Friday, 28 October 2016

الحقيقة



 الحقيقة 



انظر الكون الفسيح ولا أري إلا جمالك
لكنك محجوبة عن العيون ولا اراك
اذا راح العقل مع البصر الي عالم الخيال
وغرقا معا في بحر العشق والغرام
ظن الناس أنني مجنون!
نعم.. أنا مجنون لم لا يدري
من انا والحقيقة التي افتقد
حقيقة أراها ولا المسها!
احبك لأنك حقيقة
وما في الدنيا احلي من الحقيقة 

أحبك بلا ملل ولا ملامة
أحبك ما دامت جروحي مفتوحة
وحبك في قلبي يدوم ولا انساك
حتي وإن اندملت الجروح
لست أنثي وانظر إليك بعين الذكورة
انت عقل وحكمة وعلوم
كلماتك تنير العقل وتقحمه علي التفكير
نعم، الحديث معاك ممتع ومشتاق
اذا اصغت الأذن لموسيقى شفتيك
والتفت العيون الأرض في خشوع
استيقن أنها ليست لحظة إهمال
لكن صمت الحبيب في حرم المحبوب
جمال وعشق عجز عن تعبيرهم الكلام
نعم لم نلتقي بعد وكل ما قلته
حصل في عالم الأرواح يا حقيقة

يا جوهرة سقطت في الصحراء ليلة
لست أدري لماذا فقدتك ولا اراك
يا ترى! هل اختفيت اختبارا لصبري
وترتاح اذنيك أنين قلبي الملهوف
كأنه موسيقة تعزفه مهرة الآلات!
نعم أنين فؤادي نغمات و دقات قلبي إيقاع
فنم واسترح وخليني أتعذب في سهادي
لأن حبي يحول العذاب الي جنة
وإبعاد المحبوب للحبيب نعيم!!

أحبك لأنك حقيقة
وما في الدنيا احلي من الحقيقة
حبي لك يا حبيبتي يدوم
ولا يتبدل وان مرت عليه
آلاف سنين طويلة
جنان هو في قلوبنا يا غرامي
تسقيها دماءنا كل يوم
ولما تزهر حديقة حبنا
يقطفها الناس ليشمو ريحانة
تحكي لهم عن حكاية حب
عاشها عشاق القيم النبيلة
وقررت الأقدار أن لا يقيما معا
وافترقا من قبل أن يلتقيا
انقيادا لأمر القدر طوعا!



Monday, 12 May 2014

SU’AALO KU SOCDA SODOGGA QARNIGA: SIILAANYO

Odhan maayo sida dadka qaar qofkii dowlada wax ka sheegaa waa danbiile qaran. U hiilin maayo warbaahinteena aan hadalkeeda u meel dayin, halka se ay gar ku leeyihiin in loogu garaabo waan ku guubaaninayaa dowladda iyo dadkaba. Dafiri maayo waxa  muuqda ee dowladeenu dadka iyo dalkaba u qabatay, ku se ammaani maayo oo waa waajibkeedii oo ay gudatay. Ku saluugi maayo sayidii madaxwayne  si xunna wax kaaga sheegi maayo, su’aalo se waan kuu soo bandhigi oo waa sedkaygii muwaadinnimo adna sidaan filayo igu saydhi maysid.

Hadaba, sayidii, halka aan u socdo iyo su’aalaha aan kuu sido aan u dhaadhaco. Madaxweyne xukuumadaadu intii ay jirtayba waan u fiirsanayay, maalin kasta falkeedu wuxu marag fiican u noqdaa khalad aan looga fadhiyin. Waxa ugu danbeeyay waa in wasiiradaada iyo muwaadin qoyskaaga ka mid ahi ay musuqa magac wadaagaan! Hadalkaygaasi gef buu u eg yahay  gar se wuu noqonayaa hadaan su’aalahan soo socda  laga jawaabin:

Jariidada Haatuf waxay qoraysay in muddo ah warar sheegayay in wasiiro xukuumadaada ka mid ahi ay shilimaadkii cashuurta ahaa ee aan islahaa oday Axmed ummada ha ku jalo ay iyagu jeebadaha ku shubteen. Wasiir wax boobaa waa astaan Afrika lagu yaqaan waxa se xeerka dhaqankeenu  xaaraantimeeyaa  in qoys dhami ku heshiiyo inay masaakiinta quraacda ka xadaan! Madaxwayne inankii uu sodogga u ahaa xafiiskiisa ka dhex adeegtaa xageenna waa wax ku cusub. Waa markii inoogu horraysay muwaadin gef tirsanaya oo ay hiil u yihiin wasiiro sodoggii u shaqeeyaa. Fajaca arrintaa ku lamaani isna waxa weeye in qofka u dooda ee gar iyo gar darroba ku difaaca inanka inantu uu markaaba helo xil muuqda. Yaa salaam! Ma is tidhi “Silat-ul-Rixim ka” meel fiican baynu ka gaadhnay?

