Maalmo murugo iyo culays badani saarnaa naftayda oo
ay adkaysan wayday baan ku jiray. Ismaan lahayn si sahal ah baad uga bixi
baddan murugo ee aad ku jirto. Waxse nasiib wanaag mar qudha badalay xaaladii
aan ku jiray xaqiiqo aan waligayba dafiri jiray!
“Toos, toos” ayuu cod debacsan oo aan maqlayaa i
yidhi. Is idhi maantuun buu kula hadlay
haatufkii la sheegi jiray, mase ahayn ka aan mooday!
Cod aad u deggan oo aad moodo inuu u damqaday
naftayda oo dabiib la ii soo diray ah,
ayaa i yidhi “ Toos, indha ka
buuxso oo ku naso damaashaadka halkan ka socoda iyo madashan quruxda badan ee
aan daaha kaaga rogayo”
“ Waa gole amrane, goobtan yaa loo bilay?” ayaan
su’aalay codkii i hagayay. “ ha is odhan waxaad ku eegaysaa indhihii ilayska u
baahnaa, kuwo kale ayaad ku daawanaysaaye horta bogo, doodana dib u dhigo” ayuu
iigu jawaabay.
Waa madal aad u qurux badan oo qalinkayga iyo inta
eray een aqaanba aanay sifayn karin. Kollaba in aanay meeshu ifkii iyo wax u
dhaw toona ahayn gartay, waxase iga daboollaa xafladan la yaabka leh iyo cidda
lagu maamuusayo ee soo dhawaynta noocan ah mutaysatay!
Madasha quruxdeeda aan si fayn kari waayay waxa
igaga sii layaab badnaa, ilayskeeda oo aan la arkayn halka uu iftiinku ka
imanayo, doogga daarada ka baxay ee aad
mooddo darmo sibig tiran oo dhulka ku fidsan waxa ka dhex muuqday bataax
dhalaalaya oo firi walba aad moodo xabad
dheeman ah oo aan qurux u hanbayn ta hareer taal. Maacuunta miisaska saaran iyo
soorta iyadoon sooba gaadhin mid walba udugeedo gooni kuu saaqayo waxa ka
sii muuno badnaa, oo i muquuriyay
khayaal macnayn kari waayay, goobta gaarka ah ee loogu talo galay in lagu
dangiigsado marka la isu dhiidhiibayo haasaawe mudo hore warkeed lagu soo minguurinayo.
“Madashan iyo dadka loo diyaariyayba aad daawatide
orod soo dahaaro qaado, oo adoo wayso qaba soo noqo” ayuu codkii mar labaad i
faray.
Soo noqdayaaba waa
Orchestra dhan iyo hees socota! Waxa hogaaminaya oo cuud quruxsan ku garacaya
riishad baal daa’uus ah nin dhalin yar,
muusigan hore umaan maqal madaxase ruxay mirqaan daraadii.
“ Waa Abu Isxaaq Al-Mawsili, oo qaadaya mid ka mid ah
heesihii uu tiriyay Abu Nawaas” ayuu
codkii ii sheegay. Anigoo yaaban ayuu hadana ii raaciyay “ Halkani waa Firdaws
Al-aclaa iyo madal lagu soo dhawaynayo laba
mu’min oo ka yimid ifkii, xafladan waxa durraansaday oo Alle u fududeeyay
Haaruun Al-Rashiid oo Alle ka baryi jiray inuu labadaa nin mar uun la kulmo,
waa Amiirkii Mu’miniinta ee xilligii uu
hayay taladii Khilaafadii Cabbaasiyiinta ay hana qaaday aqoonta dadka
muslimiintu mid suugaaneed, faneed iyo cilmiba, ragga lagu soo dhawaynayo
maxfalkan bilani waa Gaarriye iyo Faysal”
anaa isla hadloo idhi, malaha Haaruun waakii abwaanada iyo fanaaniinta
aad ugu hiilin jiree Caalam Al-arwaax bay ku kulmeen isaga iyo raggani!
