Wax qabadkii muuqdaa
waa marag ma waayaan, waana muhiim in la qiraa. Qorshihii dhismaha Madaarka
Hargaysaad inuu qasad fiican iyo qadarinta qawaaniinta dalka ku bilawday waa
marag madoon, mahadaana waxa leh xukuumaddeena haatan hogaanka haysa.
Qorshihii gudida qandaraasyada
qaranku ku naadiyeen in tartan xor ah loo galo qandaraaskii lagu bixinayay dib
u dhiska madaarku wuxuu ahaa wax lagu diirsado oo ay si fiican ugu muujiyeen in
shaqadoodu tahay ilaalinta danta dalka iyo dadka. Ummadana wax ugu dhiibaan
cidda ka soo bixi karaysa kolba hawsha loo
baahanyahay. Qudhoodu way mudanyihiin ammaan.
Gudidu waxay shaacisay
in qandaraaskii dhismaha madaarka ay ku guulaysatay shirkad shisheeye ah oo
laga leeyahay dalka China, halka tartankii qandaraaska Madaarka Berbera ay isna ku guulaysatay
shirkad kaloo shisheeye oo laga leeyahay dalka Ethiopia. Tallaabadaasi waxay
noqotay mid aynu aad ugu wada riyaaqnay
maadaama aan ka wada dheregsanayn in shirkadaha wadaniga ahi aanay ka muuqan
awood ay ugu babac dhigi karaan hawsha baaxaddaa leh oo ay si fudud ugaga soo
dhalaali karaan iyadoo dhamaystiran, waana tii
abuurtay filashada iyo kalsoonida. Qof ahaan se waxaan rumaysanahay in
ay inna khiyaameeyeen oo halka wax ka qalloocdeenba ahayd siday u maamuleen
bixinta qandaraaska! Shirkadda ay inoo sheegeen inay ku guulaysatay qandaraaska
magaceedu wuxu ahaa CHINA HONO GROUP oo ah Shirkad ku sheegtay bogga ay
ku leedahay internet-ka http://www.honogroup.com/en/company_profile.html
inay
ka shaqayso macdanta iyo beeraha. Shaqadeedaa iyo dhismeyaasha garoonnada waxa
isku keenay kuwii ina xaday iyo xukuumadeenaa sheegi! Xaaraan loo badheedhay oo
xeerka la waafajiyay baan u arkaa, xukuumadda oo dalka xadaysa marageedii ayay
aniga arintaasi ii tahay, hadiise muuqaa wax ka duwani jiro waan u fadhinaaye
xukuummaddu ha inoo warranto.
Dhamaan tallaabooyinkii
ka horreeyay bilawgii dhismaha madaarku,
calaamad su’aal haba saarnaatee, waxay ahaayeen kuwo ay xukuumaddu ku kasbatay
kalsooni iyo qadarin ay ka heshay bulshada, walow aan is leeyahay iyadu is bidi
mayso kol hadday fulinaysay hawl looga fadhiyay oo xil kaba saarraa, waase
loogu sacab tumay.
Mudaadii dheerayd ee dhismaha
madaarku socday, waa nasiib darrooyinka
inaga haysta warbaahin ku sheegteenee, ma aynu helin warar dheelli tiran oo ka
warbixiya sida hawsha madaarku u socotay, wasaaradda u xil saaran gaadiidka
hawada iyo Telefishanka qarankuna kolba
waxay inoo soo bandhigi jireen muuqaallo
ahaa dhisme socda iyo wasiirka oo mishiinka laamiga goglaya guudka kaga taagan!
Garo oo markaa waxaynu moodaynay xil kasnimo dheeraad ah oo wasiirku ugu kuur
galayay hawlaha socda, inkastoo ay sawir
muuq kale lehna muujinaysay arrintaasi
oo ah in wasiirku si ka baxsan anshaxa shaqada ugu gacan dhaafayay khubarada
wasaaradiisa hawsha ay aqoonta u leeyihiin ee ay tahay in loo daba fadhiisto!