Sayidii madaxwayne sida ay ila tahay hadalkaygu ma marin habowsana waxa se uu haystaa majiire qumman. Meesha uu ka duulaya waa arrimahane ila eeg:

 Jariidada Haatuf waxa ay dad aan ku jiraa ku haaraameen in ay baahisay warar iila muuqday wax aan jirin oo sharafta muwaadiniin reer Somaliland ah lagu dhaawacayay, haddase waxa ii cadaatay in aan anigu qaldanaa oo Haatuf qumanayd! Eedaymo culus oo musuq maasuq iyo shakhsiyaad si fool xun ugu takri falay awooda xafiisyadooda iyo xidid xilka madaxwaynaha ku xoolaystay bay jariidadu sheegtay.
Arintaas oo taagan ayay bilayska Somaliland inta ay qasab ku galeen xarutii Haatuf  rarteen agabkii xafiisyada yaallay joornaalkiina xayireen. Waxa ay mar kale amar siisyeen shirkadaha isgaadhiinta oo ay fareen in ay xannibaan website ka Haatuf oo aan laga daalacan karin Somaliland gudaheeda. Maan maqal muwaadin ama hay’ad dawladeed oo ka dacwooday wargayska. Waxa aan se maqalay in xukuumaddu ku eedaysay  in wargaysku baahiyay warar aan jirin oo dhaawacay sharfta dad muwaadiniin ah oo aan iyaguba soo dacwoonin, hase ahaatee iyadoo kuwaa la difaacayo ayaa kuwo kale xaqoodii lagu tuntay! May ahayn in hanti gaar loo leeyahay lagula wareego ashkato muwaadin kale ka timi ama hay’ad dawladeed waaba haday jirtee. Waxa haboonayd  in maxkamadu la xisaabtanto uun gudoomiyaha wargeyska iyo tifaftiraha guud oo la waydiiyo in ay cadeeyaan eedaha ay baahisay jariidadoodu ama ay raali galin iyo aduun xaal ah bixiyaan ama dee la xidho ba!

Nasiib darro, intaa midna lama yeelin. Hanti muwaadin ayaa lala wareegay, taa lafteedu waa gef iyo xaquuqdii dastuuriga ahayd ee mulkiilayaasha Haatuf oo lagu tuntay, waa ta labaade fariin cad bay ummada u diraysaa oo ah: in warka Haatuf suganyahay oo hadii ay maxkamad iyo caddayn la isla gaadho ay difaaci karaan wararka ay baahisay. Sidaa awgeed, waa sida ay u eegtahay e, waxa wasiirada iyo wiilka madaxtooyadu goosteen in ay adeegsadaan awooda dowlada si ay ula  wareegaan agabkii iyo faylashii Haatuf si ay hadhaw wax ay isku difaacdo u waydo jariidadu. Taasi waxa ay marag u tahay in Haatuf waxa ay baahisay caddaymo sugan u haysay, haddase mar hadii lala wareegay xafiiskeedii aanay heli karin wax ay isku difaacdo maa daama caddaymahoodii dowladu gacanta ku dhigtay, hadii aanay xataa wax caddayn ah haynin Haatuf marka ay tidhaa cadaymihii aan soo bandhigi lahaaba xukuumaddaa xoog kula wareegtay, waa hubaal in aanu iyada uun rumaysanayno oo aan xukuumadu waxba noo sheegi karin!  Waa tallabo fiicane ha la xidho Haatuf iyo shaqaalaheedaba hal baa se sayidii adiga iyo xukuumadaada ba hor yaal:  muwaadinka aniga oo kale ah sidee loogu qancinayaa in dowlada iyo dadka ay difaacaysaa ka gar  heleen oo Haatuf ay hagardaamo iyo dad iska horkeen wadday?! Mooyi.

Maalmo ka hor intii aan xafiiska Haatuf  bilaysku “ bililiqaysan”  waxa shir jaraa’id qabtay muwaadin reer Somaliland ah oo aan wax xil ah dowladda ka haynin.  Wuxu ka warramayay socdaal shaqo oo wasiirka arrimaha guduhu ku tagi laha dalka Kenya oo baaqday. Muwaadinkaasi wuxu  warbaahinta u soo bandhigay waraaqihii ay is waydaarsadeen saraakiil reer Somaliland ah iyo dhigooda Kenya, waxa kale oo uu soo bandhigay koobiyada tigidho ay isaga iyo wasiirka arrimaha guduhu ugu duuli lahaayeen Kenya. Muwaadinkaasi xil muu haynin sirta dawladdana suuquu ku hayay! Isla maalintaa muwaadinkaasi wuxu aad u dhaleeceeyay Haatuf iyo “wararka beenta ah” ee ay ka fidinayso muwaadin uu magaciisa ku sheegay Baashe, markii danbe se aan ogaaday in uu yahay inanka inanta madaxwaynaha. Isla maalintaa wuxu sheegay ninkaa odayga ahi in ay Haatuf  xadhig istaahisho lana xidhi doono. Dharaaro ka dib xaafiiski Haatuf  la “bililiqaysay”, gudoomiyihii iyo tifaftirihii guudna gudahaa la dhigay, ku darsoo isla muwaadinkaa waxa loo magacaabay xil dawladeed oo mudakar ah. Haatan waa la taliyaha madaxwaynaha ee arrimaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, waa mudane Cabdifataax Siciid Axmed. Halkaana bal dhuux oo maxaa dayaxa iyo wiilka isku beegay hadaanu xilka ku mutaysayn abaalkii uu ku helay difaacii inanka inanta?!
Haatuf dadka akhristaa waxay ku sheegaan wargeys aad u af dheer xogo badan in uu helaana ay u sahlantahay waana sababta aad is odhanayso malaha waaba loo xidhay marka aad muuqaalkan kalena aad u miliilicdo:

