Monday, 30 September 2013

WAA RUNTAA MAXAMUUD, WAXBA MAAD QABAN!

Wax qabadkii muuqdaa waa marag ma waayaan, waana muhiim in la qiraa. Qorshihii dhismaha Madaarka Hargaysaad inuu qasad fiican iyo qadarinta qawaaniinta dalka ku bilawday waa marag madoon, mahadaana waxa leh xukuumaddeena haatan hogaanka haysa.
Qorshihii gudida qandaraasyada qaranku ku naadiyeen in tartan xor ah loo galo qandaraaskii lagu bixinayay dib u dhiska madaarku wuxuu ahaa wax lagu diirsado oo ay si fiican ugu muujiyeen in shaqadoodu tahay ilaalinta danta dalka iyo dadka. Ummadana wax ugu dhiibaan cidda ka soo bixi karaysa kolba hawsha  loo baahanyahay. Qudhoodu way mudanyihiin ammaan.
Gudidu waxay shaacisay in qandaraaskii dhismaha madaarka ay ku guulaysatay shirkad shisheeye ah oo laga leeyahay dalka China, halka tartankii qandaraaska  Madaarka Berbera ay isna ku guulaysatay shirkad kaloo shisheeye oo laga leeyahay dalka Ethiopia. Tallaabadaasi waxay noqotay mid  aynu aad ugu wada riyaaqnay maadaama aan ka wada dheregsanayn in shirkadaha wadaniga ahi aanay ka muuqan awood ay ugu babac dhigi karaan hawsha baaxaddaa leh oo ay si fudud ugaga soo dhalaali karaan iyadoo dhamaystiran,  waana tii  abuurtay filashada iyo kalsoonida. Qof ahaan se waxaan rumaysanahay in ay inna khiyaameeyeen oo halka wax ka qalloocdeenba ahayd siday u maamuleen bixinta qandaraaska! Shirkadda ay inoo sheegeen inay ku guulaysatay qandaraaska magaceedu wuxu ahaa CHINA HONO GROUP oo ah Shirkad ku sheegtay bogga ay ku leedahay internet-ka http://www.honogroup.com/en/company_profile.html inay ka shaqayso macdanta iyo beeraha. Shaqadeedaa iyo dhismeyaasha garoonnada waxa isku keenay kuwii ina xaday iyo xukuumadeenaa sheegi! Xaaraan loo badheedhay oo xeerka la waafajiyay baan u arkaa, xukuumadda oo dalka xadaysa marageedii ayay aniga arintaasi ii tahay, hadiise muuqaa wax ka duwani jiro waan u fadhinaaye xukuummaddu ha inoo warranto.
Dhamaan tallaabooyinkii  ka horreeyay bilawgii dhismaha madaarku, calaamad su’aal haba saarnaatee, waxay ahaayeen kuwo ay xukuumaddu ku kasbatay kalsooni iyo qadarin ay ka heshay bulshada, walow aan is leeyahay iyadu is bidi mayso kol hadday fulinaysay hawl looga fadhiyay oo xil kaba saarraa, waase loogu sacab tumay.
Mudaadii dheerayd ee dhismaha madaarku socday,  waa nasiib darrooyinka inaga haysta warbaahin ku sheegteenee, ma aynu helin warar dheelli tiran oo ka warbixiya sida hawsha madaarku u socotay, wasaaradda u xil saaran gaadiidka hawada  iyo Telefishanka qarankuna kolba waxay  inoo soo bandhigi jireen muuqaallo ahaa dhisme socda iyo wasiirka oo mishiinka laamiga goglaya guudka kaga taagan! Garo oo markaa waxaynu moodaynay xil kasnimo dheeraad ah oo wasiirku ugu kuur galayay hawlaha socda,  inkastoo ay sawir muuq  kale lehna muujinaysay arrintaasi oo ah in wasiirku si ka baxsan anshaxa shaqada ugu gacan dhaafayay khubarada wasaaradiisa hawsha ay aqoonta u leeyihiin ee ay tahay in loo daba fadhiisto!
Ka soo gudub maalmahaa iyo wixii aan la inoo sheegin, waxa dhamaystirmay dhismihii Madaarka Hargaysa, si qurux badanna waa la inoogu furay oo madaxwaynahaaba xadhiga ka jaray. Mar hadii madaxwaynuhu hawlaha qaranka wasiiro gaar ah u kala igmaday, waxay ila tahay inuu sidii hogaamiye yeeli jiray ugu gacan banneeyay wasiirkiisii hawshaa qaabilsanaa oo uu isaga uun ka filayay inuu u soo gudbiyo warbixin ku qotonta xaqiiqo ay soo lafa gureen khubarada wasiirka la shaqeeyaa, waana sababta uu illaa maanta u rumaysanyahay in hawshaasi sidii loogu talo galay u fushay, garawshana madaxwaynuhu xaq buu u leeyahay, mar hadaanu wali baadhitaan bilaabin.
Markii xadhiga laga jaray madaarka waxa isla markiiba curtay dhaliilo culus oo lagu duray hawshii dhamaatay, sida muuqatana way jiraan oo waxaan anigu u haystaa in wasiirka duulista iyo hawada Somaliland marag xaadir ah u yahay oo uu qirayo in wax qalloocdeen! Doodaha jiraa waxay leeyihiin waa la xaday xoolihii loogu talo galay dhismaha madaarka. Arrinka waxa sii cakiray markii Shirkadda  Ethiopian Airlines ay duulimaadkeedii u horeeyay ku timid diyaarad nooceedu ahaa B737-800 oo ah dayuuradaha waawayn ee BOEING samayso kuwooda uguba yar yar. Walow kabtankii dayuuraddu, isagoo wasiirku ag taaganyahay,  ammaanay dhabbaha madaarka hadana waxa dhacday in duulimaadkii kaa ku xigay ay shirkadu baajiso. Wixii keenay wali ma cadda, in kasta oo wararka warbaahinta madaxa bannaan ee dalkeenna iyo ta dawladda labaduba ay ku guul darraysteen in ay inna siiyaan xog lagu qanci karo. Warkoodu wuxu noqday uun dhaliil indho la’ oo xukuumadda lagu xajiimaynayo iyo difaac indho la’ oo xataa caaqiladii ka hadleen shaqadii wasaaraddda, midh baase aan laga tagi karin ah in muran wali taaganyahay!
Mar hadii dhismihii dhabbaha madaarka aan waxba lagu darin dhererkiisii, oo intiisii hore uun la dacay tiray maanku wuu aqbalayaa in aanay si sahal ah u adeegsan karin dayuuradihii marka horeba uu ku gaabnaa garoonku. Wax lala yaabo markaa noqon mayso hadii la yidhaa malaha Ethiopian Airlines dayuuradeedii waynayd dhererka Runway- ga uun baa ku gaabtay ee belo kale  ma jirin, wasaardduna si ay dadka uga dhaadhiciso in aan waxba laga shaxaadin dhaqaalihii dhabbaha lagu dhisayay ayay ugu cadaadisay  in ay isla dayuuradaa wayn ku soo fadhiistaan madaarka hargaysa uguna diiday inay adeegsadaan madaarka Berbera ama inay dayuurad yar ku yimaadaan madaarka hargaysa.
Ceeb maaha in aynu dayactirannay inteenii hore oo keli ah, wixii danbana aynu la tukubi doono, liitinimadu se waxa weeye in been lala soo hor fadhiiso bulshada iyo in maankooda la yaso oo hadh iyo habeen lala soo taagnaano madaarku intii hore waa ka waynyahay! Halkaad ilduuftay waa la qirtaa, qaladkana laguma saxo is diidsiin waxase dadnimada laga doonaa halka ay ku jirto “Raganimo meel cidhiidhi ah bay ku jirtaa” miyaan dadkeenu hore u odhan? Dhib wayni ma jirto oo xukuumadda, oo wasaaradda duulistu ka wakiil tahay, waxa looga fadhiyaa inay laba arrin uun kala cadayso: Ma dhab baa oo qalad wuu jiraa, qarashkii madaarkana waa la qadhiidhay? Mise marka horeba qorshuhu wuxu ahaa in la dayac tiro uun intii horee uu ahaa madaarku? Iyaba waa wax wayne hadda garo!
Mucaaradka iyo warbaahinta saaqidday ee qabaxda ku mamay qudhoodu arrinta madaarka si qaldan bay u marooriyeen oo meel aan wax laga dayin bay is leeyihiin ka dura xukuumadda, nasiib darro se, waxaad moodaa in wasiirka duulistu marin u jeexayo! Wax aad loogu  qosolo waxa ahaa hadalkiisii u danbeeyay ee inta uu madal soo fadhiistay yidhi waxaan warbixin siinayaa, aniga iyo wakiilka dawladii qaraamaadka yar inagu caawisayba,  bulshada rayidka ah ee Somaliland una saafayaa in aan si qaldan wax u dhicin. Yaa salaam, yaa ku yidhi in Hudheel qaadaa ummada matali karta, Alle ha kuu siyaadiyee, Maxamuud, caqli samidee!!
Hadii ay ummaddu wasaaraddaada eedaynayso, mudane wasiir, sida ugu wacan ee aad wax ugu saafi kartaa waa adigoo sifaha sharciga ah raaca. Maxaa kuu diidaya in aad tidhaa arrintan madaarku laba waji bay leedahay: shirkadii dhistay iyo sidii qandaraaska loo bixiyay oo dhan,  iyo ta labaad oo ah in guddi qaran oo baadha loo saaro. Hadii gudiga qandaraasyadu hawsha u xil saareen cid aan ehel u ahayn oo ay lacagteenii inaga khasaariyeen, dee mushahar bay inaga qaataan oo cashuurtaynu ku masruufnaaye, waa in aan iyaga la xisaabtannaa oo iyaga iyo shirkadaba la tiigsannaa sharciga adiguna aad arintaa u ololaysaa si magacaaga, ka xukuumadda aad ka tirsantahay iyo madaxwaynahaaguba u eed  beelaan.
 Mudane wasiir, adigaa hawshan hogaankeeda hayee, maxaad  ugu talin wayday in aad dalbato in hanti dhawraha guud iyo khubaro wasaaradaada ka socodaa baadhaan hannaankii qandaraaska lagu bixiyay iyo kartidii shirkadda madaarka dhistay? Mise sharcigeenu hanti dhawrka wuxu u diraa uun agaasimeyaasha yar yar ee hoose?! Miyaad garan wayday inaad golaha wasiirada hor dhigto talo ah in guddi qaran loo saaro hawshan muranka badani ka dhashay si aan waxeenna la inaga dhacay, waa hadii danni jiro e, aan dib ugu soo ceshenno? Mise tolow dee cagaftii aad ka dul muuqan jirtay intii dhismuhu socday iyo jujuubka aad dayuuradaha ku haysaa wax bay daboolayaan aanad doonayn in ay bulshada gaadhaan?
Sidee ayey kaaga suurto gashaa in aad tidhaa aniga oo ah ciddii bulshadu duraysay baa caddaynaya inaan qarashkii madaarka lagu dhisayay  la qadhiidhin? Miyey adiga iyo xukuummadda aad ka tirsantahay la haboonaatay in aad isha ka lalisaan  sharciga dalkeenna oo aad dadka ka qarisaan sida ugu haboon ee loogu kala baxo xeerarka inoo yaal, hadana dadka ka sugtaan in ay idin sacab tumaan? Difaacan indhaha la’ eed la dhex taagantahay meel aan ahayn halkeedii, saw maaha wax muujinaya in lugi jeeni dhaaftay?!
Mar hadii aad adigu tahay kii hawsha fulinayay, cagaftana guudka ka saarnaa, dayuuraddahana sidii aad tahay karraani ka shaqeeya madaarka maalin walba hoostaagan tahay, saw gar maaha in aanu kaa shakinaa? Maxaad u diidaysaa inaad magacaaga difaacdo ee aad kolba hudheel afar oday ugu shirinaysaa? Ma is tidhi waxba lama qaban oo adigaaba marag furaya? Ma laga yaabaa in dadka qaybsaday qarashkii madaarka loogu talo galay aad qudhaaduba ugu horrayso? Maxamuud, billaahi calayk, gari Alle ayay taqaane na daw mari hadii kale qof baad tahaye wax uun qiro!


