Odhan maayo sida dadka qaar qofkii dowlada wax ka
sheegaa waa danbiile qaran. U hiilin maayo warbaahinteena aan hadalkeeda u meel
dayin, halka se ay gar ku leeyihiin in loogu garaabo waan ku guubaaninayaa dowladda
iyo dadkaba. Dafiri maayo waxa muuqda ee
dowladeenu dadka iyo dalkaba u qabatay, ku se ammaani maayo oo waa waajibkeedii
oo ay gudatay. Ku saluugi maayo sayidii madaxwayne si xunna wax kaaga sheegi maayo, su’aalo se
waan kuu soo bandhigi oo waa sedkaygii muwaadinnimo adna sidaan filayo igu
saydhi maysid.
Hadaba, sayidii, halka aan u socdo iyo su’aalaha aan
kuu sido aan u dhaadhaco. Madaxweyne xukuumadaadu intii ay jirtayba waan u
fiirsanayay, maalin kasta falkeedu wuxu marag fiican u noqdaa khalad aan looga
fadhiyin. Waxa ugu danbeeyay waa in wasiiradaada iyo muwaadin qoyskaaga ka mid
ahi ay musuqa magac wadaagaan! Hadalkaygaasi gef buu u eg yahay gar se wuu noqonayaa hadaan su’aalahan soo
socda laga jawaabin:
Jariidada Haatuf waxay qoraysay in muddo ah warar
sheegayay in wasiiro xukuumadaada ka mid ahi ay shilimaadkii cashuurta ahaa ee
aan islahaa oday Axmed ummada ha ku jalo ay iyagu jeebadaha ku shubteen. Wasiir
wax boobaa waa astaan Afrika lagu yaqaan waxa se xeerka dhaqankeenu xaaraantimeeyaa in qoys dhami ku heshiiyo inay masaakiinta
quraacda ka xadaan! Madaxwayne inankii uu sodogga u ahaa xafiiskiisa ka dhex
adeegtaa xageenna waa wax ku cusub. Waa markii inoogu horraysay muwaadin gef
tirsanaya oo ay hiil u yihiin wasiiro sodoggii u shaqeeyaa. Fajaca arrintaa ku
lamaani isna waxa weeye in qofka u dooda ee gar iyo gar darroba ku difaaca
inanka inantu uu markaaba helo xil muuqda. Yaa salaam! Ma is tidhi
“Silat-ul-Rixim ka” meel fiican baynu ka gaadhnay?
Sayidii madaxwayne sida ay ila tahay hadalkaygu ma
marin habowsana waxa se uu haystaa majiire qumman. Meesha uu ka duulaya waa
arrimahane ila eeg:
Jariidada
Haatuf waxa ay dad aan ku jiraa ku haaraameen in ay baahisay warar iila muuqday
wax aan jirin oo sharafta muwaadiniin reer Somaliland ah lagu dhaawacayay,
haddase waxa ii cadaatay in aan anigu qaldanaa oo Haatuf qumanayd! Eedaymo
culus oo musuq maasuq iyo shakhsiyaad si fool xun ugu takri falay awooda
xafiisyadooda iyo xidid xilka madaxwaynaha ku xoolaystay bay jariidadu sheegtay.
Arintaas oo taagan ayay bilayska Somaliland inta ay
qasab ku galeen xarutii Haatuf rarteen
agabkii xafiisyada yaallay joornaalkiina xayireen. Waxa ay mar kale amar
siisyeen shirkadaha isgaadhiinta oo ay fareen in ay xannibaan website ka Haatuf
oo aan laga daalacan karin Somaliland gudaheeda. Maan maqal muwaadin ama hay’ad
dawladeed oo ka dacwooday wargayska. Waxa aan se maqalay in xukuumaddu ku
eedaysay in wargaysku baahiyay warar aan
jirin oo dhaawacay sharfta dad muwaadiniin ah oo aan iyaguba soo dacwoonin,
hase ahaatee iyadoo kuwaa la difaacayo ayaa kuwo kale xaqoodii lagu tuntay! May
ahayn in hanti gaar loo leeyahay lagula wareego ashkato muwaadin kale ka timi
ama hay’ad dawladeed waaba haday jirtee. Waxa haboonayd in maxkamadu la xisaabtanto uun gudoomiyaha
wargeyska iyo tifaftiraha guud oo la waydiiyo in ay cadeeyaan eedaha ay
baahisay jariidadoodu ama ay raali galin iyo aduun xaal ah bixiyaan ama dee la
xidho ba!