Waxa dalka yimid odayaal dhaqan oo gabigooduba ka socda beel qudha oo ah kuwa dega Somalia. Maalintii ay imanayeen waxa lagu soo dhaweeyay borotokol dawladeed iyo hannaan siyaasadeed oo inta Mars u jira maamuuska dhaqanka.  Markii ay soo degayeen madaarka waa loo xidhay, warbaahintana waa laga hor joogsaday si ammaankooda loo ilaaliyana waxa soo galbiyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU, garan maayo cidda laga ilaalinayay ee looga baqayay inay wax yeesho. Markii u horraysay ee ay hadleen waxay odayaashaasi sheegeen in ay u socdaan laba arrimood oo is barkan: in ay sida nabada loo sugo ka bartaan reer Somaliland iyo in ay wadaan waan waan “Midow Soomaaliyeed”. Waa la yaabe waxa ay ku soo beegmeen maalmo ay dowladu dafirtay in wax xidhiidh ahi dhex maray labada madaxweyen ee labada dal. Waa la yaab kalee dowlada aqbashay ee soo dhawaysay odayaal beeleed yidhi beel keli ah oo beelaha Somaliland ah baanu la shiraynaa oo u bandhigaynaa midow Soomaaliyeed macnaheed? Dowladu saw ma qirayso aragtidooda qaldan ee ah reer keli ah baa danbaaba Somaliland? Dowladu saw may aqbalin in aynu beelo nahay oo aynaan ahayn dowlad leh dastuur iyo marjac siyaasi ah. Dowladu saw may aqbalin in Somaliland aan la wada lahayn oo reer keli ahi leeyahay? Mise tolow beesha keli ah ee in ay la shirayaan la sheegayaaba waa beesha madaxwaynuhu ka dhashay oo ma aha ta kalee aan moodayo?! Mooyi.
Dowladda Somaliland hore ayay u sheegtay in ay gacan ku lahayd  samayntii dowlada xamar, markaa  tolow ma la is waydiin karaa in xidhiidh qarsoon oo aan la inoo sheegini jiro?! Mooyi

Arrimahaa iyo kuwo kale oo qofku is waydiin karo marka la eego, ma la odhan karaa sababaha  loo xidhay Haatuf  waxa ka mid ah in aanay daba galin socdaalkan odayaasha oo dowladu filaysay iyo sirta ku duugan?! Mooyi.

Waxaas oo dhan mark loo fiirsado, sayidii madaxweyne,  hadii aan ku idhaa dalka dad dugaag ah baad ku sii daysay ma danbi baa? Ma danbi baa hadii aan ku idhaa xilka iyo xididka kala fogee? Ma danbi baa hadaan ku idhaa wasiiradaadu iyagaa xaday xoolahaa ay Haatuf sheegtaye  iyada xaal sii oo xorriyadoodii u soo celi shaqaalaheeda xidhan? Muuqaaladaa  i horyaalla, sayidii madaxweyne, marka qofku aad u miliilico hadii uu su’aalahaa aan kuu soo bandhigay iyo kuwo ka duwan kala soo baxo, miyuu qaldamayaa mise qiil baa u bannaan? Aan ku soo dabree hadalkayga, sayidii madaxweyne ma adaa quman mise anigaa qaldan?!

Ciid wanaagsan sayidii, maalintii qaranimadaynu sugaynaaye!







Wednesday, 19 February 2014

Waxan Ahay Aqoonyahan!!

Aqoonyahan waxaan ahay
Ogobeey siyaasi ah
Ummadiisa daayoo
Lagu aaminayn abid
Ubadkuu isagu dhalay!
Waxan ahay indheer garad
Aqli Eebbe siiyoo
Aadame ha joogee
U gar niqi karin ugaadhaa!
Waxan ahay nin uu maal
Ku mannaystay Eebboo
Macruuf iyo ha joogaan
Miskiin caawintiisuye
Gurrac kaga danaystoo
Ku makala ma geydada!
Mufti sheekh ahoo
Diin lagu majeertoo
Xaqa aan macnaynoo
Ku margada runtaan ahay!
Maankayga wax ladha
Muuqayga waxa bila
Ummad wada maqluuboo
Macbuudkii abuurtiyo
Garanayn milgaha oo
Magacyada Ilaahay
Ku maraaya dhaaroo
Kitaab saara midigtoo
Mudankii in aan ahay
Marag iila sara kaca!
Waa masalo yaab lee
Waxay muujinaysaa
In dadkaygu maran yahay
Mawle aanay  garanayn
Milgahana ay siistaan
Waxay maalin feentaan!
Waxay muujinaysaa
Inuu milaygu yahay kii
Nacas muuqanaayee
Dadka uba malayn jiray
Meel baas ka ridi jiray!


 

Tuesday, 24 December 2013

COULD MANDELA BE IN HEAVEN!