Saturday, 14 September 2013

SIILAANYO: MADAXWEYNE SEEXDAY OO SABIGIISU TALIYO

Aan ku bilaabo baafin aan isleeyahay ha gaadho madaxwaynahaaga illayn isaguun baa kaa bogsiin kara baylahdiisa kuu muuqata waxa uu kaga baaqdee. Siilaanyo, sayidii, madaxweyne ku mee?!

 Maqaalkani, madaxwayne, wuxu ka dhashay dhacdo aan  u qaatay inay tahay dhaleeco wayn oo adiga, aniga iyo Qarankaba lagu dhajiyay. Haba dhacdee si aan u fahmo in aanay ahayn qalad ula kac ah, ma aan  maqal  in aad adigu si toos ah ugu igmatay in qof kale qabto hawl adiga kuu gaar ah, hadii aad  nagu war galin lahayd  waxaanu fahmi karno oo aan adna ceeb ku soo jiideen bay noqon lahayd, nasiib darro se may dhicin. Hal ku seegay uun dheh!

Golaha Wakiilada ayaa waxa ay u yeedheen  wasiir ka tirsan  xukuumadaada si ay wax uga waydiiyaan  hawlaha wasaaradiisa. Waa sunnaha dawladeed  hase yeeshee in wasiir  hawl aan loo igman ka warramaa waxay muujinaysa laba arrin: aqoon la’aan, qab iyo talada adeero oo lagu takri falo, ta labaadna waa in aanad xil  iska saarin  hagida dalka iyo hawlaha aanu kuu doorannay.

Aqoon la’aantu waa ta wasiirkaaga madaxtooyada ku dhiirri galisay in uu maroorsado hadal aan adiga kaa sugayay oo ah in warbixin guud oo faahfaahsan  laga siiyo Baarlamaanka xaalada dalka ka jirta. Dhaliishaydu kuma socoto nuxurka hadalka “sabiga madaxtooyada” waase sababta adiga oo aan u igman uu isu siisay. Wuxu isku kaaqaday inuu ka warbixyo dhamaan hawlaha wasaaradaha dalka  taasoo  u marag furtay garasho la’aan  iyo aqoon darro ka haysa hanaanka dawladeed, waayo hadii uu yahay qof inuun wax ku duuganyihiin kuma uu dhiiradeen inuu rag dhiggii ah hawshooda isku mooso. Mase laga yaabaa, madaxwayne,  in aanu  isagu eedba lahayne uu la soo dhex fadhiistay golaha dhaqan madaxtooyada ka jira “Dawladda inagaa leh” ilayn sabi dhaqanka gurigooda yaal uun buu dadka la soo dhex galaaye?  Ma ihi looyar, waxanse is leeyahay hadii sharcigu u fasaxayo wasiir inuu sidaa u dhaqmo, madaxwaynaha uun buu awooddiisa ka xayuubinayaa oo aan ku haboonayn inuu talada hayo illayn sharcigu isma buriyee!

Madaxwayne hadii aad  doonayso in aad  hadalka adiga aanu kaa sugayno cid  noogu soo dhiibto, miyaanay qurux badnayn in aad si cad ugu soo igmato oo aad tidhaa hebel oo magacayga ku hadlayaa dadka u tabinaya fariintayda? Siilaanyo, sayidii, dee hal aad garan wayday maahee maxaa si ah? ma laga yaabaa  in aan haatan rumaysto hadal aan in badan diidanaa oo ah “Sayidku wuu hurdaaye sabigaa sawirkiisa ku shaqeeya”.

Wax lala yaabo maahee madaxwayne, hadii ay aqoon la’aani hayso wasiiradaada, miyaanay haboonayn in aad dalalka aynu xidhiidhka sokeeye  leenahay u dirto si ay aqoon korodhsi xaga maamulka  iyo milgaha dawladnimo ah uga soo korodhsadaan? Maxaa diidaya in aad min lix bilood oo keli ah tidhaa tababarro soo qaata? Mise waxaad doonaysaa inay buugga taariikhda kuu gasho “Siilaanyihii dadka wada simay?”. Sayidii maalmo dhawr ah baa ka danbeeyay maalintii arrintaasi dhacday, sida ii muuqatana uma aragtid wax dhaliil ku ah shakhsiyaddaada iyo taayada aad  matasho, billaahi calayk, bal si fiican u dhuux oo dhadhanso  sifihii  wasiirkaagu hadalkaa u  jeediyay oo hal ku seegay qiro ama hal na seegay noo sheeg!

Dhacdadan silloon waxa isna ka qayb qaadanayay gudoomiyaha Baarlamanka mudane, Cabdiraxmaan Cirro oo aan isleeyahay laba arrimood buu  uga dan lahaa:  ka faa’idaysi siyaasadeed oo ah inuu muujiyo sida  Siilaanyo aanu  u  ilaashan karin awoodiisa iyo karaamada shakhsiyadiisa oo la gaadhay goortii dadku taageerada kala noqon lahaayeen iyo, ka fursan wayday inaan idhaa e, kursi caabud  iyo kaba leefnimo oo uu kaba haybadaysanayey sabiga siilaanyo oo aanu qudhiisu garanaynba qiimaha uu dalka ku leeyahay!
Markii “sabiga madaxtooyadu” yimid golaha ee uu doonayay inuu hadalka u jeediyo gudoomiye Cirro wuxuu ku furay kulanka oo ku soo dhaweeyay hadalkan “ waxaan wasiirka ugu yeedhnay xog ogaal u noqoshada xaalada  guud ee dalka, ka dibna mudanayaasha waxa la siin doonaa su’aalo inay waydiiyaan wasiirka. Waxan ku soo dhawaynayaa wasiirka madaxtooyada jamhuuriyada somaliland”  Hadalkan aan waadixa ahayni wuxu muujiyay in Cirro qudhiisu ka mid yahay kooxda bayd gaabyada ah ee dalka camaalaqaysa! Sidee ayay suurto gal u tahay in xaalada guud ee wadanka laga warayso wasiir ka mid ah xukuumad madaxwaynaheedii xay yahay? Cirraaa sheegi!

Waxa layaab kale noqotay in aanu mar qudha ka dhex galin hadalka si uu ugu sheego in wasiirku ku koobnaado hawsha wasaaradiisa oo keli ah. May dhicin,  inankii madaxtooyaduna wuxu si faahfaahsan, waa siday  la ahayde, uga waramay xoolihii adeerkii iyo xaaladooda guud!  Ku darsoo, waa siday dadku yidhaahdaane sakhiifiintii barlamanka fadhiday,  waabay u sacab tumeen. Waxay ku dhiirri galiyeen in inanku si dhab ah u aqbalo in Somaliland tahay sida odaygu ugu sheegay!

Siilaanyo, sayidii, mid kale aan ku xusuusiyee  maxaa kallifay in muwaadin aan xil qaran haynini uu ka mid noqdo wufuuda dawladaada ee safarrada rasmiga ah u baxaya? Sideed ku doonaysaa  madaxwayne in aan kaaga rumaysano in sirta Qaranku xafidantahay oo aad  adigu masuul ka tahay marka muwaadin caadi ahi  xog ogaal u yahay waxay dawladaada iyo kuwa kale kuwada hadlayaan?

Bi kullil ixtiraam, waa halkaagiiye, madaxwayne miyay naga kaa qabataa in hogaanka hawlaha dawlada cid kasta oo aan xil rasmi ah ku magacawnayni ay fara galiyaan? Xuquuqdooda muwaadinnimo lama dafiri karo, waxase aanan garanayn sababta ay soddognimadu qof ugu sad buriso!!  Midh baase la yaab leh sidee ayay uga suurtowdaa in rag aad u yaqaanna hanaanka dawladeed oo waliba caalamka in badan wax ka soo qabtay in ay kaa aqbalaan sidan aad ula dhaqmayso? Siilaanyo, sayidii, kaftanba ha noqotee ma is tidhi geed baad dadka saartaa! Biixi baan sugayaa bal wuxuu ka yidhaa!!



السنين

My admiration to a song I have just listened somehow prompted me to humbly try this poor translation!!


كلمات، الحان واداء: الفنان السوداني القدير الطيب عبدالله

******* 
They tell me to forget you
To erase memories of you
in my mind!
They tell me to forget
The days I spent with you,
Memories we shared

They tell me you have left me
In the days to suffer alone
My hopes faded in the wilderness!
They ask me why?
Why still I long for you
They ask me why?
Why still I think of our relationship!

My love, the years I spend with you
Are stronger than disheartening voices
And transcend words to separate us

**********
If your heart has forgotten
The days you spent with me
I will remain pleased
Of your decision
And accept the fact
To join the list of the many
Victims of love
So my sweetheart
Believe my affirmation
That your love remains
In my blood cells!!

******
In hope my heart will take solace
And live in world of expectations
In my heart, desire will be isolated
My pain, I will translate
Into songs of relief
Telling people of my suffering
Giving them stories of my predicament

Tears I shed, my emotions
Their pleas to change your mind
You ignore without mercy!

********

Anyone who’s away from his country
No matter how long he spends in diaspora
Destiny will definitely one day
Bring him back to his folk, friends
To forget his pain, suffering
To forget his loneliness, days in hell
But my heart, O my love
Seeking your acceptance
In the wilderness it spends
Infinite days of search

Madaxwayne, Muhannad & Associates Co. Maxaad La Leedahay?!

