Wax lala yaabo maaha in
abuurta Alle een aadanaha ahayni kula hadasho, waxase yaab leh marka hadalkeedu
noqdo cabasho xanuun kugu beerta!!
Wuxuu haatuf ii siday
war dhiillo leh oo iiga yimid meel dheer iyo mudankii dhirteena. Waa dhawaaq
cabasho ah oo dabeecaddii dhulkeena iyo taariikhdeenoo ku dhaabani ii igmadeen
inaan idiin soo bandhigo si aad uga garawdaan.
Waa Geed Deeble oo ka
ooyaya gudmo baas oo dad u soo daabteen inay ku gooyaan sumadda dhaqan iyo
taariikheed ee uu inoogu astaysanyahay geedka deebta leh iyo degaankiisuba.
Waxay doonayaan inay qolo u dabraan qasnad Qarankoo dhami usho.
Geedku wuxu yidhi:
dadkaygoow waa nasiib darro in maanta dib loogu noqodo nacasnimo mar Alle
idinka daweeyay oo Qaran loo sadqeeyo qolonimo. Garaadkiina iyo gayigaba inaad
wasakhaysaan umaan fadhiyin maanta oo aad ku celcelisaan cid baa shiraysa. May
ahayn inaad qolonimo qiblada kala fadhiisataan xaruntii Qaranka. Wali ma
qiimayseen sida falkiina iyo furaha dawladnimo u kala fog yihiin?!
Hadii aad doonaysaan
inaad qolo qolo u fadhiisataan maxaad ugu qaylisaan qaran baanu nahay dunidana
ugu dhego barjaysaan erayo aan ka iman laabtiina oo aad abtirsiimo ka xigtaan.
Qaranimo ma taasaa, iyo inaad qolonimo la doonataan qibladii fanka oo lagu
qiimo tiro taariikhdii Jihaadka. Gar Allee miyay iga kiin qabataa dadkaygoow
inaad tidhaahdaan Geed Deeblaa qolo looga madal dhigay?!!
Deeble wuxu yidhi:
qalbiga qolonimo gashaa qaranimo kala qaloodee, bal aan mar idiinku celiyo ka
aan ahay iyo Qaranka qiimahaan u leeyahay iyo sidaan taariikhdiina u bilo. Aan
idin xusuusiyee dhulka Alle wuu kala nasiib badanyahay oo waxa jiro goobo gaar
ah oo dhulka ku gadaaman ugu faana haybada Alle gaar u siiyay. Geedka deebta
leh iyo degaankiisu waxay ku suntanyihiin laba arrimood oo umaddii waydaa aanay
abidkeen jiri karin; waa ka gilgilashada dulmiga iyo u hiilinta cadaaladda iyo
ta labaad oo ah suugaanta iyo heesaha lagu hago halganka loogu hiiliyo sinaanta
iyo sarraynta sharciga.
Aniga iyo gargoorkuba waxaan
Qaranka Somaliland ee aad daabaqadda qolonimo kula dhex wareegaysaan ugu fadhinaa
qiime wayn oo qalbi qabyaalad ka daahir ahi u qushuuco. Waxaan hoy u ahaa mid
ka mid ah hujuunadii halgankii lagu xoreeyay Somaliland, waxan ahay halkii ay
dhulka ka doorteen mujaahidiintu ee ay dhaawaca iyo dhuuniguba u yaalleen. Waxan
ahay halkii u hibaysay halgameyaasha damallo dirirta ka qayb galay oo u
daleeyay dad iyo mujaahid daalan ba hadh qabow iyo biyo hagar la’aan ah.
Goobtaa dahiran ee dhiiggii mujaahidiintu ku daatay kuwo kalena kuba god galeen
ma mudna in magac xaafadeed lala tago. Ma haboona in mujaahid Allaystay luxudka
laga toosiyo oo ruuxdiisa xasishay la tuso in waxay u shahiiday ku danbeeyeen
biyo col dhaanshay!
Geedku wuxu yidhi: mar
labaad waxaan ahay meel ku astaysan fanka iyo suugaanta dalkayga. Waxan ahay
maqaam lagu wada dhaato oo mudan in ubadka loogu dhigo dugsiyada si ay ugu
koraan inay leeyihiin muusig iyo suugaan u gaar ah oo si farshaxanimo iyo
aftahamo leh u suuraysa abuurta Alle iyo dareenka dadkiisa. Waxaan ahay mid ka
mid ah goobaha ku ilhaamiya hal abuurka inay soohaan sadarrada suugaaneed si ay
ugu xoodaamiyaan garka wadnaha sida faraha Xudaydi u xaradhaamiyaan xadhkaha
cuudka.
Waxan ahay halka
barakaysan ee lagu higaadiyo heesaha ma guuraanka ah, waxaan ahay qalcad faneed
iyo dhaxal muusig oon duugoobin halka loogu xudun xidhay. Cuudki Qarshe, codkii
Faysal iyo qaraamka heesuhu halka ay u hoydaan ee nafta lagaga soo habo marka
la hirgalinayo heshiisyada kalgacal ee uu hagayo hilowga quluubta isu heellani.
Qudbigaa kalgacalka iyo qiblada suugaanta ma haboona inaad la hoos timaadaan
qolo iyo shirkeed!!!
Geedku wuxu yidhi:
waxaan habaar uga sidaa ciidda hooyo inta aan is lahaa waxbay umadooda tari oo
iyagaa wax bartay. Kuwa isku sheega aqoonyahannada jaamacadaha dhameeyay ee
wali garaadkoodu u rahmanyahay reernimada. Buugaagta buugaata sidata ee bayd la
baray aanu u dhicin ee doonaya inay ku meel maraan magacaan is lahaa ummaday ka
xorayn: Qabyaalad! Qalin iyo qolonimo isma qaataane nin kasta oo u qaashaarta
qolonimo iyo ururinteedba ha ogaado inuu qarannino dayro ka yahay.
Dadyahow qaranimo iyo
qabyaaladi meel ma wada galaan, dhagihiinana waan ogahay inay laab u daloolaan
oo aan dhawaaqaygu laabtiina u dhacayn. Waan hubaa oo hurimaysaan qolonimo iyo
qaranimo dullaynteede hal baase idin la gudboon:
Gole reer noqon maayee
Inta aanan gumoobin
Gunta heedhe ka gooya
Aniga iyo gargoorkaba!!!
Waa Fariintii iiga timi Geed Deeble iyo
dareenkiisii oo aan idiin soo bandhigay, gar iyo gardarro kay tahay se idinkaa
ka garniqi
No comments:
Post a Comment