Ka soo gudub maalmahaa
iyo wixii aan la inoo sheegin, waxa dhamaystirmay dhismihii Madaarka Hargaysa,
si qurux badanna waa la inoogu furay oo madaxwaynahaaba xadhiga ka jaray. Mar
hadii madaxwaynuhu hawlaha qaranka wasiiro gaar ah u kala igmaday, waxay ila
tahay inuu sidii hogaamiye yeeli jiray ugu gacan banneeyay wasiirkiisii hawshaa
qaabilsanaa oo uu isaga uun ka filayay inuu u soo gudbiyo warbixin ku qotonta
xaqiiqo ay soo lafa gureen khubarada wasiirka la shaqeeyaa, waana sababta uu
illaa maanta u rumaysanyahay in hawshaasi sidii loogu talo galay u fushay, garawshana
madaxwaynuhu xaq buu u leeyahay, mar hadaanu wali baadhitaan bilaabin.
Markii xadhiga laga
jaray madaarka waxa isla markiiba curtay dhaliilo culus oo lagu duray hawshii
dhamaatay, sida muuqatana way jiraan oo waxaan anigu u haystaa in wasiirka
duulista iyo hawada Somaliland marag xaadir ah u yahay oo uu qirayo in wax
qalloocdeen! Doodaha jiraa waxay leeyihiin waa la xaday xoolihii loogu talo
galay dhismaha madaarka. Arrinka waxa sii cakiray markii Shirkadda Ethiopian Airlines ay duulimaadkeedii u
horeeyay ku timid diyaarad nooceedu ahaa B737-800 oo ah dayuuradaha waawayn ee
BOEING samayso kuwooda uguba yar yar. Walow kabtankii dayuuraddu, isagoo
wasiirku ag taaganyahay, ammaanay
dhabbaha madaarka hadana waxa dhacday in duulimaadkii kaa ku xigay ay shirkadu
baajiso. Wixii keenay wali ma cadda, in kasta oo wararka warbaahinta madaxa
bannaan ee dalkeenna iyo ta dawladda labaduba ay ku guul darraysteen in ay inna
siiyaan xog lagu qanci karo. Warkoodu wuxu noqday uun dhaliil indho la’ oo xukuumadda
lagu xajiimaynayo iyo difaac indho la’ oo xataa caaqiladii ka hadleen shaqadii
wasaaraddda, midh baase aan laga tagi karin ah in muran wali taaganyahay!
Mar hadii dhismihii
dhabbaha madaarka aan waxba lagu darin dhererkiisii, oo intiisii hore uun la
dacay tiray maanku wuu aqbalayaa in aanay si sahal ah u adeegsan karin
dayuuradihii marka horeba uu ku gaabnaa garoonku. Wax lala yaabo markaa noqon
mayso hadii la yidhaa malaha Ethiopian Airlines dayuuradeedii waynayd dhererka
Runway- ga uun baa ku gaabtay ee belo kale ma jirin, wasaardduna si ay dadka uga
dhaadhiciso in aan waxba laga shaxaadin dhaqaalihii dhabbaha lagu dhisayay ayay
ugu cadaadisay in ay isla dayuuradaa
wayn ku soo fadhiistaan madaarka hargaysa uguna diiday inay adeegsadaan
madaarka Berbera ama inay dayuurad yar ku yimaadaan madaarka hargaysa.
Ceeb maaha in aynu
dayactirannay inteenii hore oo keli ah, wixii danbana aynu la tukubi doono,
liitinimadu se waxa weeye in been lala soo hor fadhiiso bulshada iyo in maankooda
la yaso oo hadh iyo habeen lala soo taagnaano madaarku intii hore waa ka
waynyahay! Halkaad ilduuftay waa la qirtaa, qaladkana laguma saxo is diidsiin
waxase dadnimada laga doonaa halka ay ku jirto “Raganimo meel cidhiidhi ah bay
ku jirtaa” miyaan dadkeenu hore u odhan? Dhib wayni ma jirto oo xukuumadda, oo
wasaaradda duulistu ka wakiil tahay, waxa looga fadhiyaa inay laba arrin uun
kala cadayso: Ma dhab baa oo qalad wuu jiraa, qarashkii madaarkana waa la
qadhiidhay? Mise marka horeba qorshuhu wuxu ahaa in la dayac tiro uun intii
horee uu ahaa madaarku? Iyaba waa wax wayne hadda garo!
