Wednesday, 19 February 2014

Waxan Ahay Aqoonyahan!!

Aqoonyahan waxaan ahay
Ogobeey siyaasi ah
Ummadiisa daayoo
Lagu aaminayn abid
Ubadkuu isagu dhalay!
Waxan ahay indheer garad
Aqli Eebbe siiyoo
Aadame ha joogee
U gar niqi karin ugaadhaa!
Waxan ahay nin uu maal
Ku mannaystay Eebboo
Macruuf iyo ha joogaan
Miskiin caawintiisuye
Gurrac kaga danaystoo
Ku makala ma geydada!
Mufti sheekh ahoo
Diin lagu majeertoo
Xaqa aan macnaynoo
Ku margada runtaan ahay!
Maankayga wax ladha
Muuqayga waxa bila
Ummad wada maqluuboo
Macbuudkii abuurtiyo
Garanayn milgaha oo
Magacyada Ilaahay
Ku maraaya dhaaroo
Kitaab saara midigtoo
Mudankii in aan ahay
Marag iila sara kaca!
Waa masalo yaab lee
Waxay muujinaysaa
In dadkaygu maran yahay
Mawle aanay  garanayn
Milgahana ay siistaan
Waxay maalin feentaan!
Waxay muujinaysaa
Inuu milaygu yahay kii
Nacas muuqanaayee
Dadka uba malayn jiray
Meel baas ka ridi jiray!


 

No comments:

Post a Comment