I am quite sure that my people find it blasphemous to think let alone speaking about wether Mandela, who never professed any religion, be in heaven! Man has always been very curious to know whatever things that are unknown to him and history is full of many detailed records of this behavior. It is, therefore, not surprising for a common man to hypothesize what might be happening in heaven, allow his mind raise questions that might lead him astray!
To Muslims, myself included, Islam is the only true religion all humans are expected to embrace. Again the same Islam teaches us that God’s knowledge is infinite and that his mercy overwhelms his wrath. To me this is a divine indication that God wants us not to limit him in our own understanding and just take him as God of vengeance.
The death of Mandela triggered the above hypothesis in my mind, which I find it quite innocent and sincere, given the current injustices in this world and what is happening in the Muslim countries in particular. Mandela was a man who believed in equality of all human races and social justice their color, faith or creed notwithstanding. He, willingly, once said that he was ready to die for those values. Consequently, he lost over two decades of his life time to prison in defiance of an oppressive government whose architects believed in Christianity: the apartheid.  It was the man whom we considered an “atheist” who defended what the holy books taught, whereas the believers in God deprived fellow human beings their God given rights. On the other hand, look at every corner of the Muslim world, the believers of the only true religion, where a Muslim kills follow Muslims to “Please Allah”!
Yes, you have every right to refute my thinking and question whatever is in my mind, but I believe you cannot deny me the benefit of doubt so that you can soberly ask yourself, given that God is so merciful and He told us his mercy overwhelms his wrath, will it be sinful to “say that God, with his infinite wisdom and mercy, can be kind to the late Mandela and make heaven his abode?”
In this world we have people of different faiths who claim to be devoted believers of God and are the “True representatives” of God in this world, who day in day out commit or condone heinous crimes against humanity. Just to mention a few; think of the crisis in Myanmar where the supposedly peaceful followers of Budha, the military government forces, prevent fellow human beings to procreate and deny them right of citizenship in the country where they lived hundreds of years. Think of Palestine, where the believers of the holy Torah are humiliating fellow human beings and denying them the basic necessities of human dignity, think of Iraq where the followers of Islam force their fellow Christian country men to migrate their motherland. Think of Sudan where the light skinned Arab Muslims continuously degrade and consider their fellow black Muslims less human beings and massacre them in their homeland. Talk about Egypt where a school boy was thrown in jail for simply having a ruler with anti-government logo as the sons of former president are said to be free of all alleged wrong doings and cases against them thrown to the dust bin. Think about the so called center of Islam, Saudi Arabia, where foreign domestic workers are mistreated, raped, tortured and deported to their countries without any compensation. Think of Mauritania where to this day enslavement of human beings exists with the explicit support of the Muslim Scholars in that country, look at the injustices in Bahrain, Syria, Yemen and even Lebanon.
I don’t have to forget about my own Somali people, who claim to be hundred per cent Muslims and followers of the teachings of the tolerant Islam, where somebody is killed for something they did not chose: belonging to a specific clan!
Considering all that and how believers in all religions who claim to be closer to God than late Mandela have turned this world into hell for its inhabitants, don’t you think with the grace of God, Hs infinite wisdom He can receive Mandela in heaven so that when those “holier than thou”, godly people, find themselves on the wrong side in the afterlife, they will know what mattered was not beliefs but fighting for and defending the God given rights, equality of all mankind.  

Only God knows, but I believe we have no right to limit Allah into our own limited human, dogmatic knowledge and understanding!

Wednesday, 13 November 2013

"NAAG"

Maalinta barakaysan ee Caashuuraa iyo maalmihii mudada kooban ka horreeyay ee ay Muslimiintu gudanayeen waajibka wayn ee Xaja, ayuu maqaalkani ka dhashay. Waa qoraal uu cariyay muuqaalkii Xaramka barakaysan iyo Muslimiintii dharaarahaa Alle gacmaha u hoorsanayay. Muuqaalka i soo jiitay ee maankayga cariyay wuxu ahaa in aan lab iyo dhedig dadku u kala soocnayn ee la is dhex qaadayay!!

Eray afkeena ka mid ah oo lagu hagoogo shaadir diineed ayaa markiiba maankayga ku soo dhacay:“Naag”!! 

Afafka dunidu ma kala wanaagsana, Alle na way u simanyihiin, waa aayadaha Alle inoo sheegay in ay ka mid yihiin kuwa lagu garto jiritaankiisa kuwooda ugu mudan.

Afafku, hadaba, way kala ayaan badanyihiin oo waxa kobocooda iyo saamaynta ay ku yeeshaan ummadaha kale haga dadkooda oo u hagar baxa iyo mararka qaarkood oo awood Alle u gurmato oo diin lagu soo dejiyo. Af waliba goonidiisa wuu u gun iyo mugba leeyahay oo wuxu kaydiyaa dhaqan, sawrac iyo waxay aqoon iyo iimaan leedahay inta ku hadashaa.

Hase ahaatee mararka qaarkood waxa si fudud u soo baxa goldaloolada af leeyahay kolka erayga halka uu leeyahay laga weeciyo ee si gurracan loo adeegsado. Arintaasi waa maragga koowaad ee muujiya in ummadi saaqidday haba is bido aqoon iyo iimaane!

Erayga “Naag” oo afkeena ku jira laakiin aynu adeegsigiisa marin habaabinay ayaa i xasuusiyay mid ka mid ah dhibaatooyinka bulshadeena haysta. Macnihiisa iyo inuu dheddig tilmaamayo isu sheegi mayno, waxase aynu is waydiin karnaa waa: ma dhab baa oo eraygani dhimaal buu u keenay nolosheena?

Qof ahaan waxa aan qabaa eraygan oo lagu murgiyay kuwo kale oo diineed in ay sababeen danbiyada fikirka iyo kuwa falka ah ee wadankeena ka dhaca. Ma ihi cilmi baadhe arrimaha bulshada yaqaan, mana aan baran aqoon la xidhiidha diinna daa hadalkeed. Waxase igu dhaliyay aragtidan waa dhawaqa erayga “Naag” oo marka aan maqlo aan damqado.

