Ku dooranay madaxwayne, adigaana ah ka aanu maamuusno. Milge waynse nagama
mudna kuwa aad wakiilataa haday marinka seegaan.
Inta sallaanka ka dhacday ee wasladda xaaraanta ah ku noqotay
xukuumadaada waxa u horeeya wasiirkaaga Duulista iyo Hawada:Muhannad.
Erayadaasi hadii ay qalad yihiin u qaado muwaadin wax qoonsaday qayladii iyo
qarax ka dhashay qalad in badan huursanaa.
Muhannad waxaad u xilsaartay wasaarad muhiim u ah Qarankeena hase ahaatee
qabyo iyo qalad wayni ka jiro. In muddo ah, sida maamuusku na farayo, waan
maagayay waxa se maanta qasbay in aan qalin kuugu baaqnaa waa qodobadan:
In Muhannad yahay nin madhan oo aad ummadan ku hoday, hananna karin hawshaa
baaxadda leh ee aad u dhiibtay waxaana marag u ah sida aanu ugu koobnayn
doorkiisii hogaaminta iyo jaangoynta siyaasadeed ee wasaarada balse uu faraha
ugula jiro hawlaha khaaska ah ee aanu farsamadood iyo fahamkooda midna
lahayn iyo isaga oo aan wax la tashi ah la yeelan khubarada ka tirsan
wasaaradaas, arimahaas oo dhamaantood ka muuqda siday ay u socdaan hawlaha
wasaaraddu iyo dhismayaasha caantaynka ah ee Qaranka lagaga lunsado hantidooda.
Tusaale ahaan, Mudane madaxwayne, wasiir Muhannad markii uu la wareegay
hogaanka wasaaradan waxa uu isku dayay inuu sameeyo hawlo lagu dayac tirayo
dhismeyaasha madaarada Hargaysa iyo Berbera. Nasiib darro se waxaad moodaa
tallaabooyinkii uu qaaday inay ahaayeen kuwo uu malaha wax uu quuto ku
doonayay. Wuxu kharash faro badan ku bixiyay in la fujiyo marmarkii
cusbaa ee bilo ka hor uun la dhigay dhismaha madaarka Berbera. Garan
maayo macnaha ay samaynayso in inta la fujiyo marmar yaalla hadana mar
labaad uun la dhigo. Bal qiyaas madaxwayne kharashaka ku baxay shaqaalihii
jabiyay ee hadana dib u dhigay mar labaadka iyo qiimaha ay taagantahay
alaabtaasi, hadda waa marka aad ka reebto qaxwaha yar ee dulsaarka u ah
wasiirka illayn hadaan wax ku jirin lama jabiyeene. Madaxwayne, Muhannad waa
ninka halkii uu ka kordhin lahaa adeegyada madaarka dumiyay laba suuli oo ka
dhisnaa madaarka dibadiisa oo ay adeegsan jireen shaqaalaha iyo dadka madaarku
u adeegaa, maantadaa qofka taga madaarka Berbera wuxu arkayaa laba dunsan iyo
laba laga ag dhisay. Kordhin iyo ballaadhin toona ma ahayne labadii intuu
dumiyay buu laba kale uun dhisay taana macnaheeda maan garan hadaan waxoogaa
lagu doonayn. Bal muu kuwii jiray uun wax ku kordhiyo hadii wax qabad jiro,
mise tolow waxa la dumiyee dib uun loo dhisay waxay yeesheen muuq Warancadde
iyo magac Udub!!
Ku darsoo madaxwayne, wuxu aad ugu tuntay sumcadii iyo karaamadii xilka aad
u dhiibtay oo waxaad arkaysaa isagoo dad rakaab ah oo ay malaha asxaab yihiin
madaarka dhexdiisa shandadahooda u sida oo si fudud u soo dhaafinaya xafiisyada
laanta socdaalka si malaha looga dhaafo kharashka yar ee dal ku galka ah. Hadii
waxaasi Muhannad ka suuroobaan la yaabi mayno shaqaalaha hoosena inay u
dhaqmaan si bilaa anshax ah. Mudane Madaxwayne intaa waxa dheer, in agab aan la
is ticmaalin oo lagu bixiyay lacag badani ku dayacanyihiin madaarada dibadooda,
aan ka xuso dhawrka albaab ee dayaca u yaal bacadka madaarka Hargaysa!