Wuxu iigu daray inay ahayd heestii furitaanka
xaflada. Madasha waxa fadhiyay culimo, abwaanno, hooballo, mullaxaniin iyo
muusig yahanno waawayn. Gaarriye waxa dhanka bidix ka fadhiyay Haaruun
Al-Rashiid oo u dhexeeyay isaga iyo Abul Cataahiya. Dhanka midig ee madasha
waxa fadhiyay culimo waawayn uu hormood u ahaa Al-Ghazali. Dhan kaloon
daymooday waxaan isha ku dhuftay Faysal iyo Axmed Raami oo gaar u faqaya,
Dararamle oo Sumbaadi cuud u fidinaya iyo Kinsi iyo Umkalthoum oo aad moodo
siday u haasawayaan inay ifkii isku yaqaaneen!
Mawsili markii uu heestii dhameeyay, ayaa waxa is
taagay Haaruun Al-Rashiid oo hadalkii soo dhawaynta bilaabay, wuxu aad uga
warramay taariikhdii hal abuurradii muslimiinta xiligii uu taladii khilaafada
Cabbaasiyiinta hayay “ Dhamaantood
hadaan kefad saaro, ta kalena Gaarriye keligii saaro waa hubaal in miisaanku is
ceshanayo” . Isagoo Gaarriye eegaya ayaa intuu u soo dhawaaday dadkoo wada
maqlaya yidhi “ Ina Xaashi Dhamacoow, sayyidii, aan qirtee heesahaaga caadifiga ah laba ka mid ah
baan had iyo goor is idhaa tolow ma qalbigaaguu daalacday oo intaad Casmaa
odhan lahayd buu kuu yidhi, Carshigii Jamaalka markaan maqlaba maalmihii aan
Casmaa kala lunnay baan xasuustaa” qosol
baa la daatay!
Abul Cataahiya oo is
yidhi hadalka ka boob, ayuu Gaarriye kaga horreeyay oo ku yidhi “ Yaa Abal
Cataahiya bal noogu luuqee qasiidadaadii la wada jeclaa ee “LA
CAMRUKA MA DUNYAA BI DAARI BAQAA” intuu sara joogsaday buu
qasiidadii mariyay oo ka waramaysa sida dunidu aanay u ahayn meel lagu nagaado
iyo dhalanteedkeeda. Markuu dhameeyay baa intii madasha fadhiday oo dhami mar
qudha isla heleen oo yidhaahdeen “WAMAA CINDA RABBIKA KHAYRUN WA
ABQAA”
Al-Ghazali baa nin ag fadhiyay garabka qabtay oo ku
yidhi “ Xikamka noocan ah ee uu ilaa yaraantiisii jeclaa waa kuwa Gaarriye ka
dhigay saahid ka ee aanu marnaba qof golmoon kaga tagin, mid geeshash lehna ugu
habran” maan garanayn ninka uu la
hadlayay, codkii i hagayayna markiiba waxba iima sheegine mudaan indhaha meer
meershay. Mar danbaa codkii i yidhi “ Waa Imam Maxamed Cabdoo ninka Al-Ghazali
la hadlayaa”
Imam Maxamed Cabdoo baa intuu soo sara kacay,
salaamay oo Gaarriye ku yidhi “ Run
ahaantii marka la ii daahiriyo maansooyinkaagii xaq u dirirka ahaa ee aad
aadanaha ugu hiilin jirtay, waxan ku diirsan jiray inay wali jiraan muslimiin
aadanaha kii daciifaba u dooda oon u kala dayin diin iyo midab, nuxurkii
diinteena suuban ayaad Alla magane ka duulaysay. Marxaban bika fii Firdawsil
Aclaa yaa bunayya”
Haasaawihii wuxu socdaba waxa la galay in laga
waramo suugaanta, fanka, muusiga iyo sidii ay muslimiintu ugu faro yaraysan
jireen curinteeda iyo dib u dhacan haatan raygalay ee waxa aan dhadhanka
lahayni dunidan inoogu dhago barjeeyay. Waxa hadalkii qaatay Gaarriye oo intuu
ku jeedsaday Umkalthoum ku yidhi “ Faadumooy, labadii qasiido ee aad isku
qashay heestii aad ka soo saartay bal caawa noo qaad”
“ Alla! Waar Sumbaadi baa ila hagaajiyee keligay
maan ahayn” ayay ugu hal celisay. Intuu qoslay buu u sheegay in heestaasi
noqotay kuweedii loogu jeclaa ardaynimadiisii ilaa maanta oo uu ifkii ka soo
hoyday iyo sida aanu Ibrahim Naaji oo eryadaa curiyay nasiib ugu yeelan inuu
ifkii ku dhagaysto maadaama oo geeridiisii sadex iyo toban sanadood ka dib la
qaaday heesta Al-Adlaal. “ Riyaad
Sumbaadi yoow, dee dhakhtar qalliinna waabad noqon lahayd, wallee sidaad
labadaa qasiido isugu qashay waa farshaxannimo gaar ah”
Waa laba
heesood oo uu tiriyay abwaankii reer Masar Ibrahim Naaji oo la kala yidhaa
AL-WADAAC iyo AL-ADLAAL oo si
farshaxannimo ah uu ugu faro yaraystay Sumbaadi. Eraydada qaar buu soo kala
horaysiiyay, kuwo kalena wuxu ku badlay erayo kale si laxanku ugu fadhiisto
muusig macaan oo dhaxal gal noqda, waxa kaloo quruxda heesta ka badh ah in
boqol iyo dhawr iyo labaatan ka bayd ee heestu tahay ay Umkalthoum saacad dhan
kugu nasinayso.