Ku dooranay madaxwayne, adigaana ah ka aanu maamuusno. Milge waynse nagama mudna kuwa aad wakiilataa haday marinka seegaan.

Inta sallaanka ka dhacday ee wasladda xaaraanta ah ku noqotay  xukuumadaada waxa u horeeya wasiirkaaga Duulista iyo Hawada:Muhannad. Erayadaasi hadii ay qalad yihiin u qaado muwaadin wax qoonsaday qayladii iyo qarax ka dhashay qalad in badan huursanaa.

Muhannad waxaad u xilsaartay wasaarad muhiim u ah Qarankeena hase ahaatee qabyo iyo qalad wayni ka jiro. In muddo ah, sida maamuusku na farayo, waan maagayay waxa se maanta qasbay in aan qalin kuugu baaqnaa waa qodobadan:

In Muhannad yahay nin madhan oo aad ummadan ku hoday, hananna karin hawshaa baaxadda leh ee aad u dhiibtay waxaana marag u ah sida aanu ugu koobnayn doorkiisii hogaaminta iyo jaangoynta siyaasadeed ee wasaarada balse uu faraha ugula jiro hawlaha khaaska ah ee aanu farsamadood iyo fahamkooda midna lahayn  iyo isaga oo aan wax la tashi ah la yeelan khubarada ka tirsan wasaaradaas, arimahaas oo dhamaantood ka muuqda siday ay u socdaan hawlaha wasaaraddu iyo dhismayaasha caantaynka ah ee Qaranka lagaga lunsado hantidooda.

Tusaale ahaan, Mudane madaxwayne, wasiir Muhannad markii uu la wareegay hogaanka wasaaradan waxa uu isku dayay inuu sameeyo hawlo lagu dayac tirayo dhismeyaasha madaarada Hargaysa iyo Berbera. Nasiib darro se waxaad moodaa tallaabooyinkii uu qaaday inay ahaayeen kuwo uu malaha wax uu quuto ku doonayay.  Wuxu kharash faro badan ku bixiyay in la fujiyo marmarkii cusbaa ee bilo ka hor uun la dhigay dhismaha  madaarka Berbera. Garan maayo macnaha ay samaynayso in inta la fujiyo marmar yaalla hadana  mar labaad uun la dhigo. Bal qiyaas madaxwayne kharashaka ku baxay shaqaalihii jabiyay ee hadana dib u dhigay mar labaadka iyo qiimaha ay taagantahay alaabtaasi, hadda waa marka aad ka reebto qaxwaha yar ee dulsaarka u ah wasiirka illayn hadaan wax ku jirin lama jabiyeene. Madaxwayne, Muhannad waa ninka halkii uu ka kordhin lahaa adeegyada madaarka dumiyay laba suuli oo ka dhisnaa madaarka dibadiisa oo ay adeegsan jireen shaqaalaha iyo dadka madaarku u adeegaa, maantadaa qofka taga madaarka Berbera wuxu arkayaa laba dunsan iyo laba laga ag dhisay. Kordhin iyo ballaadhin toona ma ahayne labadii intuu dumiyay buu laba kale uun dhisay taana macnaheeda maan garan hadaan waxoogaa lagu doonayn. Bal muu kuwii jiray uun wax ku kordhiyo hadii wax qabad jiro, mise tolow waxa la dumiyee dib uun loo dhisay waxay yeesheen muuq Warancadde iyo magac Udub!!

Ku darsoo madaxwayne, wuxu aad ugu tuntay sumcadii iyo karaamadii xilka aad u dhiibtay oo waxaad arkaysaa isagoo dad rakaab ah oo ay malaha asxaab yihiin madaarka dhexdiisa shandadahooda u sida oo si fudud u soo dhaafinaya xafiisyada laanta socdaalka si malaha looga dhaafo kharashka yar ee dal ku galka ah. Hadii waxaasi Muhannad ka suuroobaan la yaabi mayno shaqaalaha hoosena inay u dhaqmaan si bilaa anshax ah. Mudane Madaxwayne intaa waxa dheer, in agab aan la is ticmaalin oo lagu bixiyay lacag badani ku dayacanyihiin madaarada dibadooda, aan ka xuso dhawrka albaab ee dayaca u yaal bacadka madaarka Hargaysa!

Mar kale, waa ta ugu yaabka badane, Muhannad wuxuu si toos ah ugu xad gudbay sharciga dalka iyo xeerka shaqaalaha ee Qarankeena. Wuxu sameeyay shaqaale garab socda shaqaalaha wasaarada oo midkiiba ku shaqeeyo mushahar shan goor ka badan ka ay qaataan shaqaalaha dawlada ee lagu qiimeeyo darajooyinka ay jaan-goysay hay’adda shaqaaluhu. Waxa intaa dheer iyadoo shaqaalahaa Muhannad la siiyo gunooyin ay ka mid yihiin kirada guryaha ay ku jiraan, cuntadooda iyo shaqaalaha ka shaqeeya guryaha ay daganyihiin. Hadaba madaxwayne dadkaasi ma khubaro ajaanib ah oo ay wadamo shisheeye inagu soo caawiyeen baa? Ma garanayo, aniguse muwaadiniin uun baan ku arkay ka shaqeeya qaybta uu ku sheegay “Airport Security”. Shaqaalahan wuxu sheegay inuu ka masruufo lacagta tobanka doollar ah (USD10) ee laga qaado dadka ka dhoofaya madaarada ee alaabta ay sitaan la mariyo mishiinada wax lagu baadho ee  Muhannad & Associates Co. ay ku rakibteen madaaradeena. Mudane madaxwayne, garan maayo siday suurto gal ugu tahay in wasaarad keli ahi iyaduuni qorato shaqaale gaar ah. Hay’adda Shaqaaluhu miyaanay ahayn ta soo qorta shaqaalaha ay dawladdu u baahato oo inta lagu imtixaamo darajooyinka kala duwan ee lagu qaadanayo lagu kordhiyo liiska mushaharaadka shaqaalaha ee ay ku fadhido miisaaniyadda wasaarad kastaa? Mise Muhannad waa ahna gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ee qarsoon taas baana suurto galisay in xeer qarsooni u fasaxayo inuu maroorsado mas’uuliyad ay leedahay hay’ad Qaran? Hadii tallaabadaasi qalad tahay qofka qaada ee mas’uulka aad ka dhigtay maxaa lagu anshax mariyaa?

Madaxwayne, ogaalkay, maan maqal shirkad khaas ah oo ay xukuumadaadu liisan u siisay inay ka dhex shaqaysato madaarada dalka iyo wasaarada Duulista iyo Hawada. Hadaba, hadii aanay jirin sidee buu ugu dhiiraday wasiirkaagani inuu lacag ay qaadato shirkad qalaad oo sida aan tuhmayo uu ugu yaraan ku leeyahay khaawisaad u hor geeyo golaha wakiilada si loogu sharciyeeyo lacagta ay ka qaado dadka? Muhannad mar uu la hadlayay golaha wakiilada wuxu yidhi lacagtan aanu qaadno waxa la yidhaa  “ Complaince” garan maayo anigu waxay taasi tahay ee adiga iyo xafiiskaaga xidhiidhka dadwaynahaa noo macnayn, waxase aan mar kale ku waydiinayaa mudane madaxwayne miyay xukuumadaadu samaysay xeer ogolaanaya in shirkado gaar loo leeyahay lagu wareejiyo adeegyadii ay u xil saarnaayeen wasaaradaha qaarkood?

 Sugidda amaanka iyo baadhitaanka alaabta ka dhoofaysa dal madaaradiisa waxa mar kasta masuuliyadeedu saarantahay dawladda dalkaas ama laanta u xil saaran hawshaas, khidmada adeegayadaasna waxa laga qaadaa diyaaradaha madaarada isticmaala ee adeegyadaa loo qabto, maxaa hadaba keenay in dadka lagu dhibo lacag ku dhacaysa jeeb dad gaar ah? Mise arrinkani wuu ka sareeyaa amarkii aad dhawaan bixisay ee ahaa in kharash kasta oo soo gala dawladdu ku dhaco qasnada dhexe ee Qaranka?  Mudane madaxwayne miyaanay caddaalad darro ahayn, ceeb laf jab ahna ku ahayn xukuumadaada oo u kala eexanaysa muwaadiniinteedii oo qaarna ku mushahar siinaysa nidaamka hay’adda shaqaalaha kuwo kalena nidaamka Muhannad &Associates Co? Sidee bay suurto gal u tahay madaxwayne in sharciga dalka uu u nijaaseeyo qof adiga kuu shaqeeyaa oo uu u meel mariyo takoor qorshaysan oo ah in shaqaalaha inta cusub ee dhawaan la qoro uu qofkii qaato USD 600 oo aanay ku jirin gunnada guriga, raashinka iyo shaqaalaha guryahoodu, kuwii hore ee mudnaa in la dallacsiiyona aan quraacda laga bixin bal wax kale ha joogee? Midhkaa maragiisa waxa furay Muhannad markii uu la hadlayay golaha wakiilada ee uu doonayay inuu meel u helo shirkadiisa, mise tolow madaxwayne dee waxbaa ka jira halhayska kaftanka noqday ee shaqaalaha ku qatan wasaarada Duulista iyo Hawadu  ay yidhaahdaan waa hirgalinta “Heshiiskii Gar-adag”?

Ugu danbayntii mudane madaxwayne, Bi Kullil Ixtiraam waa halkaagiiye, hadii aad wax ku leedahay shirkadan Muhannad &Associates Co. noo sheeg aan iska aamusnee illayn oday halkuu cuskado laga baydhi karaad tahee, hadii kalena ninkan Qaranka dhacaya adigana qoonta kuu yeelaya inaga qabo oo muwaadin qayrkii ah oo qaban kara hawsha inoogu badal. Muhannad waa bar madaw oo ku baahi doonta bogagga taariikhdaada hadii aanad maanta ku baraarugin oo aanad iska eryin.
Sallalaahu calaa sayyidil Anaam,  Mawliid Saciid Madaxwayne.


AF-HAYEENKA IYO INTUU U WARAMO

Safarkii madaxwaynuhu ugu baxay socdaalkii Shiinaha ayaa daaha ka rogay fadeexado la yaab leh oo in muddo ah ku huursanaa xafiisyada saraakiisha madaxtooyada qaarkood iyo garasho la’aanta in badan oo warbaahinta dalka ah.

