Wednesday, 13 November 2013

"NAAG"

Maalinta barakaysan ee Caashuuraa iyo maalmihii mudada kooban ka horreeyay ee ay Muslimiintu gudanayeen waajibka wayn ee Xaja, ayuu maqaalkani ka dhashay. Waa qoraal uu cariyay muuqaalkii Xaramka barakaysan iyo Muslimiintii dharaarahaa Alle gacmaha u hoorsanayay. Muuqaalka i soo jiitay ee maankayga cariyay wuxu ahaa in aan lab iyo dhedig dadku u kala soocnayn ee la is dhex qaadayay!!

Eray afkeena ka mid ah oo lagu hagoogo shaadir diineed ayaa markiiba maankayga ku soo dhacay:“Naag”!! 

Afafka dunidu ma kala wanaagsana, Alle na way u simanyihiin, waa aayadaha Alle inoo sheegay in ay ka mid yihiin kuwa lagu garto jiritaankiisa kuwooda ugu mudan.

Afafku, hadaba, way kala ayaan badanyihiin oo waxa kobocooda iyo saamaynta ay ku yeeshaan ummadaha kale haga dadkooda oo u hagar baxa iyo mararka qaarkood oo awood Alle u gurmato oo diin lagu soo dejiyo. Af waliba goonidiisa wuu u gun iyo mugba leeyahay oo wuxu kaydiyaa dhaqan, sawrac iyo waxay aqoon iyo iimaan leedahay inta ku hadashaa.

Hase ahaatee mararka qaarkood waxa si fudud u soo baxa goldaloolada af leeyahay kolka erayga halka uu leeyahay laga weeciyo ee si gurracan loo adeegsado. Arintaasi waa maragga koowaad ee muujiya in ummadi saaqidday haba is bido aqoon iyo iimaane!

Erayga “Naag” oo afkeena ku jira laakiin aynu adeegsigiisa marin habaabinay ayaa i xasuusiyay mid ka mid ah dhibaatooyinka bulshadeena haysta. Macnihiisa iyo inuu dheddig tilmaamayo isu sheegi mayno, waxase aynu is waydiin karnaa waa: ma dhab baa oo eraygani dhimaal buu u keenay nolosheena?

Qof ahaan waxa aan qabaa eraygan oo lagu murgiyay kuwo kale oo diineed in ay sababeen danbiyada fikirka iyo kuwa falka ah ee wadankeena ka dhaca. Ma ihi cilmi baadhe arrimaha bulshada yaqaan, mana aan baran aqoon la xidhiidha diinna daa hadalkeed. Waxase igu dhaliyay aragtidan waa dhawaqa erayga “Naag” oo marka aan maqlo aan damqado.

Afku wuxu si toos ah ula fal galaa fikirka aadanaha isagaana haga hadba doonista qofka. Erayadu waxay maskaxda qofka u sawiraan hummaagyo isaguun u muuqda oo mara laba marxaladood: fikir iyo fal. Fikirku wuxu go’aamiyaa falka qofka. Masaajidadeena iyo guryaheenaba waxa laga adeegsadaa eraygan baas! Waxaad maqlaysaa nin wayn oo gadh leh oo marinaya tafsiir oo intuu ummad dhan soo hor fadhiistay af buuxa ku leh “Naagaha waxa ku waajib ah.... Naagaha waxa laga doonayaa.... iwm”. Erayga “Naag” dhalinteena kacaanka ah wuxu ka hor qaaday oo dhegahooda iyo dhimirkoodaba illawsiiyay erayo kale oo dabri jiray falkooda sida “Hablaha” iyo “Haweenka”. Waxa ay ahaayeen erayo maanka fara xaqdhawr iyo xishood loo hibeeyo dhedigga bulshadeenna.  

Ma jiraan waxaasi maanta oo falalka faraxumaynta ah ee ku soo badanaya, sida warbaahinta dalku tabisay, dalkeena ayaa marag u ah in dubaaqeenna iyo damiirkeenu kala haajireen. Mase is waydiinay tolow danbigaa cidda leh? Qof ahaan aniga waxay iila muuqataa in eedda ay leeyihiin kuwa aynu ku aaminnay kitaabka Alle ee culimada aan u haysano iyo warbaahinta! Eeda warbaahinta waxba tilmaami maayo sababtoo ah iyadii baaba garaabo iyo been wada socda ah oo inay ummad hagaan kama filayo!

 Eraygan wadaadadu waxay ku sooheen erayo diimeed oo dano gaar ah laga leeyahay si loo fududaysto u fadhiisiga hablaha. Waxa ay taasi dhalisay in dhalin yaradii aan waalidka iyo hablaha toona ku siri karayn sawirka maanta diinta loo yaqaanaa ay ged kale la soo baxaan: Kufsi!!