Afku wuxu si toos ah ula fal galaa fikirka aadanaha isagaana haga hadba doonista qofka. Erayadu waxay maskaxda qofka u sawiraan hummaagyo isaguun u muuqda oo mara laba marxaladood: fikir iyo fal. Fikirku wuxu go’aamiyaa falka qofka. Masaajidadeena iyo guryaheenaba waxa laga adeegsadaa eraygan baas! Waxaad maqlaysaa nin wayn oo gadh leh oo marinaya tafsiir oo intuu ummad dhan soo hor fadhiistay af buuxa ku leh “Naagaha waxa ku waajib ah.... Naagaha waxa laga doonayaa.... iwm”. Erayga “Naag” dhalinteena kacaanka ah wuxu ka hor qaaday oo dhegahooda iyo dhimirkoodaba illawsiiyay erayo kale oo dabri jiray falkooda sida “Hablaha” iyo “Haweenka”. Waxa ay ahaayeen erayo maanka fara xaqdhawr iyo xishood loo hibeeyo dhedigga bulshadeenna.  

Ma jiraan waxaasi maanta oo falalka faraxumaynta ah ee ku soo badanaya, sida warbaahinta dalku tabisay, dalkeena ayaa marag u ah in dubaaqeenna iyo damiirkeenu kala haajireen. Mase is waydiinay tolow danbigaa cidda leh? Qof ahaan aniga waxay iila muuqataa in eedda ay leeyihiin kuwa aynu ku aaminnay kitaabka Alle ee culimada aan u haysano iyo warbaahinta! Eeda warbaahinta waxba tilmaami maayo sababtoo ah iyadii baaba garaabo iyo been wada socda ah oo inay ummad hagaan kama filayo!

 Eraygan wadaadadu waxay ku sooheen erayo diimeed oo dano gaar ah laga leeyahay si loo fududaysto u fadhiisiga hablaha. Waxa ay taasi dhalisay in dhalin yaradii aan waalidka iyo hablaha toona ku siri karayn sawirka maanta diinta loo yaqaanaa ay ged kale la soo baxaan: Kufsi!!

Mar hadii hablihii lagu sheegay inay yihiin “Naago” muuqaalka maskaxda ku sawirmaaa waa in ay tahay qof aan xurmo kale gayin ee ah aalad Alle u uumay inuu ku raaxaysto labku! Xeelad iyo xoog kolba kii u suurto gal ah inay hablihii ku xayn faydaan waxa sababay eraygan qallafsan ee aan loo quudhi karin hablaheenna, hase yeeshee ay culimo isku sheegu maanta adeegsadaan iyagoo ku daraya waxa ay ku sheegaan muxaadarooyinka “Xuquuqu Sawjayn” garan maayo sida ay ula haboonaatay in ubad kacaan ah oo aan la barin masuuliyadda iyo culayska uu leeyahay xidhiidhka jinsiga ahi maskaxdooda loogu sawiro “Naag”

Nasiib darrada kalee jirtaaa waxa weeye in caruurta loo diiday is dhexgalkii iyo dhaqankii suubanaa ee habluhu ahaayeen innamada walaalahood, maantase wiilashiina waa hororro hablihiina waa “Naago hilib bisil ah” garan maayo halka uu ina gayn doono xadiis Sucuudigaasi marka garaabada, xashiishada iyo xabaasuudda lagu daro!

Quraan keliya baa lagu beer caddeeyay caruurteenii oo waxa looga dhaartay is dhexgalkii dabiiciga ahaa iyo waxyaabihii xasilinayay dabeecaddooda marka ay korayaan ee ay kacaanka yihiin sida akhriska buugaagta sheekooyinka jacaylka ah, muusiqii iyo heesihii dhaqanka wanaagsan ku fadhiyay. Waxa la inagu yidhi u kala sooca hablaha iyo wiilasha sida nirgo bilaa jiil ah iyo halihii dhalay oo la daaqaya, waana diinta Alle baa la inoogu daraa. Aniguse cilmi dhagood kayga ku garan maayo meel waxaasi kaga jiraan diinteenna suubban.
Erayga “Naag” ee gurracani wuxu sababay in wax hore aynaan u aqooni wadanka yimaado, waa kufsiga iyo jin ka soo duula berri carab iyo badahaa sucuudiga! Haweenkeenu markii ay xidhan jireen hu’gii sawraca u ahaa ee la kala yaqaanay inan, affo iyo sodohba muu joogin carrigeena jinkan ina wareeriyay. Jinkan waxa watay surwaal gaabka waayo markay kala takooreen ummadii wiilaal iyo gabdhoba waxa qasab noqotay in uu hablaheenii iyo marwooyinkii ragoodu garaabada mafrishyada la fadhiyeenba ku dhaco cudur qofku samaysan karo oo ah laba codlaynta nafta go’doonka ah.

Waa marka lagu leeyahay jin baa galay heblaayo inan ama affo ha ahaatee! Fursad baa halkaa ka soo baxda ah in aw surwaal gaab iyo xertiisa gadhka yuubani yidhaahdaan habalaha iyo haweenka aan Quraan ku akhrino. Hareeraha marka laga fadhiisto ruuxa dumarka ah ee laba codlaynaysa ee “Quraan muraadka” la bilaabo, waxay iyaduna bilawdaa laba boglayn u sahasha in surwaal gaabka kolba midkood isku duubo qofka dumar ah oo uu yidhaa waan xajinayaa ama jin baan la legdemayaa. Muddo ka dib labadooduba, marka jidhkoodu is taabto ee ay ka nafisaan cabudhsanaantii si ay u sheegaan ay garan la’aayeen ee isaguna inanta dhexda iyo gaadada iskaga maro, oo candhuuf aanu ogayn goor uu tufayna timaha uga buuxiyo ayaa midkoodba meel ku dhacaa, illayn jinkan la sheegayaaba waa caadifad la kabiday oo si loo fasiro la fahmi la’aa uun e.