Waxa la yaab ah runtiina fadeexad ku ah qaran doonaya inuu dunida ka mid noqdo, waliba ay haatan golahiisa xukuumada  ku jiraan aqoonyahannadii ugu badnaa ee marqudha wada shaqeeyaa, in ay illaa haatan garan laayihiin inay hagaan saraakiisha iyo xafiisyada ay bulshada u mariyaan warbixinaha loogu talo galay inay gaadhaan bulshada dalkan iyo guud ahaanba dunida inteeda kale. Waxa kaloo nasiib darro ah in dalkan ay ka jiraan warbaahin aad u tiro badan oo had iyo goor ku dooda inay yihiin xirfadleyaal madaxbanaan oo ay muuqato in intooda badani aanay raadin karin xaqiiqo muuqata, iska daa inay daah furaan wax inaga qarsoone.

Qormadani maaha dhaleecayn, waase dhaliil gacaltooyo iyo muwaadin damqaday dareenkii, waana afeef aan jeclahay in sideeda loo dareemo. Aan u dego fadeexadan iyo sidii ay karaamada wadanka iyo sharafta madaxwaynaheenaba u dhaawacday waxay tahay iyo inta ku eedaysan.

Dib u dhacii duulimaadka diyaaradii qaaday madaxwaynuhu wuxu keenay in ay diyaaradaasi fadhiisato magaalada Dire Dawa ee dalka Ethiopia goor danbe oo fiid ah, iyagoon waxba iska waydiin sababta iyo sida ay arrintaasi ku dhacday ayaa in badan oo warbaahinteena ahi, ay markiiba ku macneeyeen khilaaf ka dhex dhacay duuliyihii diyaarada iyo waftigii uu qaadayay. Waxay ku dareen af lagaado fool xun oo ay sharaftii qaranka erayo aad u fool xun ku dhaawaceen. Garoo hada waxay inna leeyihiin waa xorriyad iyo warbaahin madaxbannaan waxayse muujiyeen sida ay uga arradanyihiin wadaniyada iyo ixtiraamka ummadooda iyo garasho la’aanta ka haysata raadinta xaqiiqo muuqata. Waxa kale oo ay intaa ku dareen faallooyin aad u liita oo ay kaga dhigeen socdaalkii madaxwaynaha mid shakhsiyaad maalqabeeno ah oo gaara loogu dan quminayo.

Eedda ugu wayn, hadaba, waxa iska leh af-hayeenka madaxwaynaha oo muujiyay in aanu waxba badan dhaamin yar yarkan qaladka ka fahmay macnaha warbaahinta madaxa bannaan. Sarkaalka qabanaya shaqadani waa inuu ogaada in looga baahanyahay, garasho, xogogaalnimo, deganaan, iyo xulashada erayo hufan. Waa markii labaad ee inta aan qof ahaan xasuusto uu galay qalad aad u fool xun oo muujinaya sida aanu garasho badan ugu lahayn xilkiisa iyo raadinta xogta oo ku yar. Garan maayo gudoomiyihii ururka saxafiyiinta Somaliland iyo tifaftire wargaysna waa ahaan jiraye sida wax u hoos mareen! Mise tolow markiisa horeba wuxu ahaa uun mid ka mid ah warfidiyeenkan aan dhaliilayo!

Markii ay warbaahintan aan dhaliilayaa la soo xidhiidheen ee ay waydiiyeen waxa keenay in diyaaradii madaxwaynaha siday ugu baydho Dire Dawa ayaa af-hayeenku wuxu ugu jawaabay, waa siday fidiyeen warbaahintuye,  in hadii gabalba dhaco aan diyaaraduhu fadhiisan airport-ka wayn ee magaalada Addis Ababa oo aan waliba loo ogolayn diyaaradaha transit-ka ah!!! Isagoo is leh marlabaad war ka bixi madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa wuxu intaa raaciyay in madaxwaynaha la dejiyay huteel meeqaamkiisu sarreeyo, intaa wax macno leh oo kale kuma darin.

Hadii uu af-hayeenku waydiin lahaa saraakiisha duulimaadka ee wasaarada duulista hawada dalka waxa xaqiiqo ah inuu heli lahaa xog faahfaahsan oo maangal ah oo uu dadka iyo warbaahintaba u sheego: diyaarada madaxwaynaha qaaday waxay ahayd diyaarad yar oo ah nooca ku duula jooga hoose oo lagu hago aragtida duuliyaha ama ay yidhaahdaan waaxda duulista diyaaraduhu Vissual Flight Rules (VFR) taas oo macnaheedu yahay in aanay diyaaradan yari duuli Karin marka gabbalku dhaco ee madawgu daaho dunida, maadaama aanay lahayn qalabka lagu duulo ee lagaga maarmo aragtida duuliyaha. Waxa kale oo jiray in madaxwaynuhu sidii qorshuhu ahaa dib ugu dhacay shaqada uu qaranka u hayo darted taasina ay keentay inay diyaaradan oo ku duusha joog hoose xawaaraheeduna koobanyahay aanay suurto gal u ahayn inay sii wado duulimaadkeeda, waxa kale oo iyana uu duuliyuhu ku xisaabtamayay cimilada iyo dhulka buuralayda sare ah ee ay ku taallo Addis Ababa iyo xogta uu ka helayay xarutna hagidda duulimaadyada ee Ethiopia oo sida muuqata ku wargalisay in aanay cimilada iyo xaalada markaa jirtay aanay saamaxay in xataa uu isku soo biimeeyo garoonka Addis Ababa sidaa darteedna uu u weecdo magaalada Dire Dawa oo aad ugu dhaw Hargaysa diyaaraduna gaadhi karaysay xilli iftiin ah. Intaa kooban isagoo ka heli kara saraakiisha duulista hawada ee Somaliland, ayuu af-hayeenku doortay inuu isku qaado oo ka warbixiyo wax aanu ka warhayn, taas oo muujisay in xafiiska af-hayeenka madaxwaynuhu aanu ahayn mid gudbin kara fariimaha madaxwaynaha, isla markaana ka arradan doonista xogta uu u baahanyahay iyo halka laga heli karoba. Qasab maaha in aad wax walba garan kartaa, waxase muhiim ah inaad garan karto sida aad ku kelayso xogta aad u baahantahay, waa hadii aad tahay suxufi u laylyan mihnadan, amaba guud ahaan ( Public relations and communications)

Waxa kale oo iyana maalmo uun ka hor  af-hayeenku galay gaf kale oo aad u fool xun waa markii uu ka warbixinayay waxqabadkii dawlada mudadii sanadka ahayd ee ay xilka haysay. Marka horeba, inuu isagu hawshaa isku qaado  may ahayn maadaama uu yahay isagu af-hayeenka madaxwaynaha oo keli ah, hawshani waxay ku fiicnayd inay ka warbixiyaan wasiirka warfaafinta somaliland ama sarkaal ka tirsan wasaaradiisa oo uu u xilsaaro mar hadii ay xukuumadii oo dhami waxqabadkeeda soo bandhigayso. Taasi waa mid guud, waxase la yaab lahayd in saxafiga wayn ee af-hayeenka madaxwayna ahi sheegay waliba ku adkaysay arimahan: in markii u horraysay madaxwayne Somaliland la kulmay xoghaya guud ee qaramada midoobay 9 July 2011 markii madaxwayne Siilaanyo kula kulmay Jubba Ban Ki-moon; in markii ugu horraysay madaxwayne Somaliland la kulmay wasiir arrimo dibadeedka Britain oo ahayd markii madaxwayne Siilaanyo Addis Ababa kula kulmay William Hague iyo arrimo kaloo badan oo aad u qosol badnaa.

Wariye ka mid ahaa warfidiyeenkii warbixinta dhagaysanayay ayaa isagoo yaaban waydiiyay af-hayeenka, si uu malaha u hubsado inay halmaan hadal ahayd iyo in kale, inuu ka warqabo in aanay ahayn markii u horraysaye ay tahay kulan uu madaxwayne ka mid ah madaxwaynayaashii Somaliland la yeeshay xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo wasiiru arimo dibadeedka Britain, ayaa wuxu su’aalay sida la isku waafajin karo  hadalkii af-hayeenka ee maalintaa iyo kulamadii muddo hore ay la yeesheen madaxwayneyaahsii Somaliland ee kala danbeeyay: Madaxwayne Cigaal oo la kulmay xoghayahii guud ee hore Kofi Anan iyo kulankii uu Madaxwayne Rayaale la yeeshay wasiir khaarajigii horee Britian David Miliband. Af-hayeenku si kalsooni ah ayuu ugu jawaabay in aan waxaasi dhicin oo aanay jirin waxa wariyahaasi sheegayayna ay tahay uun been uu ka soo akhriyay websit-yo aan lagu kalsoonaan karin balse warkiisu yahay biyo kama dhibcaankii xaqiiqada ahaa. Arintani waxay muujinaysaa in af-hayeenu aanu wax badan kala socon taariikhda dalkiisa warna aanu u haynin dadaaladii iyo socdaaladii madaxwaynayaashii horee dalku ugu jireen suuq gaynta Somaliland. Su’aasha markaa qofku is waydiink araa saw ma noqon karto: maxaa kallifay in xukuumadan dhan ee wada aqoonyahanka ah iyo madaxwaynaheedan ruug caddaaga ahi ay xafiiskan cid ku haboon u keeni waayeen, mise tolow qudhooda ayaa Doctorate-yadoodu barakaysanyihiin?!! Mise tolow arrinku waa ula kacoo cid kasta oo markii xisbigan talada hayaa mucaaradka ahaa sida sakhiifnimada ah wax ugu caayi jirtayba waa inay xil helaan xataa hadii ay fool xumo u soo jiidayaan qaranka iyo madaxwaynahaba? Ku darsoo waxa igu maqaal ah in wafti ku suganaa London 18 May 2011  oo wasiiro ahaa kana mid ahaa af-hayeenka madaxwaynuhu ay waxba u sheegi kari waayeen warbaahintii Ingiriiska ee ka warbixinaysay bannaan bixii jaalliyada Somaliland ee UK taasoo  keentay in dhawaqii dadkeenu meel dheer gaadhi waayay,... waa badheedhee kama aha xukuumada iyo madaxwayne siilaanyo waxani garasho la’aan!!!






MAGACAABIDDA ABIIB MA MOODAA MARAGGII SEEMAAL!!

Waa afeefe ogow, qoraalkani mahaa mid muddici ku ah masuulka magaciisu ka muuqdo. Waa mid isku dayaya inuu macneeyo muuqaal siyaasadeed, waa muwaadin aragtidii.

Xirfadleyaasha siyaasadu kuwa xilalka haya iyo kuwa xayndaabka dibada ka joogaaba waxay isku waafaqsanyihiin in siyaasaddu tahay xirfad aan mooraal hagin ee ay masalaxadi hogaamiso. Waana wax wada gaadhay dadyowga dunida oo dhan halhayskani.

Wadankeenu kuma yaal meere kale, dadkiisuna malaa’ig ma aha. Gaf kasta oo aadame gaysan karaa waa waxa inaga suurooba, xaqiiqadaasi waxay inoo sahlaysaa in aynu faaqidi karno danni kasta oo ka dhasha falalkeena.