“ Waar niyahow iyadaa jeclaatay oo baydadka badankooda
soo xulataye, anigu laxanka iyo hormaynta danbee baydadkuun baan ku ladhay....
Dee Raami baa yidhi tani waa noocii Riyaade cid kale loo dooni maayo” ayuu ugu
jawaabay Sumbaadi. Orchestra- hii ehelu jannaha oo uu Faysal hogaaminayaa durba
bilaabay muusigii. Iba mee! Mooyi iyo
goor danboo aan ka soo baraarugay mirqaankii ehelu jannaha.
Haaruun Al-Rashiid baa intuu cuud qurux badan oo Sheekh
Maxamed Rifcat dhabta ku hayay ka soo qaaday ula yimid Faysal oo ag fadhiya
Raami, oo ku yidhi “ Faysal, billaahi calayk Subciskaagii caawa culimada ku
soor” Raami baa intuu is hayn waayay cod
dheer ku yidhi “ Allaaah, Allaah!” Faysal oo muusoonayaa cuudkii isku dhaafiyay
Dararmle. Yaa Salaam! Muqadimo la yaab leh oo muusig ruuxani ah buu ku bilaabay
oo ay Faysal iyo Kinsi Subcis darandoorri ah oo ka mid ah alxaantii fanka
Hereriga ah ugu mudnaa ku sooreen mudankii madasha fadhiyay. Markay dhameeyeen
baa sacab iyo erayo badan oo ka soo go’ay quluub mabsuud ahi is dhaafeen. Waxa soo
kacay Sheekh Maxamed Rifcat oo intuu Faysal salaamay ku yidhi “Rabinna Yakrimak yaa Jisral Saqaafaat, Subcis
se muxuu kula baxay sawdkani?”
codkii i hagayay baan u dheg taagay oo ii macneeyay
erayadan. Waxa uu ku sheegayaa Faysal inuu ahaa biriij isku xidha dhaqamada
kala duwan, waa ninkii afafka kala duwan inoogu heesi jiray ee ilaa casrul
dahabigii islaamka inooga warrami jiray iyo taariikhdii fanka. Waa ninkii
dookhiisa iyo aqoontiisu in badan oo jiilkiisii ahaa iyo intii uu wax u
dhigayba ay dhadhansiiyeen quruxda abuurta Alle, ta daahan ee erayga iyo ta
muuqata ee dabiiciga ahba.
“ Sheekhaygii, Subcis waxaan ugu magac darnay habka
Quraan akhriska ee ay dadku wadaagaan akhriskiisa” ayuu Faysal ugu hal
celiyay. Iman Al-Ghazali baa yidhi
miyaanad ka dhadhansan sawdka iyo muusiga ruuxaaniga ahba in barakaatii
Quraanku ku ladhanyihiin.