Nasiib darro, intaa midna lama yeelin. Hanti
muwaadin ayaa lala wareegay, taa lafteedu waa gef iyo xaquuqdii dastuuriga
ahayd ee mulkiilayaasha Haatuf oo lagu tuntay, waa ta labaade fariin cad bay
ummada u diraysaa oo ah: in warka Haatuf suganyahay oo hadii ay maxkamad iyo
caddayn la isla gaadho ay difaaci karaan wararka ay baahisay. Sidaa awgeed, waa
sida ay u eegtahay e, waxa wasiirada iyo wiilka madaxtooyadu goosteen in ay
adeegsadaan awooda dowlada si ay ula wareegaan agabkii iyo faylashii Haatuf si ay
hadhaw wax ay isku difaacdo u waydo jariidadu. Taasi waxa ay marag u tahay in
Haatuf waxa ay baahisay caddaymo sugan u haysay, haddase mar hadii lala
wareegay xafiiskeedii aanay heli karin wax ay isku difaacdo maa daama
caddaymahoodii dowladu gacanta ku dhigtay, hadii aanay xataa wax caddayn ah
haynin Haatuf marka ay tidhaa cadaymihii aan soo bandhigi lahaaba xukuumaddaa
xoog kula wareegtay, waa hubaal in aanu iyada uun rumaysanayno oo aan xukuumadu
waxba noo sheegi karin! Waa tallabo
fiicane ha la xidho Haatuf iyo shaqaalaheedaba hal baa se sayidii adiga iyo
xukuumadaada ba hor yaal: muwaadinka
aniga oo kale ah sidee loogu qancinayaa in dowlada iyo dadka ay difaacaysaa ka
gar heleen oo Haatuf ay hagardaamo iyo
dad iska horkeen wadday?! Mooyi.
Maalmo ka hor intii aan xafiiska Haatuf bilaysku “ bililiqaysan” waxa shir jaraa’id qabtay muwaadin reer
Somaliland ah oo aan wax xil ah dowladda ka haynin. Wuxu ka warramayay socdaal shaqo oo wasiirka
arrimaha guduhu ku tagi laha dalka Kenya oo baaqday. Muwaadinkaasi wuxu warbaahinta u soo bandhigay waraaqihii ay is
waydaarsadeen saraakiil reer Somaliland ah iyo dhigooda Kenya, waxa kale oo uu
soo bandhigay koobiyada tigidho ay isaga iyo wasiirka arrimaha guduhu ugu duuli
lahaayeen Kenya. Muwaadinkaasi xil muu haynin sirta dawladdana suuquu ku hayay!
Isla maalintaa muwaadinkaasi wuxu aad u dhaleeceeyay Haatuf iyo “wararka beenta
ah” ee ay ka fidinayso muwaadin uu magaciisa ku sheegay Baashe, markii danbe se
aan ogaaday in uu yahay inanka inanta madaxwaynaha. Isla maalintaa wuxu sheegay
ninkaa odayga ahi in ay Haatuf xadhig
istaahisho lana xidhi doono. Dharaaro ka dib xaafiiski Haatuf la “bililiqaysay”, gudoomiyihii iyo
tifaftirihii guudna gudahaa la dhigay, ku darsoo isla muwaadinkaa waxa loo
magacaabay xil dawladeed oo mudakar ah. Haatan waa la taliyaha madaxwaynaha ee
arrimaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, waa mudane Cabdifataax
Siciid Axmed. Halkaana bal dhuux oo maxaa dayaxa iyo wiilka isku beegay hadaanu
xilka ku mutaysayn abaalkii uu ku helay difaacii inanka inanta?!