Waxaynu wada xasuusannahay dhacdooyin dhiig lahaa oo ka dhacay gayigeena oo dhaawacyadii ay nabada gaadhsiiyeen dhamaanteen ina damqeen. Kuwii ugu danbeeyay waxa ka mid ah oo aynu xasuusannahay dhacdadii Seemaall ee dhegta dhiigga loogu daray dad aan waxba galabsan. Tuhun mooyee wali danbiile garsoorku xukumay ogaalkay ma jiro, waxaadse  moodaa in go’aanka madaxwayne Siilaanyo ugu  magacaabay mudane Abiib Timacad xilka wasiirnimo uu buuxinayo bar ka maqnayd sawirkii ina horyaallay ee ka koobnaa muuqaaladii aynu u soo joognay ee arintii Seemaal lagu maareeyay.

Bal hada wada eeg go’aamo hore oo madaxwaynuhu gaadhay iyo magacaabidda Abiib siday isugu xidhmi karaan ee dannigana u abuuri karaan, kuna darsoo hadii siyaasadda saldhiggeedu maslaxad yahay in su’aalo ka dhashaan saw wax maan gal ah ma aha? 

Dilkii Seemaal waxa xukuumadu u xidhay wasiir Abiib oo markaa ahaa la taliyaha siyaasada ee madaxwaynaha, waxa kaloo uu galaaftay taliyihii ciidanka qaranka oo inta ehelkii shuhadadu eedeeyeen madaxwaynuhu eryay. Abiib, la taliyihii madaxwaynaha markaa isaga waa la xidhay iyadoon maxkamad la soo taagin muddo ka dibna waa la soo daayay. Abiib arrintaa gaf uma arag kamana uu dacwoonin. Markii la xidhayey madaxwaynuhu xilkiisii kama qaadin, isagoo xidhan iyo isagoo xor ahba wuxu ahaa la taliyehiisii.

Hadaba, su’aalahan aan iska waydiiyay saw lama odhan garo waa gar in la soo bandhigaa: ma dhab bay ahayd oo Abiib eedayntii loo xidhay wuu qabay? Mar haduu ahaa  la taliyihii madaxwaynaha siyaasadii khalkhalinta ammaanka dalka ma heshiis bay ku ahaayeen? Tolow shirqoolkaba ma madaxtooyadaa laga maleegay? Ilayn waatii la xidhay masuul sare oo ka tirsanaa xafiista madaxwaynaha ah e, ilaa maantana aynaan caddayn karin inuu danbiile ahaa iyo in kalee!

Waa qof iyo maankiiye, su’aalahaa muuqaalkan baa iiga soo baxay: mar hadii sarkaalkii ugu sarreeyay ee madaxwaynaha kala talinayay jaangoynta siyaasadda xiligaa lagu dhuftay shaanbad muuq danbiile ah, waxa jiray wax saar ay xukuumadu doonaysay inay is waydaariso. Si dadku ugu qaataan inay ka damqatay dannigii ahaa inay iyadu ka danbaysay dilkii Srrmeel oo malaha markaa maslaxad siyaasadeed ugu jirtay, waxa khasab noqotay in la helo cid eeddii loo xambaariyo go’aankiina waa kii noqday in Abiib la xidho xaq ha ahaado ama xal e. Xil ka qaadis la’aantii uu xabsiga la galay, xukun la’aantii iyo sidii aanu marnaba garsoorka ugu doonan inay magaciisa waxyeelladii gaadhay waxuun uga naqaan ayaa dhalinaysa danniga ah in dan heshiis lagu ahaa!

Hadiiba malaha ay fushay dantii laga lahaa dilkii Seemaal oo la taliyihii siyaasada ee madaxwaynaha sumcadiisii loo sadqeeyay si loo badbaadiyo tii madaxwaynaha ee qoonmi lahayd, saw lama odhan karo malaha mansab kii uu hayay ka sarreeya ayuu dhaafsaday samir iyo inuu mudo gaaban sugona malaha bal baa aha.

Go’aankii madaxwayne Siilaanyo gaadhay Jimcihii ee uu wasiirka warfaafinta Somaliland ugu magacaabay mudane Abiib Timacad saw hadaba uma ekaan karo bal la gaadhay iyo abaal bixintii? Arrintii Seemaal ee dawladu baadhaysay inta badan ee la inoo sheegay in eedaysaneyaal la tuhmayaa jiraan, maankii ka danbeeyayna aan wali la inoo sheegin tolow maxaa kaaga muuqda muwaadin?  Ma la is waydiin karaa inay isku xidhnaayeen dilalkii horee degaanadaa ka dhacay xiligii xisbiga Kulmiye mucaaradka ahaa? Markaad wada eegto sawiradaa iyo kuwa aad adiguba isku gaysan karto saw hadii aad dhinacayga wax ka eegto kuu lama muuqan karto in magacaabidda Abiib, madaxtooyada Somaliland marag ku furayso?

Muwaadin, adiga iyo maankaa!

Geed-Deeble: Indinkoo I Gooyaan Gunnimada Ka Door Biday!!!

Wax lala yaabo maaha in abuurta Alle een aadanaha ahayni kula hadasho, waxase yaab leh marka hadalkeedu noqdo cabasho xanuun kugu beerta!!

Wuxuu haatuf ii siday war dhiillo leh oo iiga yimid meel dheer iyo mudankii dhirteena. Waa dhawaaq cabasho ah oo dabeecaddii dhulkeena iyo taariikhdeenoo ku dhaabani ii igmadeen inaan idiin soo bandhigo si aad uga garawdaan.

Waa Geed Deeble oo ka ooyaya gudmo baas oo dad u soo daabteen inay ku gooyaan sumadda dhaqan iyo taariikheed ee uu inoogu astaysanyahay geedka deebta leh iyo degaankiisuba. Waxay doonayaan inay qolo u dabraan qasnad Qarankoo dhami usho.

Geedku wuxu yidhi: dadkaygoow waa nasiib darro in maanta dib loogu noqodo nacasnimo mar Alle idinka daweeyay oo Qaran loo sadqeeyo qolonimo. Garaadkiina iyo gayigaba inaad wasakhaysaan umaan fadhiyin maanta oo aad ku celcelisaan cid baa shiraysa. May ahayn inaad qolonimo qiblada kala fadhiisataan xaruntii Qaranka. Wali ma qiimayseen sida falkiina iyo furaha dawladnimo u kala fog yihiin?!

Hadii aad doonaysaan inaad qolo qolo u fadhiisataan maxaad ugu qaylisaan qaran baanu nahay dunidana ugu dhego barjaysaan erayo aan ka iman laabtiina oo aad abtirsiimo ka xigtaan. Qaranimo ma taasaa, iyo inaad qolonimo la doonataan qibladii fanka oo lagu qiimo tiro taariikhdii Jihaadka. Gar Allee miyay iga kiin qabataa dadkaygoow inaad tidhaahdaan Geed Deeblaa qolo looga madal dhigay?!!

Deeble wuxu yidhi: qalbiga qolonimo gashaa qaranimo kala qaloodee, bal aan mar idiinku celiyo ka aan ahay iyo Qaranka qiimahaan u leeyahay iyo sidaan taariikhdiina u bilo. Aan idin xusuusiyee dhulka Alle wuu kala nasiib badanyahay oo waxa jiro goobo gaar ah oo dhulka ku gadaaman ugu faana haybada Alle gaar u siiyay. Geedka deebta leh iyo degaankiisu waxay ku suntanyihiin laba arrimood oo umaddii waydaa aanay abidkeen jiri karin; waa ka gilgilashada dulmiga iyo u hiilinta cadaaladda iyo ta labaad oo ah suugaanta iyo heesaha lagu hago halganka loogu hiiliyo sinaanta iyo sarraynta sharciga.

Aniga iyo gargoorkuba waxaan Qaranka Somaliland ee aad daabaqadda qolonimo kula dhex wareegaysaan ugu fadhinaa qiime wayn oo qalbi qabyaalad ka daahir ahi u qushuuco. Waxaan hoy u ahaa mid ka mid ah hujuunadii halgankii lagu xoreeyay Somaliland, waxan ahay halkii ay dhulka ka doorteen mujaahidiintu ee ay dhaawaca iyo dhuuniguba u yaalleen. Waxan ahay halkii u hibaysay halgameyaasha damallo dirirta ka qayb galay oo u daleeyay dad iyo mujaahid daalan ba hadh qabow iyo biyo hagar la’aan ah. Goobtaa dahiran ee dhiiggii mujaahidiintu ku daatay kuwo kalena kuba god galeen ma mudna in magac xaafadeed lala tago. Ma haboona in mujaahid Allaystay luxudka laga toosiyo oo ruuxdiisa xasishay la tuso in waxay u shahiiday ku danbeeyeen biyo col dhaanshay!

Geedku wuxu yidhi: mar labaad waxaan ahay meel ku astaysan fanka iyo suugaanta dalkayga. Waxan ahay maqaam lagu wada dhaato oo mudan in ubadka loogu dhigo dugsiyada si ay ugu koraan inay leeyihiin muusig iyo suugaan u gaar ah oo si farshaxanimo iyo aftahamo leh u suuraysa abuurta Alle iyo dareenka dadkiisa. Waxaan ahay mid ka mid ah goobaha ku ilhaamiya hal abuurka inay soohaan sadarrada suugaaneed si ay ugu xoodaamiyaan garka wadnaha sida faraha Xudaydi u xaradhaamiyaan xadhkaha cuudka.

Waxan ahay halka barakaysan ee lagu higaadiyo heesaha ma guuraanka ah, waxaan ahay qalcad faneed iyo dhaxal muusig oon duugoobin halka loogu xudun xidhay. Cuudki Qarshe, codkii Faysal iyo qaraamka heesuhu halka ay u hoydaan ee nafta lagaga soo habo marka la hirgalinayo heshiisyada kalgacal ee uu hagayo hilowga quluubta isu heellani. Qudbigaa kalgacalka iyo qiblada suugaanta ma haboona inaad la hoos timaadaan qolo iyo shirkeed!!!

Geedku wuxu yidhi: waxaan habaar uga sidaa ciidda hooyo inta aan is lahaa waxbay umadooda tari oo iyagaa wax bartay. Kuwa isku sheega aqoonyahannada jaamacadaha dhameeyay ee wali garaadkoodu u rahmanyahay reernimada. Buugaagta buugaata sidata ee bayd la baray aanu u dhicin ee doonaya inay ku meel maraan magacaan is lahaa ummaday ka xorayn: Qabyaalad! Qalin iyo qolonimo isma qaataane nin kasta oo u qaashaarta qolonimo iyo ururinteedba ha ogaado inuu qarannino dayro ka yahay.