Marwadii reer leh waxa lagula taliyaa in saygeedu hore u soo hoydo oo u wehel yeelo si aan jinku u soo noqon, wehelkaas ayay ku heshaa in laga qaado cuno qabatayntii caadifadeed ee saarrayd. Waa sir haween oo eed kuma laha marwadaasi inay sidaa u fekertaa, waxase ay taasi muujinaysaa sida aynu ummad ahaan u saaqidnay ee nolosheena qoysku u tahay qabri haweenka lagu rido! Hablaha ugub iyo wiilasha kacaanka ah iyo kuwa waawayn laftoodana maadaama aynu kala faquuqnay oo xataa salaan keli ah in ay is waydaarsadaan diidnay waxa qasab noqotay in habluhu ku ducaystaan in jin galo [laba codlayn iyo laba boglayn] iyo in wiilasheenii oo aan tixgalin iyo ixtiraam midna u hayn hablihii oo aan garanayn xataa si ay ugu dan sheegtaan hadii damac guurba  ka hayo, ay iyaguna la tashadaan maankooda eraygan “Naag” wasakheeyay oo ay maskaxdooda ku sawiranto “Naag” oo ay xoog ku xayn faydaan ama gurrac kaga danaystaan!! Illayn waa hablo qudhooda caadifadoodiina kabidantahay xog ay isku difaacaan oo ay ku kala gartaan hororka iyo ka hagaagsanna aan la barine.

Ugu danbayntii, si ummadeenu u hagaagto dhaqannadan xun ee inagu soo kordhay ee masaajidada iyo maqaaxiyaha labadaba yaallana aan uga xorowno, waxay ila tahay in ay bulshadu si hufan u adeegsato af keeda iyo in aan ubadka iyo dhalinyarada lab iyo dhedig ba loo diidin in la siiyo xog hufan oo ay mawjadaha nolosha kaga dabaashaan iyo in la horu mariyo dhaqankeena suuban oo la kobciyo suugaanteenna iyo muusigeenna labadaba hadii kale jinkaa sucuudiga ka yimid waa inala joogayaa abid!!


Wednesday, 6 November 2013

القلب الاسير



القلب الاسير
____________

ما لك يا قلبي مالك
تنادي لفؤاد ما لقيته ابداً
تسهر في انينٍ بالليالي
والناس في نومٍ
مرتاحين عميق
ليه يا قلبي ليه
ما تصغي لنفسٍ
عذبتها بعنادك

رحمتك ترجو كل لحظة
لكنكَ يا ناسي تردُ بقسوةٍ
وبدون رقّةٍ تقول بتكرارٍ
عذابك يا نفسُ جناتٍ
اعيشُ فيهم
وحول الورودِ
احوم مبتسماً
لأملٍ اشتاقُ

حرامٌ عتابك يا قلبي
لنفسٍ ما سواها لك اهل
اما تعلم يا فؤادي
ان الهوي حرام
لما الايّام ما ترحم ولاالليالي

نصحٌ لك يا قلبي
من روحٍ المّها
جرحك المفتوحُ
ابداً يافؤادي ابداً
لا تعشق قلباً ما اهدي اليكَ
يوماً همسةً مع الهواءِ
يا قلباً اصمّه الغرامُ
ما تغمض عينك وانظر
نفسي والريشةَ في يديها
ترسم لك لوحةً من نارٍ

بلهيبها حرّقت جسدي

آهٍ يا قلبي آه
بناركَ حرّقتني
ظناً منك برداً
يروي غليلك ياغدّارُ
اشتكى لمين يا فؤادُ
طالما غصبا عني
في قبضتك زمام روحي

يا حبيبا ما رأيته
حتي في الخيال يوماً
لست ادري لو كنتِ
تسمع خفقات قلبٍ
يقودني بحبالٍ من اشواقٍ
اليك يا حبيب الروح
مفعم برجاء اللقاء

مرة 
، آه... بس مرة وحدة
لو همست وحدك يا حبيبة
في الفناء كلمة
والتقتها الهواء لي
لانطفي عذابي مرة
وارتاح قلبي يوما
عن السقم الاليمِ

Monday, 30 September 2013

WAA RUNTAA MAXAMUUD, WAXBA MAAD QABAN!

