay uun been uu ka soo
akhriyay websit-yo aan lagu kalsoonaan karin balse warkiisu yahay biyo kama
dhibcaankii xaqiiqada ahaa. Arintani waxay muujinaysaa in af-hayeenu aanu wax
badan kala socon taariikhda dalkiisa warna aanu u haynin dadaaladii iyo
socdaaladii madaxwaynayaashii horee dalku ugu jireen suuq gaynta Somaliland.
Su’aasha markaa qofku is waydiink araa saw ma noqon karto: maxaa kallifay in
xukuumadan dhan ee wada aqoonyahanka ah iyo madaxwaynaheedan ruug caddaaga ahi
ay xafiiskan cid ku haboon u keeni waayeen, mise tolow qudhooda ayaa
Doctorate-yadoodu barakaysanyihiin?!! Mise tolow arrinku waa ula kacoo cid
kasta oo markii xisbigan talada hayaa mucaaradka ahaa sida sakhiifnimada ah wax
ugu caayi jirtayba waa inay xil helaan xataa hadii ay fool xumo u soo jiidayaan
qaranka iyo madaxwaynahaba? Ku darsoo waxa igu maqaal ah in wafti ku suganaa
London 18 May 2011 oo wasiiro ahaa kana
mid ahaa af-hayeenka madaxwaynuhu ay waxba u sheegi kari waayeen warbaahintii
Ingiriiska ee ka warbixinaysay bannaan bixii jaalliyada Somaliland ee UK
taasoo keentay in dhawaqii dadkeenu meel
dheer gaadhi waayay,... waa badheedhee kama aha xukuumada iyo madaxwayne
siilaanyo waxani garasho la’aan!!!
No comments:
Post a Comment