Dadyahow qaranimo iyo qabyaaladi meel ma wada galaan, dhagihiinana waan ogahay inay laab u daloolaan oo aan dhawaaqaygu laabtiina u dhacayn. Waan hubaa oo hurimaysaan qolonimo iyo qaranimo dullaynteede hal baase idin la gudboon:
Gole reer noqon maayee
Inta aanan gumoobin
Gunta heedhe ka gooya
Aniga iyo gargoorkaba!!!

Waa Fariintii iiga timi Geed Deeble iyo dareenkiisii oo aan idiin soo bandhigay, gar iyo gardarro kay tahay se idinkaa ka garniqi



Subcis: Quraan iyo Qaraam

Subcis waa eray inoogu suntan laba shay oo nolosheena ka mid ah, qiime wayna u leh jiritaankeena: Waa Quraanka oo ruux ah iyo Qaraamkoo nolol ah!!

Subcis waa eray aynu ku ababnay oo aynu ku baranay Quraanka kariimka ah, waa eray muujinya niyad samaanta iyo u soo jeedka barashada sawdka Alle ee aan kaga sarrayno in kastoo marinka toosan seegtay. Waa erayga aan ku qiimayno qushuucda iyo qalbi ku habidda qawlka Alle markaynu u wadaagayno sida hadhuub caano ah oo hadda uun la soo lisay.

Mar kale, Subcis waa magac aynu siinay mid ka mid ah dhawaaqyada ugu macaan muusiggeena, waa mid ka mid ah heesaheenna aan abidkood duugoobayn codadka lagu qaado. Waa summada siraadkii uu shiday sayid Qarshe. Waa sawdka barakadiisa ka sita sirta Quraanka ee lagu suntay. Subcis waa sumad ay wadaagaan Kitaabkeena iyo Kamankeenu!!

Marka ummad la doonayo in la barto dun-samideeda iyo waxay dugsatee iimaan ahba, waxa la eegaa nolosheeda iyo waxay aaminsantahay siday isula saan qaadaan. Suugaanta umadeed waxay muujiysaa summadooda caqiido iyo waxay aaminsanyihiin halka uu salka ku hayo. Nasiib wanaag inaga Islaamnimadeena iyo suugaanteenu way isku sar go’anyihiin; muusigeenuna waaba marag buuxa oo midhkaa fura.

Quraanka kariimka ahi wuxu had iyo goor inna faraa garashada Alle iyo in aan kelidii uun ku kalsoonaano, kaalmona isaguun ka doonno. Waa aayaad iyo aqoon ay awowyaasheenii hore rumeeyeen qarniyo badan hortood. Ku darsoo awoodda Alle marnaba eray suugaaneed oo aynu leenahay oo meel kale kula kufaa ma jiro.
Sidoo kale suugaanteena oo muusigeenu ladhaa waxay had iyo goor inagu hagtaa habrashada iyo u hilowga Alle oo keli ah. Suugaanteenu markasta awoodda ay cuskataa waa ta ma dhaafaanka ah ee Alle waxayna taasi muujinaysaa in erayadeena ku aroora awoodda Alle ay duxdoodu tahay diin.

Bal u fiirso sida Quraanku inoo baro u hogaansanaanta iyo rumaynta Alle iyo garashada xaqa uu inagu leeyahay ee Nabigeenii suubanaa calayhi salaatu wasalaame xadiiska inoogu fasiray. “Buniyal Islaamu Calaa Khamsin....................... intaad wada garanaysaan”. Durduurate durba diintii kol hadaad halkii laga galayayba ka bilawdee, bal hada waa guul kale iyo adoo cokkan! Siciid Saalax iyo suugaanteena u leexo! “ Anba qaadka geeddiga sida awrta loo raro waxa lagu aloosaa magac Eebaheen iyo adin iyo af wada jira...................................” Shantii tiir Islaam miyaanu suugaan soomaali ah kuugu sheegin, ku darsoo muusigga aad madaxa u ruxaysaana miyaanu ahayn barakadii subciska, Qarshe iyo Qaraamkii!!

U soo noqo subcis iyo Quraankii oo inoogu bishaaraynaya ballan qaad Alle iyo in gacmo aynu hoorsanay aynaan ku hungoobayn. Dhuux oo keligaa bal dhagayso aayaadka muqaddaska ah ee Alle inagu yidhi “UDCUUNII ASTAJIB LAKUM”. Adoo sujuud la dhacay oo Alle ugu mahadnaqaya nimco aan soo xidhmayn, bal hadda sare kac oo qaraam tawasul ah iyo subcis Alle bari ah dhagayso. Waa halkay ku kulmaan kitaabka iyo kamankeenuye ku xasil Sahra iyo subcis barakaysan “ Yaa Wayne wax lagaama waayi jirine, wanaag ii xigsii wax yeellada”.  Markaad ka sharaabto sawdkaa barakaysan iyo subciskaa la yaabka leh, bal adoo dubaaqaagu furanyahay is waydii waxa kaa dumay iyo maanta waxaad tabaysayo, fiirada ku dheerow oo bal fasiraad u doon fankeenii waxa fidnada loogu sheegay!!!

Waa marag ma doon inaad si iila damqanayso oo ay kuu muuqato nasiib darrada inna haysataa maanta.Subcis iyo labadiisii cod ee culllaaba cidlo ayaynu ka taagannahay. Subcis iyo Quraankii: signa, fatxa iyo surwaal gaab baa badalay.
Subcis iyo cuudkiina: qolfoof madhan oo nin qalaad gurigiisa la hor tagan qaylo aan wax tarayn!!

WAXYIGII QALINKA

Gudcur magan gooyo ah oo gudgudude miray arlada, ayaan xalay ku go’doomay gabiyo hoostood. Ilays la’aanta iyo dugsiga aan waayay waxa igaga ba’naa wehel la’aanta iyo  dhegtayda oo cabsidu u soo dhawaysay dhawaqa cida bahalaha dad qaadka ah.

Waxan galluubnaado gabi hoostiiba, goor danbe oo naftaydu rajada uga dhawdahay quus ayaan arkay ilays ka ifaya meel daaqsin geel ii jirta. Goorta ay naftu hubsiimaha ilawdaa waa marka ay quusta weheshatee, iyadoon garaadkii la shawrin bay hinqatay oo isku sii daysay halkii ilaysku uga hillaacay. U qaadan waaga qawaaniinta nolosha ama quruxdeedba ku sheegoo, waxa isla markiiba hogaan u noqday nafta rajadii ay daqiiqado ka hor dhigtay ee ay quusta ka door bidday. Dugaag iyo halaq hooseba waxay uga gabboon wayday waa shucaaca ay aragtay ee wehel ay wiil u dhashay ah mooday.

Qadar markaan sii qarda jeexay dhul qodax leh oo qarfo ah ayaan ku soo dhawaaday ilayskii oo kaahiisu dhulka simay, oo soo wada saaray quruxdii degaanka iyo farshaxannimada awoodda Alle ee qawl abwaan iyo qalinba qeexi kari waayeen. Nolol aanan garanayn goor aan nacay baa jacaylkeedii dib iigu unkamay, gartayse inaan ku ballan furay markii aan gudcurka iyo gabiga ku hoos jiray.

Markaan soo gaadhay halkii naftu u soo hilawday ayaan maqlay cod qaro leh oo quwadiisa ay ka wayntahay haybadiisu oo i leh “ Kabaha saar oo goroda laalaadi, waxaad soo gashay gole barakaysan oo ilayskiisu ka imanayo samaawaadka sare dushoodee. Goobtan barakaysani waa golihii qalinka amran ee loogu hor uumay abuurta Alle. Dhego laab u daloola ku dhuux garashada halkan taal qalbigaagana u fur fariimaha aad qaadi doonto” Cod qamuunyo leh oo aan qalbi dhiirrinayn baan ku idhi: magan baan ahay ilaysoow, mugdi iyo murugo mataanaysan baa igu raad joogee ha ii loogin, gobanimadana ha dhaawicin.

“Qof iyo dad midkeed tahay, mase taqaanaa Qalinka” ayaan maqlay hadana mar kale. Waxan is idhi bal u jeedso oo eeg xagga codkan haybada lihi ka imanayo waxase isla markiiba indhahayga iftiinkii kala tagay ilays aad u nuur badan oo aanan ifka ku arag isagoo kale. Gartay in aan joogo madal barakaysan oo ay reebantahay inaan  is idhaa ku xad il qoodha. Qof iyo dad anigu kala qaadi garan maayo, qalinkase waxaan u aqaan inuu yahay ka wax qora, ayaan ku jawaabay.

 Qosol aan ka dhadhansaday quudhsiga garasho la’aantayda  ka dib hadana waxaan la iigu daray “ Qalbigaagaa wasakhaysan, halkanna lagaama ogolee gudcurkaad eheltihiine kac oo xagiisa u baydh magan galyona maad mutaysan mar hadaad tahay kuwa qalinka ceebeeyay ee qoraa wada sheegtay!”  Maan jawaabine waxaan anigoo argagaxu  oogadayda u badalay harag wiyileed oo qolof adagi ka kacday madaxayga, aan u furay dhegahayga inaan dhagaysto bal dhaliishayda mar labaad waxa hadana igu hawaarsaday welwel cusub oo u marag kacay haybada  nuurka iyo codka aan maqlayo iyo madashan dahiran een eedaysane ku nabad galayn. Waxaa halkaa iiga bilaabmay eedahii inta aan qalinka karaamadiisa iyo qiimihiisa midna garanayn oo aan madashaa anigu ku matalayay, iyadoon wali la ii ogolaan inaan madaxa kor u qaado ayaa mar labaad codkii ila hadlay oo igu yidhi:

Qalinku maaha sidaad u qabtee waa dawaad lagu bilo waraaqaha cadcad ee iftiimiya quluubta aadanaha, qurus laguma doono lagumana qawlaysto qabaxdaad ku mamteena waa quud xaaraan ah. Qoraalku waa sirta qalinku ka soo qaado quluubta daahirka ah ee ay qoomeen garasho la’aanta iyo qabyaalada ragaadisay ummadoodu. Waa wadaanta ummada u soo dawlista sirta badbaadada ee ku duugan ceelasha xikmadda iyo taariikhda ee inta dubaaqa fayow ee dareenka naxariista lihi ugu deeqaan dadkooda.

Mar kale, qalinku waa riishad ku jirta gacanta farshaxan qalbi saafi ah leh oo dhadhansada quruxda abuurta Alle una turjuma dadka macnaha quruxda muuqata iyo midda daahan ee maanku dhadhansado. Waa dheemanka kala dhanbala dhadhaabaha waawayn ee ay dhex jiifto quruxda dadku aanay dhaadhin ee indhahooda soo hor dhiga.