Wax qabadkii muuqdaa waa marag ma waayaan, waana muhiim in la qiraa. Qorshihii dhismaha Madaarka Hargaysaad inuu qasad fiican iyo qadarinta qawaaniinta dalka ku bilawday waa marag madoon, mahadaana waxa leh xukuumaddeena haatan hogaanka haysa.
Qorshihii gudida qandaraasyada qaranku ku naadiyeen in tartan xor ah loo galo qandaraaskii lagu bixinayay dib u dhiska madaarku wuxuu ahaa wax lagu diirsado oo ay si fiican ugu muujiyeen in shaqadoodu tahay ilaalinta danta dalka iyo dadka. Ummadana wax ugu dhiibaan cidda ka soo bixi karaysa kolba hawsha  loo baahanyahay. Qudhoodu way mudanyihiin ammaan.
Gudidu waxay shaacisay in qandaraaskii dhismaha madaarka ay ku guulaysatay shirkad shisheeye ah oo laga leeyahay dalka China, halka tartankii qandaraaska  Madaarka Berbera ay isna ku guulaysatay shirkad kaloo shisheeye oo laga leeyahay dalka Ethiopia. Tallaabadaasi waxay noqotay mid  aynu aad ugu wada riyaaqnay maadaama aan ka wada dheregsanayn in shirkadaha wadaniga ahi aanay ka muuqan awood ay ugu babac dhigi karaan hawsha baaxaddaa leh oo ay si fudud ugaga soo dhalaali karaan iyadoo dhamaystiran,  waana tii  abuurtay filashada iyo kalsoonida. Qof ahaan se waxaan rumaysanahay in ay inna khiyaameeyeen oo halka wax ka qalloocdeenba ahayd siday u maamuleen bixinta qandaraaska! Shirkadda ay inoo sheegeen inay ku guulaysatay qandaraaska magaceedu wuxu ahaa CHINA HONO GROUP oo ah Shirkad ku sheegtay bogga ay ku leedahay internet-ka http://www.honogroup.com/en/company_profile.html inay ka shaqayso macdanta iyo beeraha. Shaqadeedaa iyo dhismeyaasha garoonnada waxa isku keenay kuwii ina xaday iyo xukuumadeenaa sheegi! Xaaraan loo badheedhay oo xeerka la waafajiyay baan u arkaa, xukuumadda oo dalka xadaysa marageedii ayay aniga arintaasi ii tahay, hadiise muuqaa wax ka duwani jiro waan u fadhinaaye xukuummaddu ha inoo warranto.
Dhamaan tallaabooyinkii  ka horreeyay bilawgii dhismaha madaarku, calaamad su’aal haba saarnaatee, waxay ahaayeen kuwo ay xukuumaddu ku kasbatay kalsooni iyo qadarin ay ka heshay bulshada, walow aan is leeyahay iyadu is bidi mayso kol hadday fulinaysay hawl looga fadhiyay oo xil kaba saarraa, waase loogu sacab tumay.
Mudaadii dheerayd ee dhismaha madaarku socday,  waa nasiib darrooyinka inaga haysta warbaahin ku sheegteenee, ma aynu helin warar dheelli tiran oo ka warbixiya sida hawsha madaarku u socotay, wasaaradda u xil saaran gaadiidka hawada  iyo Telefishanka qarankuna kolba waxay  inoo soo bandhigi jireen muuqaallo ahaa dhisme socda iyo wasiirka oo mishiinka laamiga goglaya guudka kaga taagan! Garo oo markaa waxaynu moodaynay xil kasnimo dheeraad ah oo wasiirku ugu kuur galayay hawlaha socda,  inkastoo ay sawir muuq  kale lehna muujinaysay arrintaasi oo ah in wasiirku si ka baxsan anshaxa shaqada ugu gacan dhaafayay khubarada wasaaradiisa hawsha ay aqoonta u leeyihiin ee ay tahay in loo daba fadhiisto!
Ka soo gudub maalmahaa iyo wixii aan la inoo sheegin, waxa dhamaystirmay dhismihii Madaarka Hargaysa, si qurux badanna waa la inoogu furay oo madaxwaynahaaba xadhiga ka jaray. Mar hadii madaxwaynuhu hawlaha qaranka wasiiro gaar ah u kala igmaday, waxay ila tahay inuu sidii hogaamiye yeeli jiray ugu gacan banneeyay wasiirkiisii hawshaa qaabilsanaa oo uu isaga uun ka filayay inuu u soo gudbiyo warbixin ku qotonta xaqiiqo ay soo lafa gureen khubarada wasiirka la shaqeeyaa, waana sababta uu illaa maanta u rumaysanyahay in hawshaasi sidii loogu talo galay u fushay, garawshana madaxwaynuhu xaq buu u leeyahay, mar hadaanu wali baadhitaan bilaabin.
Markii xadhiga laga jaray madaarka waxa isla markiiba curtay dhaliilo culus oo lagu duray hawshii dhamaatay, sida muuqatana way jiraan oo waxaan anigu u haystaa in wasiirka duulista iyo hawada Somaliland marag xaadir ah u yahay oo uu qirayo in wax qalloocdeen! Doodaha jiraa waxay leeyihiin waa la xaday xoolihii loogu talo galay dhismaha madaarka. Arrinka waxa sii cakiray markii Shirkadda  Ethiopian Airlines ay duulimaadkeedii u horeeyay ku timid diyaarad nooceedu ahaa B737-800 oo ah dayuuradaha waawayn ee BOEING samayso kuwooda uguba yar yar. Walow kabtankii dayuuraddu, isagoo wasiirku ag taaganyahay,  ammaanay dhabbaha madaarka hadana waxa dhacday in duulimaadkii kaa ku xigay ay shirkadu baajiso. Wixii keenay wali ma cadda, in kasta oo wararka warbaahinta madaxa bannaan ee dalkeenna iyo ta dawladda labaduba ay ku guul darraysteen in ay inna siiyaan xog lagu qanci karo. Warkoodu wuxu noqday uun dhaliil indho la’ oo xukuumadda lagu xajiimaynayo iyo difaac indho la’ oo xataa caaqiladii ka hadleen shaqadii wasaaraddda, midh baase aan laga tagi karin ah in muran wali taaganyahay!