Mucaaradka iyo
warbaahinta saaqidday ee qabaxda ku mamay qudhoodu arrinta madaarka si qaldan
bay u marooriyeen oo meel aan wax laga dayin bay is leeyihiin ka dura
xukuumadda, nasiib darro se, waxaad moodaa in wasiirka duulistu marin u
jeexayo! Wax aad loogu qosolo waxa ahaa
hadalkiisii u danbeeyay ee inta uu madal soo fadhiistay yidhi waxaan warbixin
siinayaa, aniga iyo wakiilka dawladii qaraamaadka yar inagu caawisayba, bulshada rayidka ah ee Somaliland una saafayaa
in aan si qaldan wax u dhicin. Yaa salaam, yaa ku yidhi in Hudheel qaadaa
ummada matali karta, Alle ha kuu siyaadiyee, Maxamuud, caqli samidee!!
Hadii ay ummaddu
wasaaraddaada eedaynayso, mudane wasiir, sida ugu wacan ee aad wax ugu saafi
kartaa waa adigoo sifaha sharciga ah raaca. Maxaa kuu diidaya in aad tidhaa
arrintan madaarku laba waji bay leedahay: shirkadii dhistay iyo sidii
qandaraaska loo bixiyay oo dhan, iyo ta
labaad oo ah in guddi qaran oo baadha loo saaro. Hadii gudiga qandaraasyadu
hawsha u xil saareen cid aan ehel u ahayn oo ay lacagteenii inaga khasaariyeen,
dee mushahar bay inaga qaataan oo cashuurtaynu ku masruufnaaye, waa in aan
iyaga la xisaabtannaa oo iyaga iyo shirkadaba la tiigsannaa sharciga adiguna
aad arintaa u ololaysaa si magacaaga, ka xukuumadda aad ka tirsantahay iyo
madaxwaynahaaguba u eed beelaan.
Mudane wasiir, adigaa hawshan hogaankeeda
hayee, maxaad ugu talin wayday in aad
dalbato in hanti dhawraha guud iyo khubaro wasaaradaada ka socodaa baadhaan
hannaankii qandaraaska lagu bixiyay iyo kartidii shirkadda madaarka dhistay?
Mise sharcigeenu hanti dhawrka wuxu u diraa uun agaasimeyaasha yar yar ee
hoose?! Miyaad garan wayday inaad golaha wasiirada hor dhigto talo ah in guddi
qaran loo saaro hawshan muranka badani ka dhashay si aan waxeenna la inaga
dhacay, waa hadii danni jiro e, aan dib ugu soo ceshenno? Mise tolow dee
cagaftii aad ka dul muuqan jirtay intii dhismuhu socday iyo jujuubka aad
dayuuradaha ku haysaa wax bay daboolayaan aanad doonayn in ay bulshada
gaadhaan?
Sidee ayey kaaga suurto
gashaa in aad tidhaa aniga oo ah ciddii bulshadu duraysay baa caddaynaya inaan
qarashkii madaarka lagu dhisayay la
qadhiidhin? Miyey adiga iyo xukuummadda aad ka tirsantahay la haboonaatay in aad
isha ka lalisaan sharciga dalkeenna oo
aad dadka ka qarisaan sida ugu haboon ee loogu kala baxo xeerarka inoo yaal,
hadana dadka ka sugtaan in ay idin sacab tumaan? Difaacan indhaha la’ eed la
dhex taagantahay meel aan ahayn halkeedii, saw maaha wax muujinaya in lugi
jeeni dhaaftay?!
Mar hadii aad
adigu tahay kii hawsha fulinayay, cagaftana guudka ka saarnaa, dayuuraddahana
sidii aad tahay karraani ka shaqeeya madaarka maalin walba hoostaagan tahay,
saw gar maaha in aanu kaa shakinaa? Maxaad u diidaysaa inaad magacaaga difaacdo
ee aad kolba hudheel afar oday ugu shirinaysaa? Ma is tidhi waxba lama qaban oo
adigaaba marag furaya? Ma laga yaabaa in dadka qaybsaday qarashkii madaarka
loogu talo galay aad qudhaaduba ugu horrayso? Maxamuud, billaahi calayk, gari
Alle ayay taqaane na daw mari hadii kale qof baad tahaye wax uun qiro!