Mar danbe oo ay naftaydu ku xasishay madashii oo weheshatay nuurkii qalinka ayaa la ii idmay inaan kor u qaado madaxayga, aniguna aan cod baryootamaya ku idhi: Inkastoo ilayskani indhaha nuurkii kala tagay oo aan garawsaday in dulucdeeda garashadu ka shishayso muuqaalka guud, galladaada sooryiyo garashaan marti u ahay!

“Waxan kugu galladay  iftiin haga garashadaada oo aan garka wadna kuu sudhay. Waxaanad ku heshay sida edebta leh ee aad ugu hogaansantay awooddan kaa sarraysa iyo haybadeeda aad isku dhiibtay” Waxa kale oo  la ii raaciyay fariintan oo qalinkii xadradiisii barakaysnayd iga soo faray
"Qaad, qor oo fariintan u gudbi inta is mooday ee iyagoo madhan isku qiray qoraa: Alaa lacnatul qalimi wal quraa’i calaa kulli man asaa’a ilaa aqdasil mihan li inqaadil umam.
Duco iyo habaar waa midkee baan cod hoose ku idhi. Amiin dheh adigu iyagaa garan hadii inuun damiir nooli ku jiree. Indhahaan taagayay malaha intuu gartay buu ii raaciyay “ Nacdasha qalinka bilan, qoraalka iyo ehelka akhristaaba ha ku dhacdo qofkasta oo isagoo madhan qalimaanta halabsada”

Gartay haatan in qalinkii, oo nuurkiisu ka soo fulayo maqaamka sare ee qalinka dhawrsan ee loo xilsaaray qaddarka kawnku, inuu xil culus i saaray!  Anigoo ku jira xaaladaa la yaabka leh oo isu dhiibay qalinka dahiran oo wali ku ashqaraarsan quruxda madasha, ayaan maqlay cod aad u macaan oo aad moodo kii ay culimada Quraanku odhan jireen LAXNAL SAMAA, oo akhriyaya “ NUUN  WAL  QALAMI  WAMAA  YASDURUUN”
Sawdkaa macaan iyo eedaankii subax oo kulamay baan ku baraarugay oo kaga soo naoqday riyadaydii waxyiga la igu soo faray.


THE UNLIKELY SHOCK!!

The death of Pope Shenouda III of Egypt shocked me in a way that I asked myself if I were a Christian! And I am sure that my feeling will inversely shock some of my fellow Muslims!

Despite the fact that a human being had just passed away, it was a bit painful to me. Shenouda was from Egypt the only country in the world that is second to my country for the love of my heart. This is the country of the great Islamic teaching center Al-azhar Al-shareef, the spiritual light that guided Muslims for over a millennium. A center that I once believed, given the veneration my parents and teachers had for it, was as sacred as the Ka’ba in my childhood days.

It is the institution that produced great Imams and scholars who personified tolerance and peaceful coexistence with people of different faiths. Among whom the contemporaries of our time include Dr. Imam Ahmed Al-tayeb, Imam Sharawy, Sheikh Ghazali, Dr. Qaradawi, Dr. Helaly, Dr. Suad Salih, and many more.

Reading their works or listening to them broadens one’s understanding of Islam and how it is the only religion that accepts the will of God of pluralism not only in the form of different faiths but within itself. It is those people and the Islam Al-azhar Al-shareef represents that teach us the respect and humane treatment of people of different faiths.

The death of Pope Shenouda comes at a time when Egypt is at crossroads and the voices of intolerant extremists represented in the petrodollars propagated Saudi Wahhabism and Occidentalized Christianity is getting louder. Pope Shenouda, notwithstanding his unwavering support of Mubarak regime and denunciation of 25 January revolution, always remained moderate voice against those extremists. This fact and the uncertainty of how his successor will turn out to be is what has shocked me and the fear of the unknown is something natural in the trying times.

Some of the decisions of the late Pope were many times in agreement with the Fatwas of Al-azhar Al-shareef, among which was forbidding Muslims and Coptic Christians going on pilgrimage to the occupied holy city of Jerusalem so as not to legalize the Zionist occupation of the holy land.

His departure took me back to the days Imam Sharawy lived and his wisdom filled interpretation of Quran. I remembered a scene in a film about his life where Eid Al-adha coincided with Eid-Al-azraa, a day celebrated for Virgin Marry in the Coptic calendar. On that particular day, some ordinary peasants in his village of Daqahliya were very furious of Christians celebrating alongside them. The debate got heated for days before the occasion but luckily the Imam arrived in the evening on the eve of the Eid Al-adha to spend the great day in his village, and after noticing the showdown he invited both parties and told them how Quran has a high regard for Virgin Marry and Jesus Christ and that he thought it was a blessed coincidence which called for a collective celebrations to show the homogeneity of his people despite their different faiths, which both teach humane treatment for others and spiritual fulfillment.

May the Almighty Allah make the successor of Pope Shenouda a wise man who will always stand by his countrymen and Al-Azhar Al-shareef against extremism


