Aan ku bilaabo baafin aan isleeyahay ha gaadho
madaxwaynahaaga illayn isaguun baa kaa bogsiin kara baylahdiisa kuu muuqata
waxa uu kaga baaqdee. Siilaanyo, sayidii, madaxweyne ku mee?!
Maqaalkani,
madaxwayne, wuxu ka dhashay dhacdo aan u
qaatay inay tahay dhaleeco wayn oo adiga, aniga iyo Qarankaba lagu dhajiyay.
Haba dhacdee si aan u fahmo in aanay ahayn qalad ula kac ah, ma aan maqal in aad adigu si toos ah ugu igmatay in qof
kale qabto hawl adiga kuu gaar ah, hadii aad nagu war galin lahayd waxaanu fahmi karno oo aan adna ceeb ku soo
jiideen bay noqon lahayd, nasiib darro se may dhicin. Hal ku seegay uun dheh!
Golaha Wakiilada ayaa waxa ay u yeedheen wasiir ka tirsan xukuumadaada si ay wax uga waydiiyaan hawlaha wasaaradiisa. Waa sunnaha dawladeed hase yeeshee in wasiir hawl aan loo igman ka warramaa waxay muujinaysa
laba arrin: aqoon la’aan, qab iyo talada adeero oo lagu takri falo, ta labaadna
waa in aanad xil iska saarin hagida dalka iyo hawlaha aanu kuu doorannay.
Aqoon la’aantu waa ta wasiirkaaga madaxtooyada ku
dhiirri galisay in uu maroorsado hadal aan adiga kaa sugayay oo ah in warbixin
guud oo faahfaahsan laga siiyo
Baarlamaanka xaalada dalka ka jirta. Dhaliishaydu kuma socoto nuxurka hadalka
“sabiga madaxtooyada” waase sababta adiga oo aan u igman uu isu siisay. Wuxu isku kaaqaday inuu ka warbixyo dhamaan
hawlaha wasaaradaha dalka taasoo u marag furtay garasho la’aan iyo aqoon darro ka haysa hanaanka dawladeed, waayo
hadii uu yahay qof inuun wax ku duuganyihiin kuma uu dhiiradeen inuu rag dhiggii
ah hawshooda isku mooso. Mase laga yaabaa, madaxwayne, in aanu isagu eedba lahayne uu la soo dhex fadhiistay
golaha dhaqan madaxtooyada ka jira “Dawladda inagaa leh” ilayn sabi dhaqanka
gurigooda yaal uun buu dadka la soo dhex galaaye? Ma ihi looyar, waxanse is leeyahay hadii
sharcigu u fasaxayo wasiir inuu sidaa u dhaqmo, madaxwaynaha uun buu awooddiisa
ka xayuubinayaa oo aan ku haboonayn inuu talada hayo illayn sharcigu isma
buriyee!
Madaxwayne hadii aad doonayso in aad hadalka adiga aanu kaa sugayno cid noogu soo dhiibto, miyaanay qurux badnayn in
aad si cad ugu soo igmato oo aad tidhaa hebel oo magacayga ku hadlayaa dadka u
tabinaya fariintayda? Siilaanyo, sayidii, dee hal aad garan wayday maahee maxaa
si ah? ma laga yaabaa in aan haatan
rumaysto hadal aan in badan diidanaa oo ah “Sayidku wuu hurdaaye sabigaa
sawirkiisa ku shaqeeya”.
Wax lala yaabo maahee madaxwayne, hadii ay aqoon
la’aani hayso wasiiradaada, miyaanay haboonayn in aad dalalka aynu xidhiidhka
sokeeye leenahay u dirto si ay aqoon
korodhsi xaga maamulka iyo milgaha
dawladnimo ah uga soo korodhsadaan? Maxaa diidaya in aad min lix bilood oo keli
ah tidhaa tababarro soo qaata? Mise waxaad doonaysaa inay buugga taariikhda kuu
gasho “Siilaanyihii dadka wada simay?”. Sayidii maalmo dhawr ah baa ka
danbeeyay maalintii arrintaasi dhacday, sida ii muuqatana uma aragtid wax
dhaliil ku ah shakhsiyaddaada iyo taayada aad matasho, billaahi calayk, bal si fiican u
dhuux oo dhadhanso sifihii wasiirkaagu hadalkaa u jeediyay oo hal ku seegay qiro ama hal na
seegay noo sheeg!