Mar hadii hablihii lagu sheegay inay yihiin “Naago” muuqaalka maskaxda ku sawirmaaa waa in ay tahay qof aan xurmo kale gayin ee ah aalad Alle u uumay inuu ku raaxaysto labku! Xeelad iyo xoog kolba kii u suurto gal ah inay hablihii ku xayn faydaan waxa sababay eraygan qallafsan ee aan loo quudhi karin hablaheenna, hase yeeshee ay culimo isku sheegu maanta adeegsadaan iyagoo ku daraya waxa ay ku sheegaan muxaadarooyinka “Xuquuqu Sawjayn” garan maayo sida ay ula haboonaatay in ubad kacaan ah oo aan la barin masuuliyadda iyo culayska uu leeyahay xidhiidhka jinsiga ahi maskaxdooda loogu sawiro “Naag”

Nasiib darrada kalee jirtaaa waxa weeye in caruurta loo diiday is dhexgalkii iyo dhaqankii suubanaa ee habluhu ahaayeen innamada walaalahood, maantase wiilashiina waa hororro hablihiina waa “Naago hilib bisil ah” garan maayo halka uu ina gayn doono xadiis Sucuudigaasi marka garaabada, xashiishada iyo xabaasuudda lagu daro!

Quraan keliya baa lagu beer caddeeyay caruurteenii oo waxa looga dhaartay is dhexgalkii dabiiciga ahaa iyo waxyaabihii xasilinayay dabeecaddooda marka ay korayaan ee ay kacaanka yihiin sida akhriska buugaagta sheekooyinka jacaylka ah, muusiqii iyo heesihii dhaqanka wanaagsan ku fadhiyay. Waxa la inagu yidhi u kala sooca hablaha iyo wiilasha sida nirgo bilaa jiil ah iyo halihii dhalay oo la daaqaya, waana diinta Alle baa la inoogu daraa. Aniguse cilmi dhagood kayga ku garan maayo meel waxaasi kaga jiraan diinteenna suubban.
Erayga “Naag” ee gurracani wuxu sababay in wax hore aynaan u aqooni wadanka yimaado, waa kufsiga iyo jin ka soo duula berri carab iyo badahaa sucuudiga! Haweenkeenu markii ay xidhan jireen hu’gii sawraca u ahaa ee la kala yaqaanay inan, affo iyo sodohba muu joogin carrigeena jinkan ina wareeriyay. Jinkan waxa watay surwaal gaabka waayo markay kala takooreen ummadii wiilaal iyo gabdhoba waxa qasab noqotay in uu hablaheenii iyo marwooyinkii ragoodu garaabada mafrishyada la fadhiyeenba ku dhaco cudur qofku samaysan karo oo ah laba codlaynta nafta go’doonka ah.

Waa marka lagu leeyahay jin baa galay heblaayo inan ama affo ha ahaatee! Fursad baa halkaa ka soo baxda ah in aw surwaal gaab iyo xertiisa gadhka yuubani yidhaahdaan habalaha iyo haweenka aan Quraan ku akhrino. Hareeraha marka laga fadhiisto ruuxa dumarka ah ee laba codlaynaysa ee “Quraan muraadka” la bilaabo, waxay iyaduna bilawdaa laba boglayn u sahasha in surwaal gaabka kolba midkood isku duubo qofka dumar ah oo uu yidhaa waan xajinayaa ama jin baan la legdemayaa. Muddo ka dib labadooduba, marka jidhkoodu is taabto ee ay ka nafisaan cabudhsanaantii si ay u sheegaan ay garan la’aayeen ee isaguna inanta dhexda iyo gaadada iskaga maro, oo candhuuf aanu ogayn goor uu tufayna timaha uga buuxiyo ayaa midkoodba meel ku dhacaa, illayn jinkan la sheegayaaba waa caadifad la kabiday oo si loo fasiro la fahmi la’aa uun e.

Marwadii reer leh waxa lagula taliyaa in saygeedu hore u soo hoydo oo u wehel yeelo si aan jinku u soo noqon, wehelkaas ayay ku heshaa in laga qaado cuno qabatayntii caadifadeed ee saarrayd. Waa sir haween oo eed kuma laha marwadaasi inay sidaa u fekertaa, waxase ay taasi muujinaysaa sida aynu ummad ahaan u saaqidnay ee nolosheena qoysku u tahay qabri haweenka lagu rido! Hablaha ugub iyo wiilasha kacaanka ah iyo kuwa waawayn laftoodana maadaama aynu kala faquuqnay oo xataa salaan keli ah in ay is waydaarsadaan diidnay waxa qasab noqotay in habluhu ku ducaystaan in jin galo [laba codlayn iyo laba boglayn] iyo in wiilasheenii oo aan tixgalin iyo ixtiraam midna u hayn hablihii oo aan garanayn xataa si ay ugu dan sheegtaan hadii damac guurba  ka hayo, ay iyaguna la tashadaan maankooda eraygan “Naag” wasakheeyay oo ay maskaxdooda ku sawiranto “Naag” oo ay xoog ku xayn faydaan ama gurrac kaga danaystaan!! Illayn waa hablo qudhooda caadifadoodiina kabidantahay xog ay isku difaacaan oo ay ku kala gartaan hororka iyo ka hagaagsanna aan la barine.

Ugu danbayntii, si ummadeenu u hagaagto dhaqannadan xun ee inagu soo kordhay ee masaajidada iyo maqaaxiyaha labadaba yaallana aan uga xorowno, waxay ila tahay in ay bulshadu si hufan u adeegsato af keeda iyo in aan ubadka iyo dhalinyarada lab iyo dhedig ba loo diidin in la siiyo xog hufan oo ay mawjadaha nolosha kaga dabaashaan iyo in la horu mariyo dhaqankeena suuban oo la kobciyo suugaanteenna iyo muusigeenna labadaba hadii kale jinkaa sucuudiga ka yimid waa inala joogayaa abid!!


No comments:

Post a Comment