SOO DHAWAYNTII GAARRIYE IYO SUUGAANTII JANNADA

Maalmo murugo iyo culays badani saarnaa naftayda oo ay adkaysan wayday baan ku jiray. Ismaan lahayn si sahal ah baad uga bixi baddan murugo ee aad ku jirto. Waxse nasiib wanaag mar qudha badalay xaaladii aan ku jiray xaqiiqo aan waligayba dafiri jiray!
“Toos, toos” ayuu cod debacsan oo aan maqlayaa i yidhi.  Is idhi maantuun buu kula hadlay haatufkii la sheegi jiray, mase ahayn ka aan mooday!
Cod aad u deggan oo aad moodo inuu u damqaday naftayda oo dabiib la ii soo diray ah,  ayaa i yidhi  “ Toos, indha ka buuxso oo ku naso damaashaadka halkan ka socoda iyo madashan quruxda badan ee aan daaha kaaga rogayo”
“ Waa gole amrane, goobtan yaa loo bilay?” ayaan su’aalay codkii i hagayay. “ ha is odhan waxaad ku eegaysaa indhihii ilayska u baahnaa, kuwo kale ayaad ku daawanaysaaye horta bogo, doodana dib u dhigo” ayuu iigu jawaabay.
Waa madal aad u qurux badan oo qalinkayga iyo inta eray een aqaanba aanay sifayn karin. Kollaba in aanay meeshu ifkii iyo wax u dhaw toona ahayn gartay, waxase iga daboollaa xafladan la yaabka leh iyo cidda lagu maamuusayo ee soo dhawaynta noocan ah mutaysatay!
Madasha quruxdeeda aan si fayn kari waayay waxa igaga sii layaab badnaa, ilayskeeda oo aan la arkayn halka uu iftiinku ka imanayo, doogga  daarada ka baxay ee aad mooddo darmo sibig tiran oo dhulka ku fidsan waxa ka dhex muuqday bataax dhalaalaya oo firi walba aad moodo  xabad dheeman ah oo aan qurux u hanbayn ta hareer taal. Maacuunta miisaska saaran iyo soorta iyadoon sooba gaadhin mid walba udugeedo gooni kuu saaqayo waxa ka sii  muuno badnaa, oo i muquuriyay khayaal macnayn kari waayay, goobta gaarka ah ee loogu talo galay in lagu dangiigsado marka la isu dhiidhiibayo haasaawe mudo hore warkeed lagu soo minguurinayo.
“Madashan iyo dadka loo diyaariyayba aad daawatide orod soo dahaaro qaado, oo adoo wayso qaba soo noqo” ayuu codkii mar labaad i faray.
Soo noqdayaaba waa  Orchestra dhan iyo hees socota! Waxa hogaaminaya oo cuud quruxsan ku garacaya riishad baal daa’uus  ah nin dhalin yar, muusigan hore umaan maqal madaxase ruxay mirqaan daraadii.
“ Waa Abu Isxaaq Al-Mawsili, oo qaadaya mid ka mid ah heesihii uu tiriyay Abu Nawaas”  ayuu codkii ii sheegay. Anigoo yaaban ayuu hadana ii raaciyay “ Halkani waa Firdaws Al-aclaa iyo  madal lagu soo dhawaynayo laba mu’min oo ka yimid ifkii, xafladan waxa durraansaday oo Alle u fududeeyay Haaruun Al-Rashiid oo Alle ka baryi jiray inuu labadaa nin mar uun la kulmo, waa  Amiirkii Mu’miniinta ee xilligii uu hayay taladii Khilaafadii Cabbaasiyiinta ay hana qaaday aqoonta dadka muslimiintu mid suugaaneed, faneed iyo cilmiba, ragga lagu soo dhawaynayo maxfalkan bilani waa Gaarriye iyo Faysal”  anaa isla hadloo idhi, malaha Haaruun waakii abwaanada iyo fanaaniinta aad ugu hiilin jiree Caalam Al-arwaax  bay ku kulmeen isaga iyo raggani!
Wuxu iigu daray inay ahayd heestii furitaanka xaflada. Madasha waxa fadhiyay culimo, abwaanno, hooballo, mullaxaniin iyo muusig yahanno waawayn. Gaarriye waxa dhanka bidix ka fadhiyay Haaruun Al-Rashiid oo u dhexeeyay isaga iyo Abul Cataahiya. Dhanka midig ee madasha waxa fadhiyay culimo waawayn uu hormood u ahaa Al-Ghazali. Dhan kaloon daymooday waxaan isha ku dhuftay Faysal iyo Axmed Raami oo gaar u faqaya, Dararamle oo Sumbaadi cuud u fidinaya iyo Kinsi iyo Umkalthoum oo aad moodo siday u haasawayaan inay ifkii isku yaqaaneen!
Mawsili markii uu heestii dhameeyay, ayaa waxa is taagay Haaruun Al-Rashiid oo hadalkii soo dhawaynta bilaabay, wuxu aad uga warramay taariikhdii hal abuurradii muslimiinta xiligii uu taladii khilaafada Cabbaasiyiinta hayay  “ Dhamaantood hadaan kefad saaro, ta kalena Gaarriye keligii saaro waa hubaal in miisaanku is ceshanayo” . Isagoo Gaarriye eegaya ayaa intuu u soo dhawaaday dadkoo wada maqlaya yidhi “ Ina Xaashi Dhamacoow, sayyidii, aan  qirtee heesahaaga caadifiga ah laba ka mid ah baan had iyo goor is idhaa tolow ma qalbigaaguu daalacday oo intaad Casmaa odhan lahayd buu kuu yidhi, Carshigii Jamaalka markaan maqlaba maalmihii aan Casmaa kala lunnay baan xasuustaa”  qosol baa la daatay!
Abul Cataahiya oo is yidhi hadalka ka boob, ayuu Gaarriye kaga horreeyay oo ku yidhi “ Yaa Abal Cataahiya bal noogu luuqee qasiidadaadii la wada jeclaa ee “LA CAMRUKA  MA DUNYAA BI DAARI  BAQAA”  intuu sara joogsaday buu qasiidadii mariyay oo ka waramaysa sida dunidu aanay u ahayn meel lagu nagaado iyo dhalanteedkeeda. Markuu dhameeyay baa intii madasha fadhiday oo dhami mar qudha isla heleen oo yidhaahdeen “WAMAA CINDA RABBIKA KHAYRUN WA ABQAA”
Al-Ghazali baa nin ag fadhiyay garabka qabtay oo ku yidhi “ Xikamka noocan ah ee uu ilaa yaraantiisii jeclaa waa kuwa Gaarriye ka dhigay saahid ka ee aanu marnaba qof golmoon kaga tagin, mid geeshash lehna ugu habran”  maan garanayn ninka uu la hadlayay, codkii i hagayayna markiiba waxba iima sheegine mudaan indhaha meer meershay. Mar danbaa codkii i yidhi “ Waa Imam Maxamed Cabdoo ninka Al-Ghazali la hadlayaa”
Imam Maxamed Cabdoo baa intuu soo sara kacay, salaamay oo Gaarriye ku yidhi  “ Run ahaantii marka la ii daahiriyo maansooyinkaagii xaq u dirirka ahaa ee aad aadanaha ugu hiilin jirtay, waxan ku diirsan jiray inay wali jiraan muslimiin aadanaha kii daciifaba u dooda oon u kala dayin diin iyo midab, nuxurkii diinteena suuban ayaad Alla magane ka duulaysay. Marxaban bika fii Firdawsil Aclaa yaa bunayya”
Haasaawihii wuxu socdaba waxa la galay in laga waramo suugaanta, fanka, muusiga iyo sidii ay muslimiintu ugu faro yaraysan jireen curinteeda iyo dib u dhacan haatan raygalay ee waxa aan dhadhanka lahayni dunidan inoogu dhago barjeeyay. Waxa hadalkii qaatay Gaarriye oo intuu ku jeedsaday Umkalthoum ku yidhi “ Faadumooy, labadii qasiido ee aad isku qashay heestii aad ka soo saartay bal caawa noo qaad”
“ Alla! Waar Sumbaadi baa ila hagaajiyee keligay maan ahayn” ayay ugu hal celisay. Intuu qoslay buu u sheegay in heestaasi noqotay kuweedii loogu jeclaa ardaynimadiisii ilaa maanta oo uu ifkii ka soo hoyday iyo sida aanu Ibrahim Naaji oo eryadaa curiyay nasiib ugu yeelan inuu ifkii ku dhagaysto maadaama oo geeridiisii sadex iyo toban sanadood ka dib la qaaday heesta Al-Adlaal.  “ Riyaad Sumbaadi yoow, dee dhakhtar qalliinna waabad noqon lahayd, wallee sidaad labadaa qasiido isugu qashay waa farshaxannimo gaar ah”
 Waa laba heesood oo uu tiriyay abwaankii reer Masar Ibrahim Naaji oo la kala yidhaa AL-WADAAC  iyo AL-ADLAAL oo si farshaxannimo ah uu ugu faro yaraystay Sumbaadi. Eraydada qaar buu soo kala horaysiiyay, kuwo kalena wuxu ku badlay erayo kale si laxanku ugu fadhiisto muusig macaan oo dhaxal gal noqda, waxa kaloo quruxda heesta ka badh ah in boqol iyo dhawr iyo labaatan ka bayd ee heestu tahay ay Umkalthoum saacad dhan kugu nasinayso.
“ Waar niyahow iyadaa jeclaatay oo baydadka badankooda soo xulataye, anigu laxanka iyo hormaynta danbee baydadkuun baan ku ladhay.... Dee Raami baa yidhi tani waa noocii Riyaade cid kale loo dooni maayo” ayuu ugu jawaabay Sumbaadi. Orchestra- hii ehelu jannaha oo uu Faysal hogaaminayaa durba bilaabay muusigii. Iba mee!  Mooyi iyo goor danboo aan ka soo baraarugay mirqaankii ehelu jannaha.
Haaruun Al-Rashiid baa intuu cuud qurux badan oo Sheekh Maxamed Rifcat dhabta ku hayay ka soo qaaday ula yimid Faysal oo ag fadhiya Raami, oo ku yidhi “ Faysal, billaahi calayk Subciskaagii caawa culimada ku soor”  Raami baa intuu is hayn waayay cod dheer ku yidhi “ Allaaah, Allaah!” Faysal oo muusoonayaa cuudkii isku dhaafiyay Dararmle. Yaa Salaam! Muqadimo la yaab leh oo muusig ruuxani ah buu ku bilaabay oo ay Faysal iyo Kinsi Subcis darandoorri ah oo ka mid ah alxaantii fanka Hereriga ah ugu mudnaa ku sooreen mudankii madasha fadhiyay. Markay dhameeyeen baa sacab iyo erayo badan oo ka soo go’ay quluub mabsuud ahi is dhaafeen. Waxa soo kacay Sheekh Maxamed Rifcat oo intuu Faysal salaamay ku yidhi  “Rabinna Yakrimak yaa Jisral Saqaafaat, Subcis se muxuu kula baxay sawdkani?”
codkii i hagayay baan u dheg taagay oo ii macneeyay erayadan. Waxa uu ku sheegayaa Faysal inuu ahaa biriij isku xidha dhaqamada kala duwan, waa ninkii afafka kala duwan inoogu heesi jiray ee ilaa casrul dahabigii islaamka inooga warrami jiray iyo taariikhdii fanka. Waa ninkii dookhiisa iyo aqoontiisu in badan oo jiilkiisii ahaa iyo intii uu wax u dhigayba ay dhadhansiiyeen quruxda abuurta Alle, ta daahan ee erayga iyo ta muuqata ee dabiiciga ahba. 
“ Sheekhaygii, Subcis waxaan ugu magac darnay habka Quraan akhriska ee ay dadku wadaagaan akhriskiisa” ayuu Faysal ugu hal celiyay.  Iman Al-Ghazali baa yidhi miyaanad ka dhadhansan sawdka iyo muusiga ruuxaaniga ahba in barakaatii Quraanku ku ladhanyihiin.
Faysal baa intuu Axmed Raami ku jeedsaday ku yidhi “ markaad lahayd IN MARRA YOUM MIN QEYR  RU’YAAK  MAA  YANXASIBSHI MIN CUMRII, ma in aanad Umkalthoum dabadeed heeso curin doonin baa niyahow laguu sii nuuriyay”  Faysaloow, buu yidhi isagoo qoslaya, jacaylku ninba meel la marye anna waxaan ka yaabi jiray markaad ubixii aan anagu wax ku ammaani jirnay dhulka la dhacday eed waliba isagii markhaatiga u qabsatay!  “ALLAAN KUGU DHAARIYEE UBAXYAHOW MIYAANAY ASLI KAA UDGOONAY  saw maad odhan, “ MUNTAHAL IBDAAC FII KHAYAALA SHICR”
Faysal ayay mar labaad Umkalthoum ka codsatay inay ugu celiyaan, Haaruun Al-Rashiid ayaa intuu Mawsili ku jeedsaday ku jidhi “ Maxaad odhan”  intuu qoslay buu ugu jawaabay “ Mawlaayya, dunidii wali dad dookh leh baa ku nool, Faysal oo maalmo uun inala joogay haduu Hargeysa qaraamkaa ka keenay”
Faysal baa isna, mudo ka dib markii lagu nastay haasaawe dabacsan iyo sharaabkii LADATUN LI SHAARIBIIN,  si kaftan ah Umkalthoum ugu yidhi “ Rubaaciyaatul Khiyaam kii baad ana ii qaadaysaa markaygee ku talo gal”
Iyadoo muusoonaysay tidhi “ Mawlaayya, waliba marka cuud keliya la ii tumayaan anigu ka helaa”
“Ma qalbigaygaad ku jirtay, yaa Sital Sharq”
“ Mayee Saylac iyo Alexandaria way is af yaqaaneen ilaa maa qabla risaala” qosol baa la dhacay!
Jalaladin Rumi oo madasha fadhiyay baa intuu hadalkii ka qaatay yidhi “ Cid kale tumi mayso, cuudku waa Sheekh Maxamed Rifcat”  Sheekh Rifcat waa Qaarigii waynaa ee Azhariga aha ee ay agtiisa ku soo xoomi jireen abwaannada, fanaaniinta iyo muusiqaaradii waawaynaa ee ay wacdigiisa iyo marka uu Quraan ka akhiryayoba aanay nuuxsan jirin ee hadii shimbiro madaxooda ku joogaan aanay dareemi jirin. Halka keliya ee naftoodu ku nasataana ahayd madal digriga Alle lagu hayo oo Sheekh Rifcat cuudkiisa kaga hadliyo.
Markuu riishada taabsiiyay watarkii u horreeyayba wadartii madasha fadhiday way wada xasileen. Rubaaciyaaltul Khiyaam, codkii Kawkab Al-sharq, cuudkii Sheikh Rifcat, soo dhawayntii Faysal iyo Gaarriye! Yaa salaam madal dahiran iyo maqaam sare! Waxan arkayay Haaruun Al-Rashiid iyo Al-Ghazali oo sidayda madax la ruxo iyo suul dhabaale la dhaygagay.
Codkii i hagayay baa ila hadloo yidhi “ Waa anigii hadalkaad maqlaysaa, waa qalbigaagii! Nasiib aad leedahay ayaa laguu soo dheelmiyay oo daaha lagaaga qaaday madashan dahiran iyo xaflada soo dhawaynta ay ehelu jannuhu  ku soo dhawaynayeen labada mu’min abwaan Gaarriye iyo Faysal” Farxad, yaab iyo naxdin mid uu ahaa garan waayay dareenkii  i saaqay, kuna darsoo hore waan u dafiri jiray luqada quluubta!
Waxaan maqlay aayaad Quraan ah iyo codkii dahabiga ahaa ee Sheikh Rifcat oo xafladii lagu soo gaba gabaynayo  “ YAA AYYATUHAL  NAFSUL  MUDMA’INNA  IRJICII  ILAA RABBIKA RAADIYATAN MARDIYYA, FADKHULII  FII  CIBAADII  WAD KHULII  JANNATII”
Anoo ayaadkaa Quraanka ah dhegta u sii raaricinaya, ayaa codkii mar kale ila hadlay oo yidhi “ MIN HUNAA WA RAAYIX, NATAXADAS BI LUQATIL QULUUB” erayo aan midba mid haysan baa dirqi igaga soo baxay oo aan idhi “ A XAQAN, QALBI YUXADISUNII!!!”
Anigoon jawaab helin baan ku baraarugay eedaankii salaadii subax.
Al faataxa calaa ruuxi Gaarriye iyo Faysal.