Subcis waa eray inoogu suntan laba shay oo nolosheena ka mid ah, qiime
wayna u leh jiritaankeena: Waa Quraanka oo ruux ah iyo Qaraamkoo nolol ah!!
Subcis waa eray aynu ku ababnay oo aynu ku baranay Quraanka kariimka ah,
waa eray muujinya niyad samaanta iyo u soo jeedka barashada sawdka Alle ee aan
kaga sarrayno in kastoo marinka toosan seegtay. Waa erayga aan ku qiimayno
qushuucda iyo qalbi ku habidda qawlka Alle markaynu u wadaagayno sida hadhuub
caano ah oo hadda uun la soo lisay.
Mar kale, Subcis waa magac aynu siinay mid ka mid ah dhawaaqyada ugu macaan
muusiggeena, waa mid ka mid ah heesaheenna aan abidkood duugoobayn codadka lagu
qaado. Waa summada siraadkii uu shiday sayid Qarshe. Waa sawdka barakadiisa ka
sita sirta Quraanka ee lagu suntay. Subcis waa sumad ay wadaagaan Kitaabkeena
iyo Kamankeenu!!
Marka ummad la doonayo in la barto dun-samideeda iyo waxay dugsatee iimaan
ahba, waxa la eegaa nolosheeda iyo waxay aaminsantahay siday isula saan
qaadaan. Suugaanta umadeed waxay muujiysaa summadooda caqiido iyo waxay
aaminsanyihiin halka uu salka ku hayo. Nasiib wanaag inaga Islaamnimadeena iyo
suugaanteenu way isku sar go’anyihiin; muusigeenuna waaba marag buuxa oo
midhkaa fura.
Quraanka kariimka ahi wuxu had iyo goor inna faraa garashada Alle iyo in
aan kelidii uun ku kalsoonaano, kaalmona isaguun ka doonno. Waa aayaad iyo
aqoon ay awowyaasheenii hore rumeeyeen qarniyo badan hortood. Ku darsoo awoodda
Alle marnaba eray suugaaneed oo aynu leenahay oo meel kale kula kufaa ma jiro.
Sidoo kale suugaanteena oo muusigeenu ladhaa waxay had iyo goor inagu hagtaa
habrashada iyo u hilowga Alle oo keli ah. Suugaanteenu markasta awoodda ay
cuskataa waa ta ma dhaafaanka ah ee Alle waxayna taasi muujinaysaa in
erayadeena ku aroora awoodda Alle ay duxdoodu tahay diin.
Bal u fiirso sida Quraanku inoo baro u hogaansanaanta iyo rumaynta Alle iyo
garashada xaqa uu inagu leeyahay ee Nabigeenii suubanaa calayhi salaatu
wasalaame xadiiska inoogu fasiray. “Buniyal Islaamu Calaa
Khamsin....................... intaad wada garanaysaan”. Durduurate durba
diintii kol hadaad halkii laga galayayba ka bilawdee, bal hada waa guul kale
iyo adoo cokkan! Siciid Saalax iyo suugaanteena u leexo! “ Anba qaadka geeddiga
sida awrta loo raro waxa lagu aloosaa magac Eebaheen iyo adin iyo af wada
jira...................................” Shantii tiir Islaam miyaanu suugaan
soomaali ah kuugu sheegin, ku darsoo muusigga aad madaxa u ruxaysaana miyaanu
ahayn barakadii subciska, Qarshe iyo Qaraamkii!!
U soo noqo subcis iyo Quraankii oo inoogu bishaaraynaya ballan qaad Alle
iyo in gacmo aynu hoorsanay aynaan ku hungoobayn. Dhuux oo keligaa bal dhagayso
aayaadka muqaddaska ah ee Alle inagu yidhi “UDCUUNII
ASTAJIB LAKUM”. Adoo sujuud la dhacay oo Alle ugu mahadnaqaya nimco aan soo xidhmayn, bal
hadda sare kac oo qaraam tawasul ah iyo subcis Alle bari ah dhagayso. Waa
halkay ku kulmaan kitaabka iyo kamankeenuye ku xasil Sahra iyo subcis
barakaysan “ Yaa Wayne wax lagaama waayi
jirine, wanaag ii xigsii wax yeellada”. Markaad ka sharaabto sawdkaa
barakaysan iyo subciskaa la yaabka leh, bal adoo dubaaqaagu furanyahay is
waydii waxa kaa dumay iyo maanta waxaad tabaysayo, fiirada ku dheerow oo bal
fasiraad u doon fankeenii waxa fidnada loogu sheegay!!!
Waa marag ma doon inaad si iila damqanayso oo ay kuu muuqato nasiib darrada
inna haysataa maanta.Subcis iyo labadiisii cod ee culllaaba cidlo ayaynu ka
taagannahay. Subcis iyo Quraankii: signa, fatxa iyo surwaal gaab baa badalay.
Subcis iyo cuudkiina: qolfoof madhan oo nin qalaad gurigiisa la hor tagan
qaylo aan wax tarayn!!
No comments:
Post a Comment