Dhacdadan silloon waxa isna ka qayb qaadanayay
gudoomiyaha Baarlamanka mudane, Cabdiraxmaan Cirro oo aan isleeyahay laba
arrimood buu uga dan lahaa: ka faa’idaysi siyaasadeed oo ah inuu muujiyo
sida Siilaanyo aanu u ilaashan
karin awoodiisa iyo karaamada shakhsiyadiisa oo la gaadhay goortii dadku
taageerada kala noqon lahaayeen iyo, ka fursan wayday inaan idhaa e, kursi
caabud iyo kaba leefnimo oo uu kaba
haybadaysanayey sabiga siilaanyo oo aanu qudhiisu garanaynba qiimaha uu dalka
ku leeyahay!
Markii “sabiga madaxtooyadu” yimid golaha ee uu
doonayay inuu hadalka u jeediyo gudoomiye Cirro wuxuu ku furay kulanka oo ku
soo dhaweeyay hadalkan “ waxaan wasiirka ugu yeedhnay xog ogaal u noqoshada
xaalada guud ee dalka, ka dibna mudanayaasha
waxa la siin doonaa su’aalo inay waydiiyaan wasiirka. Waxan ku soo dhawaynayaa
wasiirka madaxtooyada jamhuuriyada somaliland”
Hadalkan aan waadixa ahayni wuxu muujiyay in Cirro qudhiisu ka mid yahay
kooxda bayd gaabyada ah ee dalka camaalaqaysa! Sidee ayay suurto gal u tahay in
xaalada guud ee wadanka laga warayso wasiir ka mid ah xukuumad madaxwaynaheedii
xay yahay? Cirraaa sheegi!
Waxa layaab kale noqotay in aanu mar qudha ka dhex
galin hadalka si uu ugu sheego in wasiirku ku koobnaado hawsha wasaaradiisa oo
keli ah. May dhicin, inankii
madaxtooyaduna wuxu si faahfaahsan, waa siday la ahayde, uga waramay xoolihii adeerkii iyo
xaaladooda guud! Ku darsoo, waa siday
dadku yidhaahdaane sakhiifiintii barlamanka fadhiday, waabay u sacab tumeen. Waxay ku dhiirri
galiyeen in inanku si dhab ah u aqbalo in Somaliland tahay sida odaygu ugu
sheegay!
Siilaanyo, sayidii, mid kale aan ku xusuusiyee maxaa kallifay in muwaadin aan xil qaran
haynini uu ka mid noqdo wufuuda dawladaada ee safarrada rasmiga ah u baxaya? Sideed
ku doonaysaa madaxwayne in aan kaaga
rumaysano in sirta Qaranku xafidantahay oo aad adigu masuul ka tahay marka muwaadin caadi ahi
xog ogaal u yahay waxay dawladaada iyo
kuwa kale kuwada hadlayaan?
Bi kullil ixtiraam, waa halkaagiiye, madaxwayne
miyay naga kaa qabataa in hogaanka hawlaha dawlada cid kasta oo aan xil rasmi
ah ku magacawnayni ay fara galiyaan? Xuquuqdooda muwaadinnimo lama dafiri karo,
waxase aanan garanayn sababta ay soddognimadu qof ugu sad buriso!! Midh baase la yaab leh sidee ayay uga
suurtowdaa in rag aad u yaqaanna hanaanka dawladeed oo waliba caalamka in badan
wax ka soo qabtay in ay kaa aqbalaan sidan aad ula dhaqmayso? Siilaanyo,
sayidii, kaftanba ha noqotee ma is tidhi geed baad dadka saartaa! Biixi baan
sugayaa bal wuxuu ka yidhaa!!
No comments:
Post a Comment