Mar kale, waa ta ugu yaabka badane, Muhannad wuxuu si toos ah ugu xad
gudbay sharciga dalka iyo xeerka shaqaalaha ee Qarankeena. Wuxu sameeyay
shaqaale garab socda shaqaalaha wasaarada oo midkiiba ku shaqeeyo mushahar shan
goor ka badan ka ay qaataan shaqaalaha dawlada ee lagu qiimeeyo darajooyinka ay
jaan-goysay hay’adda shaqaaluhu. Waxa intaa dheer iyadoo shaqaalahaa Muhannad
la siiyo gunooyin ay ka mid yihiin kirada guryaha ay ku jiraan, cuntadooda iyo
shaqaalaha ka shaqeeya guryaha ay daganyihiin. Hadaba madaxwayne dadkaasi ma
khubaro ajaanib ah oo ay wadamo shisheeye inagu soo caawiyeen baa? Ma garanayo,
aniguse muwaadiniin uun baan ku arkay ka shaqeeya qaybta uu ku sheegay “Airport
Security”. Shaqaalahan wuxu sheegay inuu ka masruufo lacagta tobanka doollar ah
(USD10) ee laga qaado dadka ka dhoofaya madaarada ee alaabta ay sitaan la
mariyo mishiinada wax lagu baadho ee Muhannad & Associates Co. ay ku
rakibteen madaaradeena. Mudane madaxwayne, garan maayo siday suurto gal ugu
tahay in wasaarad keli ahi iyaduuni qorato shaqaale gaar ah. Hay’adda
Shaqaaluhu miyaanay ahayn ta soo qorta shaqaalaha ay dawladdu u baahato oo inta
lagu imtixaamo darajooyinka kala duwan ee lagu qaadanayo lagu kordhiyo liiska
mushaharaadka shaqaalaha ee ay ku fadhido miisaaniyadda wasaarad kastaa? Mise
Muhannad waa ahna gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ee qarsoon taas
baana suurto galisay in xeer qarsooni u fasaxayo inuu maroorsado mas’uuliyad ay
leedahay hay’ad Qaran? Hadii tallaabadaasi qalad tahay qofka qaada ee mas’uulka
aad ka dhigtay maxaa lagu anshax mariyaa?
Madaxwayne, ogaalkay, maan maqal shirkad khaas ah oo ay xukuumadaadu liisan
u siisay inay ka dhex shaqaysato madaarada dalka iyo wasaarada Duulista iyo
Hawada. Hadaba, hadii aanay jirin sidee buu ugu dhiiraday wasiirkaagani inuu
lacag ay qaadato shirkad qalaad oo sida aan tuhmayo uu ugu yaraan ku leeyahay
khaawisaad u hor geeyo golaha wakiilada si loogu sharciyeeyo lacagta ay ka
qaado dadka? Muhannad mar uu la hadlayay golaha wakiilada wuxu yidhi lacagtan
aanu qaadno waxa la yidhaa “ Complaince” garan maayo anigu waxay taasi
tahay ee adiga iyo xafiiskaaga xidhiidhka dadwaynahaa noo macnayn, waxase aan
mar kale ku waydiinayaa mudane madaxwayne miyay xukuumadaadu samaysay xeer
ogolaanaya in shirkado gaar loo leeyahay lagu wareejiyo adeegyadii ay u xil
saarnaayeen wasaaradaha qaarkood?
Sugidda amaanka iyo baadhitaanka alaabta ka dhoofaysa dal
madaaradiisa waxa mar kasta masuuliyadeedu saarantahay dawladda dalkaas ama
laanta u xil saaran hawshaas, khidmada adeegayadaasna waxa laga qaadaa
diyaaradaha madaarada isticmaala ee adeegyadaa loo qabto, maxaa hadaba keenay
in dadka lagu dhibo lacag ku dhacaysa jeeb dad gaar ah? Mise arrinkani wuu ka
sareeyaa amarkii aad dhawaan bixisay ee ahaa in kharash kasta oo soo gala
dawladdu ku dhaco qasnada dhexe ee Qaranka? Mudane madaxwayne miyaanay
caddaalad darro ahayn, ceeb laf jab ahna ku ahayn xukuumadaada oo u kala
eexanaysa muwaadiniinteedii oo qaarna ku mushahar siinaysa nidaamka hay’adda
shaqaalaha kuwo kalena nidaamka Muhannad &Associates Co? Sidee bay suurto
gal u tahay madaxwayne in sharciga dalka uu u nijaaseeyo qof adiga kuu
shaqeeyaa oo uu u meel mariyo takoor qorshaysan oo ah in shaqaalaha inta cusub
ee dhawaan la qoro uu qofkii qaato USD 600 oo aanay ku jirin gunnada guriga,
raashinka iyo shaqaalaha guryahoodu, kuwii hore ee mudnaa in la dallacsiiyona
aan quraacda laga bixin bal wax kale ha joogee? Midhkaa maragiisa waxa furay
Muhannad markii uu la hadlayay golaha wakiilada ee uu doonayay inuu meel u helo
shirkadiisa, mise tolow madaxwayne dee waxbaa ka jira halhayska kaftanka noqday
ee shaqaalaha ku qatan wasaarada Duulista iyo Hawadu ay yidhaahdaan waa
hirgalinta “Heshiiskii Gar-adag”?
Ugu danbayntii mudane madaxwayne, Bi Kullil Ixtiraam waa halkaagiiye, hadii
aad wax ku leedahay shirkadan Muhannad &Associates Co. noo sheeg aan iska
aamusnee illayn oday halkuu cuskado laga baydhi karaad tahee, hadii kalena
ninkan Qaranka dhacaya adigana qoonta kuu yeelaya inaga qabo oo muwaadin
qayrkii ah oo qaban kara hawsha inoogu badal. Muhannad waa bar madaw oo ku
baahi doonta bogagga taariikhdaada hadii aanad maanta ku baraarugin oo aanad
iska eryin.
Sallalaahu calaa sayyidil Anaam, Mawliid Saciid Madaxwayne.
No comments:
Post a Comment