Faysal baa intuu Axmed Raami ku jeedsaday ku yidhi “
markaad lahayd IN MARRA YOUM MIN QEYR RU’YAAK
MAA YANXASIBSHI MIN CUMRII,
ma in aanad Umkalthoum dabadeed heeso curin doonin baa niyahow laguu sii
nuuriyay” Faysaloow, buu yidhi isagoo
qoslaya, jacaylku ninba meel la marye anna waxaan ka yaabi jiray markaad ubixii
aan anagu wax ku ammaani jirnay dhulka la dhacday eed waliba isagii markhaatiga
u qabsatay! “ALLAAN
KUGU DHAARIYEE UBAXYAHOW MIYAANAY ASLI KAA UDGOONAY” saw maad odhan, “ MUNTAHAL
IBDAAC FII KHAYAALA SHICR”
Faysal ayay mar labaad Umkalthoum ka codsatay inay
ugu celiyaan, Haaruun Al-Rashiid ayaa intuu Mawsili ku jeedsaday ku jidhi “
Maxaad odhan” intuu qoslay buu ugu
jawaabay “ Mawlaayya, dunidii wali dad dookh leh baa ku nool, Faysal oo maalmo
uun inala joogay haduu Hargeysa qaraamkaa ka keenay”
Faysal baa isna, mudo ka dib markii lagu nastay
haasaawe dabacsan iyo sharaabkii LADATUN LI SHAARIBIIN, si kaftan ah Umkalthoum ugu yidhi “
Rubaaciyaatul Khiyaam kii baad ana ii qaadaysaa markaygee ku talo gal”
Iyadoo muusoonaysay tidhi “ Mawlaayya, waliba marka
cuud keliya la ii tumayaan anigu ka helaa”
“Ma qalbigaygaad ku jirtay, yaa Sital Sharq”
“ Mayee Saylac iyo Alexandaria way is af yaqaaneen
ilaa maa qabla risaala” qosol baa la dhacay!
Jalaladin Rumi oo madasha fadhiyay baa intuu
hadalkii ka qaatay yidhi “ Cid kale tumi mayso, cuudku waa Sheekh Maxamed
Rifcat” Sheekh Rifcat waa Qaarigii
waynaa ee Azhariga aha ee ay agtiisa ku soo xoomi jireen abwaannada,
fanaaniinta iyo muusiqaaradii waawaynaa ee ay wacdigiisa iyo marka uu Quraan ka
akhiryayoba aanay nuuxsan jirin ee hadii shimbiro madaxooda ku joogaan aanay
dareemi jirin. Halka keliya ee naftoodu ku nasataana ahayd madal digriga Alle
lagu hayo oo Sheekh Rifcat cuudkiisa kaga hadliyo.
Markuu riishada taabsiiyay watarkii u horreeyayba
wadartii madasha fadhiday way wada xasileen. Rubaaciyaaltul Khiyaam, codkii
Kawkab Al-sharq, cuudkii Sheikh Rifcat, soo dhawayntii Faysal iyo Gaarriye! Yaa
salaam madal dahiran iyo maqaam sare! Waxan arkayay Haaruun Al-Rashiid iyo
Al-Ghazali oo sidayda madax la ruxo iyo suul dhabaale la dhaygagay.
Codkii i hagayay baa ila hadloo yidhi “ Waa anigii
hadalkaad maqlaysaa, waa qalbigaagii! Nasiib aad leedahay ayaa laguu soo
dheelmiyay oo daaha lagaaga qaaday madashan dahiran iyo xaflada soo dhawaynta
ay ehelu jannuhu ku soo dhawaynayeen
labada mu’min abwaan Gaarriye iyo Faysal” Farxad, yaab iyo naxdin mid uu ahaa
garan waayay dareenkii i saaqay, kuna
darsoo hore waan u dafiri jiray luqada quluubta!
Waxaan maqlay aayaad Quraan ah iyo codkii dahabiga
ahaa ee Sheikh Rifcat oo xafladii lagu soo gaba gabaynayo “ YAA AYYATUHAL NAFSUL MUDMA’INNA
IRJICII ILAA RABBIKA RAADIYATAN MARDIYYA, FADKHULII FII CIBAADII
WAD KHULII JANNATII”
Anoo ayaadkaa Quraanka ah dhegta u sii raaricinaya,
ayaa codkii mar kale ila hadlay oo yidhi “ MIN HUNAA WA RAAYIX, NATAXADAS BI
LUQATIL QULUUB” erayo aan midba mid haysan baa dirqi
igaga soo baxay oo aan idhi “ A XAQAN, QALBI YUXADISUNII!!!”
Anigoon jawaab helin baan ku baraarugay eedaankii
salaadii subax.
Al faataxa calaa ruuxi Gaarriye iyo Faysal.
No comments:
Post a Comment