Haatuf dadka akhristaa waxay ku sheegaan wargeys aad
u af dheer xogo badan in uu helaana ay u sahlantahay waana sababta aad is
odhanayso malaha waaba loo xidhay marka aad muuqaalkan kalena aad u miliilicdo:
Waxa dalka yimid odayaal dhaqan oo gabigooduba ka
socda beel qudha oo ah kuwa dega Somalia. Maalintii ay imanayeen waxa lagu soo
dhaweeyay borotokol dawladeed iyo hannaan siyaasadeed oo inta Mars u jira maamuuska
dhaqanka. Markii ay soo degayeen
madaarka waa loo xidhay, warbaahintana waa laga hor joogsaday si ammaankooda
loo ilaaliyana waxa soo galbiyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU,
garan maayo cidda laga ilaalinayay ee looga baqayay inay wax yeesho. Markii u
horraysay ee ay hadleen waxay odayaashaasi sheegeen in ay u socdaan laba
arrimood oo is barkan: in ay sida nabada loo sugo ka bartaan reer Somaliland
iyo in ay wadaan waan waan “Midow Soomaaliyeed”. Waa la yaabe waxa ay ku soo
beegmeen maalmo ay dowladu dafirtay in wax xidhiidh ahi dhex maray labada
madaxweyen ee labada dal. Waa la yaab kalee dowlada aqbashay ee soo dhawaysay
odayaal beeleed yidhi beel keli ah oo beelaha Somaliland ah baanu la shiraynaa
oo u bandhigaynaa midow Soomaaliyeed macnaheed? Dowladu saw ma qirayso
aragtidooda qaldan ee ah reer keli ah baa danbaaba Somaliland? Dowladu saw may
aqbalin in aynu beelo nahay oo aynaan ahayn dowlad leh dastuur iyo marjac
siyaasi ah. Dowladu saw may aqbalin in Somaliland aan la wada lahayn oo reer
keli ahi leeyahay? Mise tolow beesha keli ah ee in ay la shirayaan la sheegayaaba
waa beesha madaxwaynuhu ka dhashay oo ma aha ta kalee aan moodayo?! Mooyi.
Dowladda Somaliland hore ayay u sheegtay in ay gacan
ku lahayd samayntii dowlada xamar,
markaa tolow ma la is waydiin karaa in xidhiidh
qarsoon oo aan la inoo sheegini jiro?! Mooyi
Arrimahaa iyo kuwo kale oo qofku is waydiin karo
marka la eego, ma la odhan karaa sababaha
loo xidhay Haatuf waxa ka mid ah
in aanay daba galin socdaalkan odayaasha oo dowladu filaysay iyo sirta ku
duugan?! Mooyi.
Waxaas oo dhan mark loo fiirsado, sayidii madaxweyne,
hadii aan ku idhaa dalka dad dugaag ah
baad ku sii daysay ma danbi baa? Ma danbi baa hadii aan ku idhaa xilka iyo
xididka kala fogee? Ma danbi baa hadaan ku idhaa wasiiradaadu iyagaa xaday
xoolahaa ay Haatuf sheegtaye iyada xaal
sii oo xorriyadoodii u soo celi shaqaalaheeda xidhan? Muuqaaladaa i horyaalla, sayidii madaxweyne, marka qofku
aad u miliilico hadii uu su’aalahaa aan kuu soo bandhigay iyo kuwo ka duwan
kala soo baxo, miyuu qaldamayaa mise qiil baa u bannaan? Aan ku soo dabree
hadalkayga, sayidii madaxweyne ma adaa quman mise anigaa qaldan?!
Ciid wanaagsan sayidii, maalintii qaranimadaynu
sugaynaaye!
No comments:
Post a Comment