Mar hadii dhismihii dhabbaha madaarka aan waxba lagu darin dhererkiisii, oo intiisii hore uun la dacay tiray maanku wuu aqbalayaa in aanay si sahal ah u adeegsan karin dayuuradihii marka horeba uu ku gaabnaa garoonku. Wax lala yaabo markaa noqon mayso hadii la yidhaa malaha Ethiopian Airlines dayuuradeedii waynayd dhererka Runway- ga uun baa ku gaabtay ee belo kale  ma jirin, wasaardduna si ay dadka uga dhaadhiciso in aan waxba laga shaxaadin dhaqaalihii dhabbaha lagu dhisayay ayay ugu cadaadisay  in ay isla dayuuradaa wayn ku soo fadhiistaan madaarka hargaysa uguna diiday inay adeegsadaan madaarka Berbera ama inay dayuurad yar ku yimaadaan madaarka hargaysa.
Ceeb maaha in aynu dayactirannay inteenii hore oo keli ah, wixii danbana aynu la tukubi doono, liitinimadu se waxa weeye in been lala soo hor fadhiiso bulshada iyo in maankooda la yaso oo hadh iyo habeen lala soo taagnaano madaarku intii hore waa ka waynyahay! Halkaad ilduuftay waa la qirtaa, qaladkana laguma saxo is diidsiin waxase dadnimada laga doonaa halka ay ku jirto “Raganimo meel cidhiidhi ah bay ku jirtaa” miyaan dadkeenu hore u odhan? Dhib wayni ma jirto oo xukuumadda, oo wasaaradda duulistu ka wakiil tahay, waxa looga fadhiyaa inay laba arrin uun kala cadayso: Ma dhab baa oo qalad wuu jiraa, qarashkii madaarkana waa la qadhiidhay? Mise marka horeba qorshuhu wuxu ahaa in la dayac tiro uun intii horee uu ahaa madaarku? Iyaba waa wax wayne hadda garo!
Mucaaradka iyo warbaahinta saaqidday ee qabaxda ku mamay qudhoodu arrinta madaarka si qaldan bay u marooriyeen oo meel aan wax laga dayin bay is leeyihiin ka dura xukuumadda, nasiib darro se, waxaad moodaa in wasiirka duulistu marin u jeexayo! Wax aad loogu  qosolo waxa ahaa hadalkiisii u danbeeyay ee inta uu madal soo fadhiistay yidhi waxaan warbixin siinayaa, aniga iyo wakiilka dawladii qaraamaadka yar inagu caawisayba,  bulshada rayidka ah ee Somaliland una saafayaa in aan si qaldan wax u dhicin. Yaa salaam, yaa ku yidhi in Hudheel qaadaa ummada matali karta, Alle ha kuu siyaadiyee, Maxamuud, caqli samidee!!
Hadii ay ummaddu wasaaraddaada eedaynayso, mudane wasiir, sida ugu wacan ee aad wax ugu saafi kartaa waa adigoo sifaha sharciga ah raaca. Maxaa kuu diidaya in aad tidhaa arrintan madaarku laba waji bay leedahay: shirkadii dhistay iyo sidii qandaraaska loo bixiyay oo dhan,  iyo ta labaad oo ah in guddi qaran oo baadha loo saaro. Hadii gudiga qandaraasyadu hawsha u xil saareen cid aan ehel u ahayn oo ay lacagteenii inaga khasaariyeen, dee mushahar bay inaga qaataan oo cashuurtaynu ku masruufnaaye, waa in aan iyaga la xisaabtannaa oo iyaga iyo shirkadaba la tiigsannaa sharciga adiguna aad arintaa u ololaysaa si magacaaga, ka xukuumadda aad ka tirsantahay iyo madaxwaynahaaguba u eed  beelaan.
 Mudane wasiir, adigaa hawshan hogaankeeda hayee, maxaad  ugu talin wayday in aad dalbato in hanti dhawraha guud iyo khubaro wasaaradaada ka socodaa baadhaan hannaankii qandaraaska lagu bixiyay iyo kartidii shirkadda madaarka dhistay? Mise sharcigeenu hanti dhawrka wuxu u diraa uun agaasimeyaasha yar yar ee hoose?! Miyaad garan wayday inaad golaha wasiirada hor dhigto talo ah in guddi qaran loo saaro hawshan muranka badani ka dhashay si aan waxeenna la inaga dhacay, waa hadii danni jiro e, aan dib ugu soo ceshenno? Mise tolow dee cagaftii aad ka dul muuqan jirtay intii dhismuhu socday iyo jujuubka aad dayuuradaha ku haysaa wax bay daboolayaan aanad doonayn in ay bulshada gaadhaan?
Sidee ayey kaaga suurto gashaa in aad tidhaa aniga oo ah ciddii bulshadu duraysay baa caddaynaya inaan qarashkii madaarka lagu dhisayay  la qadhiidhin? Miyey adiga iyo xukuummadda aad ka tirsantahay la haboonaatay in aad isha ka lalisaan  sharciga dalkeenna oo aad dadka ka qarisaan sida ugu haboon ee loogu kala baxo xeerarka inoo yaal, hadana dadka ka sugtaan in ay idin sacab tumaan? Difaacan indhaha la’ eed la dhex taagantahay meel aan ahayn halkeedii, saw maaha wax muujinaya in lugi jeeni dhaaftay?!
Mar hadii aad adigu tahay kii hawsha fulinayay, cagaftana guudka ka saarnaa, dayuuraddahana sidii aad tahay karraani ka shaqeeya madaarka maalin walba hoostaagan tahay, saw gar maaha in aanu kaa shakinaa? Maxaad u diidaysaa inaad magacaaga difaacdo ee aad kolba hudheel afar oday ugu shirinaysaa? Ma is tidhi waxba lama qaban oo adigaaba marag furaya? Ma laga yaabaa in dadka qaybsaday qarashkii madaarka loogu talo galay aad qudhaaduba ugu horrayso? Maxamuud, billaahi calayk, gari Alle ayay taqaane na daw mari hadii kale qof baad tahaye wax uun qiro!