Saturday, 14 September 2013

MAGACAABIDDA ABIIB MA MOODAA MARAGGII SEEMAAL!!

Waa afeefe ogow, qoraalkani mahaa mid muddici ku ah masuulka magaciisu ka muuqdo. Waa mid isku dayaya inuu macneeyo muuqaal siyaasadeed, waa muwaadin aragtidii.

Xirfadleyaasha siyaasadu kuwa xilalka haya iyo kuwa xayndaabka dibada ka joogaaba waxay isku waafaqsanyihiin in siyaasaddu tahay xirfad aan mooraal hagin ee ay masalaxadi hogaamiso. Waana wax wada gaadhay dadyowga dunida oo dhan halhayskani.

Wadankeenu kuma yaal meere kale, dadkiisuna malaa’ig ma aha. Gaf kasta oo aadame gaysan karaa waa waxa inaga suurooba, xaqiiqadaasi waxay inoo sahlaysaa in aynu faaqidi karno danni kasta oo ka dhasha falalkeena.

Waxaynu wada xasuusannahay dhacdooyin dhiig lahaa oo ka dhacay gayigeena oo dhaawacyadii ay nabada gaadhsiiyeen dhamaanteen ina damqeen. Kuwii ugu danbeeyay waxa ka mid ah oo aynu xasuusannahay dhacdadii Seemaall ee dhegta dhiigga loogu daray dad aan waxba galabsan. Tuhun mooyee wali danbiile garsoorku xukumay ogaalkay ma jiro, waxaadse  moodaa in go’aanka madaxwayne Siilaanyo ugu  magacaabay mudane Abiib Timacad xilka wasiirnimo uu buuxinayo bar ka maqnayd sawirkii ina horyaallay ee ka koobnaa muuqaaladii aynu u soo joognay ee arintii Seemaal lagu maareeyay.

Bal hada wada eeg go’aamo hore oo madaxwaynuhu gaadhay iyo magacaabidda Abiib siday isugu xidhmi karaan ee dannigana u abuuri karaan, kuna darsoo hadii siyaasadda saldhiggeedu maslaxad yahay in su’aalo ka dhashaan saw wax maan gal ah ma aha? 

Dilkii Seemaal waxa xukuumadu u xidhay wasiir Abiib oo markaa ahaa la taliyaha siyaasada ee madaxwaynaha, waxa kaloo uu galaaftay taliyihii ciidanka qaranka oo inta ehelkii shuhadadu eedeeyeen madaxwaynuhu eryay. Abiib, la taliyihii madaxwaynaha markaa isaga waa la xidhay iyadoon maxkamad la soo taagin muddo ka dibna waa la soo daayay. Abiib arrintaa gaf uma arag kamana uu dacwoonin. Markii la xidhayey madaxwaynuhu xilkiisii kama qaadin, isagoo xidhan iyo isagoo xor ahba wuxu ahaa la taliyehiisii.

Hadaba, su’aalahan aan iska waydiiyay saw lama odhan garo waa gar in la soo bandhigaa: ma dhab bay ahayd oo Abiib eedayntii loo xidhay wuu qabay? Mar haduu ahaa  la taliyihii madaxwaynaha siyaasadii khalkhalinta ammaanka dalka ma heshiis bay ku ahaayeen? Tolow shirqoolkaba ma madaxtooyadaa laga maleegay? Ilayn waatii la xidhay masuul sare oo ka tirsanaa xafiista madaxwaynaha ah e, ilaa maantana aynaan caddayn karin inuu danbiile ahaa iyo in kalee!

Waa qof iyo maankiiye, su’aalahaa muuqaalkan baa iiga soo baxay: mar hadii sarkaalkii ugu sarreeyay ee madaxwaynaha kala talinayay jaangoynta siyaasadda xiligaa lagu dhuftay shaanbad muuq danbiile ah, waxa jiray wax saar ay xukuumadu doonaysay inay is waydaariso. Si dadku ugu qaataan inay ka damqatay dannigii ahaa inay iyadu ka danbaysay dilkii Srrmeel oo malaha markaa maslaxad siyaasadeed ugu jirtay, waxa khasab noqotay in la helo cid eeddii loo xambaariyo go’aankiina waa kii noqday in Abiib la xidho xaq ha ahaado ama xal e. Xil ka qaadis la’aantii uu xabsiga la galay, xukun la’aantii iyo sidii aanu marnaba garsoorka ugu doonan inay magaciisa waxyeelladii gaadhay waxuun uga naqaan ayaa dhalinaysa danniga ah in dan heshiis lagu ahaa!

Hadiiba malaha ay fushay dantii laga lahaa dilkii Seemaal oo la taliyihii siyaasada ee madaxwaynaha sumcadiisii loo sadqeeyay si loo badbaadiyo tii madaxwaynaha ee qoonmi lahayd, saw lama odhan karo malaha mansab kii uu hayay ka sarreeya ayuu dhaafsaday samir iyo inuu mudo gaaban sugona malaha bal baa aha.

Go’aankii madaxwayne Siilaanyo gaadhay Jimcihii ee uu wasiirka warfaafinta Somaliland ugu magacaabay mudane Abiib Timacad saw hadaba uma ekaan karo bal la gaadhay iyo abaal bixintii? Arrintii Seemaal ee dawladu baadhaysay inta badan ee la inoo sheegay in eedaysaneyaal la tuhmayaa jiraan, maankii ka danbeeyayna aan wali la inoo sheegin tolow maxaa kaaga muuqda muwaadin?  Ma la is waydiin karaa inay isku xidhnaayeen dilalkii horee degaanadaa ka dhacay xiligii xisbiga Kulmiye mucaaradka ahaa? Markaad wada eegto sawiradaa iyo kuwa aad adiguba isku gaysan karto saw hadii aad dhinacayga wax ka eegto kuu lama muuqan karto in magacaabidda Abiib, madaxtooyada Somaliland marag ku furayso?

Muwaadin, adiga iyo maankaa!

No comments:

Post a Comment